Waalidka iyo Waxbarista Caruurta Xilliga COVID-19

0
856

‘Marka iskuulku bilowdo, qof hagaagsan ma ahaan dooni’: Waxbarashada fog xilliga COVID-19 waxey waalidiinta hareeraha Seattle ku nool ka dhigtay kuwo ogaada tabartooda

Waxa qoray Nicole Brodeur

Waxa tarjumay Mohamud Yussuf

Education Lab waa mashruuc Seattle Times oo diiradda saara ballanqaadyo wanaagsan oo wax looga qaban karo caqabadaha joogtada ah ee ka jira waxbarashada dadweynaha. Waxa soo saaristiisa wadajir loola kaashadaa Solutions Journalism Network waxana maal-geliya deeq ka timaada hey’adda Bill & Melinda Gates Foundation, Amazon iyo City University of Seattle. Wax badan ka ogow Lab.

Subax kasta oo timaada, inta qof kale uusan toosin, Nikeya McAdory waxey ku dul booddaa qalabkeeda jimicsiga waxeyna bilowdaa socod.

Haddii ay nasiib leedahay, wax kale kama fakarto,

Laakinse dhowrkii subax ee ugu dambeeyey, McAdory waxey ka calaacaleysay sida iyada iyo seddexda caruur u dhex qaadi lahaayeen sannad-dugsiyeedka cusub: Waxbarashada muuqaalka, howlaha guriga, daba-socod, waqti firaaqo, cuntooyin, waqtiga sariirta. Ku noqod.

“Ma garanayo waxa aan sameyn karo, laakinse waan isku dayayaa,” ayey McAdory ka dhex tiri aqalkeeda xaafadda Columbia City ee magaalada Seattle, halkaasi oo ay labadeeda caruur ee waaweyn ugu diyaarisay miisas, 14-jir Dennis, oo ku cusub Dugsiga Sare ee Cleveland; iyo 11-jir Dylann, oo fasalka shanaad ka dhigta Dugsiga Hoose ee Graham Hill. McAdory waxey meel yar u diyaarisay gabadheeda 6-jirka ah, Karter, oo fasalka koobaad ka ah Graham Hill.

“Waan ogahay marka iskuulku bilowdo, inaanan ahaan doonin OK,” ayey tiri McAdory, oo ah hooyo madax bannaan oo fasax uga maqan shaqadeeda kalkaaliye ee ilkaha si ay ula joogto caruurteeda. “Waxan hubaa in howluhu aad iigu badan doonaan.”

Waxa jiray wada xaajoodyo aad u fara badan oo ku saabsan sida caruurtu u maareyn karaan waxa loogu yeero xaaladda cusub; haddii ay wax uun baranayaan, ama haddii xilligan ee taariikhda ku leh dareenkooda uu noqon doono waqti ka lumay. Waxaana jira dib u dhacyo bulsho. Saaxiibbo la la’ yahay, dhaq-dhaqaaqyo, iyo dhaqamo qaabeyn doona waayo aragnimada iskuulka, iyo noloshooda.

Laakinse waalidiinta, xittaa, way dhibaatoonayaan; waxey isku dayayaan iney isu dheelli-tiraan jeceylka iyo korinta caruurta, waxey u adeegaan sida macallin iyo shaqaale taageere ah, iyagoo diyaariya meelo fasal noqon kara, isha ku haya waxbarashadooda, eegaya shaqadooda guri (homework) kana codsanaya iney jidka saxda ah ku taagnaadaan. Waxani oo dhan, waxey sameyneysaa iyadoo gacanta ku heysa howlihii guriga oo la dareemayo inuu ciriiri sii noqonayo.

Haddii la doonayo in waalidiinta guuleystaan, iskuulaadku waa iney ka hordhacaan ciyaartooda. Waqti dhow, saadaasha qaran (Gallup poll), waalidiinta iyo ardadu waxey yiraahdeen waxa ugu muhiimsan oo ay uga baahan yihiin iskuulkooda waa filashooyin muuqda. Qiyaas bar ka mid ah dhammaan ardada waxey yiraahdeen waxey u baahan doonaan kaalmo ah sidii ay ula qabsan lahaayeen waxbarashada caadiga ah marka midda fogaanta ahi dhamaato xilliga guga ee soo socda. Taasi waa culeys aad u badan.

“In muddo ah ayan ooyey ka dib markaan ogaaday in waaxda iskuulkeena ay sii wadi doonto waxbarashada fog,” ayey tiri Kari Hammett-Caster, oo ah agaasime hey’ad deeq siisa hey’ad samo-fal ah taasi oo ka shaqeysa gurigeeda oo ku yaal Black Diamond, halkaasi oo ay kula nooshahay ninkeeda iyo labo caruur ah, Camryn, 8, iyo Callen, 3.

