Cabdirizaq Catosh oo Hawada Ku Soo Laabanaya

0
2030

Runta News-Seattle, Washington.

Warar naga soo gaaray BBC-da ayaa sheegaya in laga billaabato taarikhda markay tahay 1-da Oktobar, 2019, weriyaha BBC-da ee caanka ah, Cabdirizaq Catosh, ayaa dib ugu soo laaban doono laanta af-Sooomaaliga ee BBC, kaddib muddo sanad ah oo uu fasax ku maqnaa. Waxaa uu dib u billaabi doonaa inuu tebiyo barnaamijyada raadiyaha ah  ee BBC.

Catosh waa weriye leh khibrad 20 sano ka badan, waxaa uuna soo laabanayaa dhowr bilood kaddib markii dhamaan barnaamijyada raadiyaha laga soo wareejiyay London oo loo soo wareejiyay bariga Afrika. Weriyayaasha raadiyaha ayaa haatan ka howlgala Nairobi, iyagoo soo saara barnaamijyada loogu dhageysi badan yahay Soomaaliya. Dhageystayaasha Soomaalida ah ayay u gudbiyaan; 2.5 saacadood oo barnaamijyo raadiya ah  kaas oo laga helo wararkii ugu dambeeyay, falanqeyn, warar la xiriira dhaqanka iyo cayaaraha, oo ay ugu horreeyaan barnaamijka maalinlaha ah ee halka saac socda ee “Dunida iyo Maanta” iyo Musigga iyo Salaamaha ee la soo daayo maalin kasta oo Khamiis ah. 

Madaxa Laant af-Soomaaliga ee BBC, Cabdullahi Cabdi Sheekh, ayaa yiri, “Catosh waa weriye caan ah, oo ay aad u yeqaanaan dhageystayaasha, waxaana farxad noo ah inuu dib ugu soo laaban doono hawada. Waxaan rajeynaynaa in soo laabashadiisa ay sare u qaadi doonto sida ay dhageystayaasha ula falgalaan wararkeena. Waxaa kale oo aan rajeynaynaa in firfircooni dheeri ah uu ku soo biirin doono weriyayaasha Nairobi ee aadka u fiican,”

Laanta af-Soomaaliga waxaa sandkii hore boqolkiiba 60% u kordhay dhegeystayaasha ku taxan, waxayna haatan gaartaa 5.9m oo qof toddobaadkiiba, kuwaas oo ku fidsan degaannada Soomaalida.