Qoysaska Seattle oo Talooyin ka Dhiibanaya Waxbarashada Online-ka

0
585

Qoysaska Midabka ee hareeraha Seattle waxey ka hadlayaan hagaajinta waxbarashada fog. Halkan waxa ah qaar ka  mida fikradahooda

Waxa qoray Regina Elmi iyo Ann Ishimaru

Waxa tarjumay Mohamud Yussuf

Education Lab waa mashruuc Seattle Times oo diiradda saara ballanqaadyo wanaagsan oo wax looga qaban karo caqabadaha joogtada ah ee ka jira waxbarashada dadweynaha. Waxa soo saaristiisa wadajir loola kaashadaa Solutions Journalism Network waxana maal-geliya deeq ka timaada hey’adda Bill & Melinda Gates Foundation, Amazon iyo City University of Seattle. Wax badan ka fogow Ed Lab.

Regina Elmi waa agaasimaha sare ee Somali Parent Education Board. Ann Ishimaru waa kaaliye macallin waxbarashada ee jaamacadda University of Washington. Qorayaasha waxey la qoreen xubintan 10 kale oo ah hoggaamiyeyaasha waalidiinta African American, Somali, Latina iyo Vietnamese oo ka kala socda degmooyinka Renton, Federal Way, Kent, Highline iyo waaxaha Iskuullada Seattle.

Kumanaan ka mida qoysas iyo daryeelayaal ku nool degmada King County ayaa dareenkoodu kacsan yahay iyadoo iskuulladu ku shaqeynayaan online. Bilihii ugu dambeeyey, waxa na saameeyey baaba’ii COVID-19 iyo xagaagii oo lagu waa bariistay ka hortaggii midab kala sooca dadka Madow oo ka dhashay dilkii Ahmaud Arbery, George Floyd, Breonna Taylor iyo xabbadeyntii Jacob Blake.

Waxan kaloo aragnaa sinnaan la’aanta midabka oo ku sii fogaaneysa iskuulladeena. Si kasta oo waqtigu u ahaa mid adag iyo qalbi jab leh, qoysas badan oo ka mida bulshooyinka dadka Asalka, Madow iyo dadka midabka leh BIPOC (Black, Indigenous and people of color) way is abaabulayeen waxeyna la imanayeen tabo caqli ku dhisan oo ay ku taageerayaan kuna waxbarayaan caruurtooda.

Waxanu la doodnaa nidaamka waxbarashada si ay u tixgeliyaan: Maxeynu si wadajir ah u curin karnaa haddii aynu dibadda uga tallaabsanno waxa loo arko “caadi”? Qaar ka mida fikradaheena waxa ku jira iskaashatooyin qoys, macallimiin bulsho, caawimaad teknoolojiyad jiilal kala duwan, iyo waxbarasho dhaqan oo dibadda ka ah iskuulaadka.

Xaggee bay fikradahaasi ka imanayan? Waxanu qeyb ka nahay urur ka kooban faamillada midabka ah oo gobolka ku baahsan oo kulmayey iskuna weydaarsaneyey waayo-aragnimadooda online muddo bilooyin ah intii COVID-19 albaabada u laabay iskuulaadka.

Iyadoo sannad-dugsiyeedkii soo dhowaaday, waanu isu nimid si aannu soo koobno wada-hadalkii aannu la laheyn faamillada midabka iyo arrimo loo baahan yahay in la fuliyo: Oon wax kaga baranno lana shaqeyno faamillada midabka si aan u beddelno sida aan wax u barno.

Qoysasku si wanaagsan ayey ula socdaan in COVID-19 si ka baaxad weyn kuwa kale u saameyey bulshooyinka Madowga, dadka Assalka iyo Laatiinka, oo ay ku jiraan caruurta . Xittaa hubaal la’aanta cunto iyo dhaqaale iyo lagama maarmaannimada qaar ay u qabaan iney sii wataan shaqooyinka mushaharkoodu yar yahay oo loo arko iney muhiim u tahay bulshada, faamillada midabka leh waxey noo sheegeen iney mudnaanta siinayaan caafimaadka caruurtooda iyagoo guriga ku heynaya si ay wax u bartaan, halkii ay ka tagi lahaayeen dhismayaasha iskuullada. Laakinse xittaa kuwo badan waxey dareemayaan in masuuliyadda waxbarista caruurtooda ay kaligood dusha ka kortay.  

Hal hooyo oo Soomaali ah waxey tiri waaxyadu waa iney daacad ahaadaan waana iney u sheegaan waalidiinta iney masuuliyaddoodu tahay iney cunuggooda wax baraan imika. Xalalka qof-ahaaneed, sida barashada kombiyuutarka yar, oo ay soo saareen kuwa mudnaanta sare leh waxey sii xoojin kartaa sinnaan la’aan. Waxanu u baahan nahay xal nidaamsan oo loo dhan yahay. Hal cabbirna lama ekaan karo dhammaan.

Jiilal badan, oo faamillada midabka ah waxey inta badan si wadajir u korinayeen una taageerayeen waxbarashada caruurtooda si ay uga hortagaan wax barista dhaqan ahaan nusqaanka ah iyo cadaadiska midabka ku dhisan oo in badan oo Madowga, maariinka, iyo ardada kale ee midabka ah wajahaan.  

