Agoosto 1, 2023 Doorashada Hordhaca iyo Gaarka ah.

0
459
Group of students studying in library at university

Diiwaan gelinta codbixiyaha iyo macluumaadka doorashada

Macluumaadka diiwaan gelinta codbixiyaha              

Shuruudaha

Si aad isku diiwaan geliso oo aad uga codeyso Washington, waa inaad tahay:

  • Muwaadin Mareykan ah
  • Degane sharci ahaan ku nool gobolka Washington
  • Ugu yaraan 18 sanno jir ah marka la gaaro maalinta doorashada

– Haddii aad tahay 16 ama 17 jir, waxaad isku saxiixi kartaa kan

Codbixiyaha Mustaqbalka ahaan oo si toos ah ayaa laguu diiwaan

gelinayaa marka aad u qalanto

  • Qof aan laga mamnuucin codeynta amar maxkamad awgeed
  • Qof aan lagu haynin xabsi guud oo hoos taga xukunka Waaxda Asluubta ee gobolka Washington xukun dambi-weyn oo ka dhacay Washington awgeed
  • Qof aanan hadda xabsi ugu jirin xukun dambi-weyn oo federaal ah ama mid ka dhacay gobolka Washington dibadiisa

Sida la isku diiwaan geliyo

Oonleen

Waxaad iska diiwaan gelin kartaa ama diiwaan gelintaada ka cusboonaysiin kartaa oonleenka halka VoteWA.gov — waxaad u baahnaan doontaa Leesanka Darawalnimada ee Gobolka

Washington ama Aqoonsiga. Hubi inaad oonleenka iska diiwaan geliso ugu dambeyn Julaay 24 wakhtiga kama dambeysta ah ee Doorashada Hordhaca iyo Gaarka ah ee Agoosto 1.

Boostada

Ka soo dejiso oo daabac foomka diiwaan gelinta halka kce.wiki/ VoterReg si aad isku diiwaan geliso ama aad u cusboonaysiiso diiwaan gelintaada oo boostada ugu dir xafiiskeena ugu dambeyn Julaay 24 wakhtiga kama dambeysta ah ee Doorashada Hordhaca iyo Gaarka ah ee Agoosto 1.

Shakhsi ahaan

Waxaad isku diiwaan gelin kartaa shakhsi ahaan ilaa iyo Agoosto 1, Maalinta Doorashada, halka xuranta codbixinta. Si aad u hesho macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan goobaha iyo saacadaha xarumaha codbixinta, booqo kingcounty.gov/elections.

Ka dhig diiwaan gelintaada codbixiyaha inay noqoto mid hadda joogto ah

Si fudud macluumaadkaaga uga cusboonaysii oonleenka ama soo gudbi foom diiwaan gelin cusub ugu dambeyn Julaay 24 ee Doorashada Hordhaca iyo Gaarka ah ama shakhsi ahaan nooga

soo booqo ilaa iyo Agoosto 1, Maalinta Doorashada, mid ka mid ah Xarumaheena Codbixinta ee lagu soo bandhigay webseedkeena Doorashooyinka Degmada King.

Macluumaadka warqadda codbixinta         

Maalinta Talaadada, Agoosto 1, 2023, Degmada King, Washington, waxaa ka dhaci doona Doorashada Hordhaca iyo Gaarka ah oo gebi ahaanba lagu qabanaayo adeegga boostada.

Warqad codbixin beddelaad ah

Soo wac Doorashooyinka Degmada King si aad u codsato warqad codbixin beddelaad ah haddii xirmooyinka warqaddaada codbixinta ee asalka ahayd ay kaa dhunto, xumaato, ama ay burburto.

Caawinaad ayaa diyaar ah

Caawinaadda diiwaan gelinta iyo qalabka codbixibta ee la heli karo ayaa diyaar ah. La xiriir Doorashooyinka Degmada King si aad u hesho macluumaad dheeraad ah.

Shirarka guddiga shahaadaynta doorashooyinka   

Si loo buuxiyo shuruudaha qaanuuniga ah ee ku saabsan shahaadaynta warqadaha codbixinta ee doorashada, shirarkan soo socda ee Guddiga Shahaadaynta Doorashooyinka waa:

August 10, 1:30 p.m.

Shirka ugu horeeya/dambeeya ee Doorashada-Kadib Doorashooyinka Degmada King

August 15, 1:00 p.m.

Shirka Shahaadaynta Doorashooyinka Degmada King

Tijaabooyinka Caqli-galnimada iyo Saxnaanta ayaa lagu qaban doonaa halka Doorashooyinka Degmada King Julaay 6, 2023.

Tijaabinta cutubyada codbixinta la heli karo ayaa la qaban doonaa 10 a.m.

Tijaabinta qalabka xisaabinta ayaa la qaban doonaa1 p.m.

Doorashooyinka Degmada King waxay ku sugan tahay halka 919 SW Grady Way, Renton, WA 98057. Dadweynaha ayaa lagu casuumayaa inay ka soo qayb galaan shirarka Guddiga Shahaadaynta Doorashooyinka iyo tijaabooyinka caqli-galnimada iyo saxnaanta.

Note: This public notice is sponsored by and brought to you by King County Elections.