“sidee bay suurto-gal ku tahay inaan shaqeeyo, oon haddana waxbaro, iyo inaan maamulo intaan oo dhan?” ayey is weydiisay xilligii gugii ee la soo dhaafay. “Wax aad u adag ayey aheyd kolkii aan waxbarashadeeda oo kaliya aan maareynayey. Imika ma aniga ayey tahay inaan wax baro?” ayey tiri. Waxey awoodday in diiradda saarto shaqadeeda xagaagii hadda ahaa, markii ay gabadheedii u dirtay xero maalinle ah oo caruurta la isugu duwo kooxo yar yar oo dibaddana ku ciyaara. Laakinse markaa ka dib, waxey heshay warqad sheegeysa in Dugsiga Hoose ee Black Diamond uu sii wadi doono waxbarashadii meesha fog.

“Markaasi waxey aheyd markii miirka iga tagay,” ayey tiri Hammett-Caster, iyadoo ku dartay in iyada iyo ninkeeda, oo maamule waaxeed ka ah shirkad wax keydisa, ay “ku dadaalayeen”, iyagoo hubinaya in gabadhooda ay iska tiirin karto casharradeeda xisaabta.

Kolkii iskuulkii furmay, haddana, Hammett-Caster waxey “cabsi weyn” ka qabtay kartideeda ah iney wax bari karto gabadheeda iyadoo isla markaana la tacaaleysa shirarka Zoom ee waajibaadka kale ee shaqadeeda.

“Waxan ka wel-wel sanahay inaan masuul ka noqdo waxbarashada caruurteyda,” ayey tiri.

Waxa laga yaabaa iney gabadheeda ku qorto goob waxbarashada lagaga caawin karo iyo xarun maalintii lagu hayo caruurta, halkaasi oo shaqaale indhaha ku heyn doonaan howlaha iskuulka ee gabadheeda. Laakinse taa, lafteeda, dhibkeeda ayey leedahay.

“Waxan ka wel-welaa inaan waxbarashadeeda u xil saaro dad aan macallimiin aheyn,” ayey ka tiri Hammett-Caster shaqaalaha xarunta maalintii caruurta lagu hayo. “Lafa-gurkani waa dhabar-jab. Ma jiro wax boqolkiiba 100% wanaagsan. Waxan ooynayey maalin dhan maxaa yeelay waxey ila noqotay, ‘In waxani aaney iyada u rooneyn, ama anigaba.’”

Laakinse iyada iyo ninkeeda waa lamaane aad isugu habboon, isla lugeeya habeen kasta, mararka qaarna kula sheekeysta saabiibadood online si ay isaga yareeyaan cabsida iyo wel-welka.

Migee Han waxey si waalidnimo-wadaag ah kula heysaa wiilkeeda 6-jirka ah, Dylan oo ah lamaanaheedii hore, waxeyna shaqo buuxda ka heysaa Washington STEM iyadoo ka ah sarkaal madaxa qeybta horumarinta iyo isgaarsiinta hay’ad samo-fal taasi oo xiriir iskaashi la leh siyaasad dejiyeyaasha xoojiya wabarashada cilmiga, teknoolojiyada, injineerinka, iyo xisaabta.

Han waxey aad ugu faraxsan tahay iney shaqo heysato, iyadoo awoodda iney gurigeeda joogto, waxeyna ku dadaaleysaa “iney habeysato maalin fasax ah oo ay waqti la qaadato wiilkeeda,” oo bilaabaya fasalka koowaad.

Han way wel-weshaa, in kastoo, bilahani ay guriga la joogtay Dylan — iyadoo ciyaareysa labada kaalin ee hooyo iyo macallin, barbaariye iyo waqti ilaaliye, inkastoo waqti ku filan aaney u heynin — haddana waxey is-beddel ku keentay qaabkii xiriirkoodu ahaa.

“Waxan ixtiraam aad u sarreeya u hayaa macallimiinta, waxana jeclahay sida ay ugu wacan yihiin howlaha ay qabtaan, si anna aan u qabsado shaqdeyda,” ayey tiri. “Laakinse way ku adag tahay faamillada iney caruurtooda wax baraan. Macallimiinta si gaar ah ayey ugu habeysan yihiin iney wax baraan. Waa xirfadlayaal. Islama xiriirsana.”

Caruurtu si kale ayey u dhaqmaan marka waalidku wax barayo, ayey tiri Han.

“Waa goob ka duwan, waa jawi ka duwan iyo qof ka duwan,” ayey tiri. “Ma garanayo xilka aan isa saaray wuxuu yahay. Dhammaan waa kaalimmo.”

Shelley Rousseau waxey diyaar u aheyd taasi. Sannadkani wuxuu ahaa kii ay macallinimada dib ugu noqon laheyd, ka dib markii ay muddo aheyd hooyo guriga u joogta labadeeda ilmood — Jack, oo sannadka tobnaan ka ah Dugsiga Sare ee Ballard, iyo Emme, oo cusub — gashayna fasalkeeda sagaalaad.

Laakinse COVID-19 ayaa beddelay waxaasi oo idil, “Imikana waxan wax ka baraa aqalka,” ayey tiri Rousseau.