Caruurteena Madowga waxey ku faraxsanaayeen iney iskuulka ka maqnaayeen oo guriga wax ku baranayeen gugii la soo dhaafay, waxanuna ogaanay in si mid ah kuwa kalena la qabaan.  Faamillada dadka asaliga ah waxey nala qeybsadeen sheekooyin kuwaa la mida. Markii ugu horreysay, caruurta Madow ma dareemin cadaadis ah iney dadka ku dhex milmaan; ma aysan dareemin in lagu qiimeynayo ineysan la jaan-qaadeynin dhaqamada la iska fisho ee ka dhasha tagista qofeed ee iskuullada. In badan kuma qasbaneyn iney si joogto ah ula tacaalaan xinka hoose ee midab kala sooca iyo eexda macallimiinta. Faamilladu waxey bareen afafka waddankooda, qiimahooda, hab-dhaqankooda, waxeyna ugu xirnaayeen caruurta si cabasho, halgan iyo ka bogsiimo ah.

Wax ku barashada online, macallin kasta marti ayuu noogu noqdaa guryaheena. Waxan weli isku dayeynaa inaan ku noolaanno guryaheena — waxaa jira walaalo fasallo kala duwan dhigta, kuwo yar-yar iyo kuwo naaska nuugaya, jiilal kala duwn oo wadajira, dad waaweyn oo shaqeeya ama howlaha aqalka maareeya, qaarkood waxey la halgamayaan guri la’aan ama faqri, iyo arday naafo ah oo u baahan taageero dheeri ah. Ma soo dhoweyneyno in nolosha faamillada lagu qiimeeyo midab iyo siyaasado ciqaab ah oo la socon kara “booqashooyinkaas guryaha.”

Iskuulladu waxey heystaan fursad ay wax kaga bartaan faamilladeena oo ku saabsan xikmadda iyo dhaqammada u saamaxay bulshadeena iney noolaadaan oo ay tartamaan iyagoo wajahaya gumeysi, ka horjeedka Madowga iyo jinsi-naceyb. Imikadan degmada King County, faamillada Madowga waxey abaabulayaan iskaashatooyin si ay wax u baraan ama caruurta isugu ilaaliyaan. Caruurta Soomaalida waxey xisaab, Carabi, iyo af-Soomaali ka qaataan macallimiin joogta Soomaaliya.

Qoysaska soo haajiray waxey isku caawiyaan tarjumaanimo iyo isla wadaagidda wararka ku saabsan fursadaha waxbarasho ee iskuulka ka bannaanka ah. Waalidiinta leh caruurta naafada ah waxey caruurtooda u kaxeeyaan guriga dibaddiisa si ay waxbarashadooda u naaxiyaan. Ilmaha waaweyn waxey faamillada ka gacan siinayaan isticmaalka teknooloojiyadda, iyo habka loo isticmaalo internetka. Dhallinyarada way is abaabulayeen si ay dambi la’aan uga dhigaan iskuulladooda  iyo talo ku yeeshaan shaqo bixinta iyo go’aannada dib-u-furitaanka.

Wax ka barashada faamillada iyo bulshooyinka waa iney ahaadaan amarka shaqo ee ugu horreeya ee iskuullada. Macallimiin badan oo aanu la hadalnay waxey oggol yihiin iney ra’yigooda iyo waayo-aragnimadooda la wadaagaan macallimiinta iyo dadka ay talada ka go’do sida: Waaxyadu ma ku caawini karaan faamillada iney dhistaan iskaashatooyin sida la mid ah kuwa qaar faamillada Madowga ka sameysteen waaxyo meelo kale oo dalkan ka mid ah? Ma heli karnaa kalkaaliyeyaal macallimiin, kuwo beddel ah ama macallimiin ka socda hey’ado oo ardada kala shaqeeya online ama goobaha bulshada? Dib-u-eegis ma lagu sameyn karaa waxbarasho online oo dabacsan? Ma jirtaa hab wax lagu siin karo waalidiinta, oo qaar badan lumiyey ama uga tagay shaqadoodii muhiimka aheyd iney caruurta guriga la joogaan?

Waaxyadu kaligood tani ma sameyn karaan. Waxan ku boorineynaa hay’adaha iyo deeq bixiyeyaasha ee ka jira nidaamka waxbarashada gobolladeena iney si adag u eegaan sida ilaha dhaqaale loo isticmaalo. Haddii sinnaan xuddun u tahay howshooda, sidee bay ku awoodi doonaan iney dadka iyo ilaha maaliyeed u wareejiyaan sidii si wanaagsan loogu taageeri lahaa kaalinta udub-dhexaadka ay hadda faamilladu ciyaarayaan?

Helitaanka cunto iyo teknooloji waa muhiim laakinse kuma filna sinnaan. Dhageysiga ardada iyo faamillada BIPOC waa bilow, laakinse nidaamyada ka jira gobolladeena waxey ku dayan karaan hoggaanka faamillada ay saameysay caddaalad darrada waxbarasho waxeyna ahaan karaan kuwo fakar wanaagsan la yimaada. Waan ognahay ineysan sahlaneyn oo ay adag tahay, laakinse waa amaah ay caruurteena nagu leeyihiin — iyo jiilalka mustaqbalka — maxaa yeelay kuma laaban karno sidii waa hore oo ay wax ahaan jireen.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here