Way ogtahay in qoyskeedu nasiib ku leeyihiin dakhliga ninkeeda soo galo (wuxuu u shaqeeyaa shirad ganacsi yar oo naqshad sameysa), leh guri iyo caafimaad wanaagsan.

“Laakinse waxey murugo xooggan iga heysaa xaaladda caruurteyda,” ayey tiri Rousseau. “Haddaba inta badan waxbarashada dugsiga sare waxey ka dhacdaa fasalka dibaddiisa, sidaa darteed, waayo aragnimada ka lumeysa waxey iga dhigeysaa qof murugeysan.”

Jack, oo ka dhawaajiya turumbada, waxa uu imika uun ka mid noqday kooxda jaaska oo la amaano ee Iskuulka Ballard High, oo imika ku tabobarta online. Emme, oo bulshay ah, waxey ku faraxsaneyd iney ku bilaabato iskuul cusub.

Imika, Jack wuxuu saaxiibadii la ciyaaraa PS4, iyadoo Emme kula sheekeysata saaxiibadeeda waqti weji (FaceTime) aqalkana quruxsatay.  Labaduba maalin kasta ayey ordaan iyagoo rajo ka qaba iney ka qeyb galaan tartanka orodka cross-country ee xilliga guga.

Rousseau waxey si joogto ah isugu daydaa iney ka fogaato isticmaalka kombiyuutarkeeda dhabta la saarto, kaasi oo ay “hoos isu dhaafiso (doom scrolls).” Waxey godad ka qoddaa hareeraha beerta, ilaalisaa digaagga iyo bakeylayaasha ay ku heystaan qeybta dambe ee guriga ama waxey iska fariisataa oo wax ku akhrisataa qol banaanka ah oo ay sameysteen. The New Yorker. Iyo buugga Elinor Lipman ee “Good Riddance.”

Ninkeeda wuxuu ordaa subax kasta wuxuuna isku qoray iskuul shahaaddo sare, “taasi oo rajo gelisay,” ayey tiri Rousseau. Lamaane ahaan, si wadajir ah ayey u wada qadeeyaan, cashadana qoya ahaan.

Iyada iyo caruurtuba waxey nadiifiyeen sanaadiiqda buugaagta waxeyna ku gureen maktabad amaah oo u dhoweyd, iyagoo ka qeyb qaadanaya is-dhaafsi hal xiraale iyo tolid weji daboollo (masks).

“Sida qoys ka kooban afar oo inta badan waqtiga si wadajir ah u qaata sida keennu yahay, si fiican ayaannu isaga tiirineynaa,” ayey tiri Rousseau. “Run ahaantii, aad beynu u duceysan nahay. Tani waynu ka gudbi doonnaa.”

Mararka qaar, haddana, wax bay is-weydiisaa.

Toddobaadkii hore, waxey Jack u kaxeysay timo-jarka iskuul ku noqoshada, astaan fudud oo waqti kale aheyd. Waxanu dareennay hiddo, wax caadi loo sameeyo.

Laakinse sannadkan, waxa lagu qasbay iney ballan sameystaan. Iney buuxiyaan warqad ama foom. In Jack laga cabbiro qandho iyo in Rousseau ay ku sugto gaariga gudihiisa.

Intii ay halkaa ku sugneyd, Rousseau waxey eegtay halka biirka lagu sameeyo ee waddada dhinaca kale ah. Dadku dibadda ay joogeen, iyagoo cabbaya oo qoslaya. Midkoodna ma xirneyn daboolka afka.

Way ka xumaatay — si aan caadi aheyna way uga carootay.

“Haddii aan kari lahaa inaan arko,” ayey tiri. “Bulsho aan kala fogeyn. Cudur baahsan? Waa maxay cudurkan baahsan?

“Run ahaan aad bay ii saameysay,” ayey tiri, “maxaa yeelay waxanu sameyneynaa wax kasta oo nalaga filayo, si aan u helno wax yara sidii caadiga aheyd ku soo noqda,” ayey tiri. “Ilaa goorma ayey caruurtu ahaanayaan kuwo mudnaanta la siiyo?”

McAdory waxey imika taasi sameynaysey muddo bilood ah, haddaba iyadoo sannad-dugsiyeedka bilaabanayo, waxey dareemeysaa kalsooni. Si looga badbaado wareerkii xilligii guga la soo soo dhaafay, waxey caruurteeda u diyaarin doontaa jadwal, mid socod ah, iyo iney toosto ka hor qof kasta si ay ugu dul booddo mashiinkeeda una oroddo, oo dhididdo una neeftuurto.

“Inta ay heystaan waxa ay u baahan yihiin, waxanu ka dhigi doonnaa mid shaqeysa,” ayey ka tiri seddexdeeda ilmood. “Ma diyaarsaneyn bishii Maris, laakinse hadda waxan dareemayaan sida inaan toobinta hayo.”