Coronavirus oo Xiray Iskuullada Washington, ugu Yaraan ilaa Sammarka. Goormay Bad-qab Tahay in Lagu Laabto?

0
2010

Hamdi waa gabar wax ka barata Hope Academy oo ay dhigtaan arday badan oo Soomaali ah kuna yaal galbeedka Seattle 

Waxa Qoray Hannah Furfaro, Wariye Seattle Times

Waxa Tarjumay Mohamud Yussuf, Tifaftiraha Runta News

Dhismayaasha iskuullada gobolka Washington way xirnaan doonaa muddada ka harsan sannad dugsiyeedka – markey ugu yar tahay.

Way adag tahay in la ogaado waqtiga in ka badan 1 milyan oo arday oo hadda guryaha jooga ay fasallada kula laaban doonaan saaxiibbadood ay wax isla baranayeen: isweydiinta waqtiga iskuulladu dib loo soo celin karo waxa ay u baahan tahay qiyaas taxaddar ku saleysan.

Madaxa iskuullada Gobolka chief Chris Reykdal wuxuu ku yiri shir saxaaafadeed horraantii bisha Abril in hoggaamiyeyaasha iskuullada u diyaar garoobaan suurto galnimada in xiritaanka uu sii dhaafsanaado xilliga deyrta.

Siyaasadda kuwa sameeya waxa ay u baahan yihiiin iney tixgeliyaan baaxadda fayrisku gaarsiisan yahay — yuu ku dhacay, yaa ka soo kabtay una adkeysan kara — laakinse haddana sidoo kale sidee bay si hagaagsan ugu qalabeysan yihiin si fayriska halkiisa loogu hayo. Taasi oo ah tallaal darbi u noqda, tallaalkaasi oo qaadan kara in ka badan sannad si loo diyaariyo. Iskuulladuna waxay leeyihiin cabbir u gooni ah: Si ka duwan goobaha dadku wadaagaan, sida maqaayadaha, baararka iyo beeraha nasashada, dadku waxey ku qasban yihiin iney galaan dhismayaasha iskuullada dadweynaha marka ay ugu yar tahay maalin kasta oo ka mida maalmaha toddobaadka shaqada.

Gobolka Washington bartamahii Abril, calaamadihii welwelka waxa ay isku beddeleen xoogaa rajo ah. Saadaasha dhimashada waxey ka yara hooseysaa qiyaastii markii hore la qabay. Tirada dadka dhakhtarka la dhigayo halkeeda ayey ku joogsatay. Gobolka Washington waxa laga yaabaa inuu ka mid yahay meelaha ugu horreeya Mareykanka ee “hoos u soo dhigay” kor u kicii cudurka.

Laakinse falanqeyntii dhowaanahan waxa la socda taxaddar: Khubaradu waxey leeyihiin qiyaasaha waxa la isku halleyn karaa haddii dadku daacad u noqdaan sharciyada u degsan kala dheeraanshaha bulshada iyo meelaha kulamada dadweynaha, oo ay ku jiraan iskuullada.

Haddaba waa goorma marka ay run ahaantii bad-qab tahay in iskuullada dib loo furo?

In kastoo madaxda iskuullada ay sharad ku dhiganayaan deyrta (fall), way adag tahay in la saadaaliyo goorta ay bad-qab tahay in dib loo soo celiyo casharrada qof ahaan loo qaadan jiray.  “Jadwalkii lagu qiyaasi jiray sida xiridda iskuullada waxa laga yaabaa iney is beddelaan waqtiyada soo socda iyadoo ay soo baxayaan warar cusub oo ina tusin doona jidka cudurka baahay uu qaadi doono,” ayuu yiri Danielle Koenig, af-hayeenka Xarunta Wadaagga Wararka (Joint Information Center) ee kooxda ka jawaabta coronavirus, bishii Maarso. Hadda oo ay xiran yihiin iskuullada muddada ka harsan sannad dugsiyeedka, “go’aammadu waxey ahaan doonaan kuwo qiyaastoodu yar tahay, iyadoo gobolka Washington soo yareynayo sare u kiciddii cudurka ilaa xilliga xagaaga,” sidaa waxa yiri af-hayeen kale.

Mar la weydiiyey murtida macluumaadka ay tixgelinayaan, madaxda xafiiska guddoomiye Inslee waxey sheegeen iney indhaha ku hayaan tirada isu gudbinta cudurka iyo macluumaadka kale ee kor kala socda heerka fayraska iyo cudurka uu sababo COVID-19. “Ugu dambeyn tani, iyo tallaabo kale oo kasta ee aynu qaadnay waxa lagu saleeyey heerka korriimada kiisaska iyo dhimashada COVID-19,” ayuu yiri Mike Faulk, af-hayeenka xafiiska guddoomiyaha gobolka.

Khubarada cudurrada baaha (Epidemiologists) warkoodu waa cad yahay. Dadku khatar ayey ku jirayaan inta badankoodu iska difaac u yeelanayaan sida tallaal ay helaan ama bulshada oo si xooggan u baahisa cudurka, ayuu yiri Yonatan Grad, gacan-yaraha professor T.H. Chan qaabilsan cilmiga difaaca jirka iyo cudurrada la is qaadsiiyo ee Jaamacadda Harvard qeybta Iskuulka Caafimaadka Dadweynaha.

Tallaal la’aanitiisa, dhameynta baahsanaanta waxey u socon kartaa sidan: Si xooggan oo bulshada loo kala fogeeyo waxey hoos usoo dhigi kartaa kor u kicii tirada dadka qaadaya waqti mucayyan ah, laakinse si looga hortago dib usoo labo-kacleyn is xig-xigta, tijaabooyin ballaaran ayaa loo baahan yahay si loo ogaado qofka qaba fayraska, iyo kuwa adkeysiga u leh.  Madaxda dowladda waxey u baahan doonaan iney si dhab ah u daba galaan qofkee la kulmay qof lagu sheegay cudurka ayuu yiri Grad. Waxa uu intaa raaciyey in durba marka fayriska koontrool lagu sameeyo madaxdu waa iney isku dayaan iney kuwa uu ku dhacay lagu hayo meel kale si aaney fayriska dib ugu soo celin bulshada gobolka Washington.

Xaaladahaasi waxey caadiyan la jaan-qaadaan tilmaamaha muujin kara iney bad-qab tahay in iskuullada la furo, ayey leeyihiin khubarada. Madaxda waxey la qabaan arrinta. “Cilmi Saynisku wuxuu leeyahay waa laga yaabaa ineynu heysan tallaalka, waa laga yaabaa ineynu kooxda adkeysi u leh marka la gaaro deyrta, mana jiro qof doonaya inu cudurka haddana kor u kaco haddii durba bulshada laga fasaxo guryahooda oo ay aadaan riwaayadaha, ciyaaraha kubadda cagta iyo iskuullada,” ayuu yiri Reykdal.

Sida ay qabaan qaar ka mida cilmi baarayaasha, arrimaha iskuullada waxa ay ahaan karaan mid gaar ah. Iyadoo goobaha bulshadu si tartiib ah u furmayaan, waxa laga yaabaa in iskuulladu ka mid ahaadaan kuwa ugu dambeeya ee dib loogu noqdo. Si aan la mid aheyn xarumaha ganacsiga, furitaanka iskuullada waxey dadka ku qasbi doonaan iney isugu yimaadaan meelo kooban: fasallada, marinnada ciriiiriga, qolalka alaabaha lagu xareysto, iyo qolka qadada.

“Haddii aan diyaarinayo hab aan ku baahinayo sida ugu dhakhsiyaha badan feyraska, way adkaaneysaa in la helo meel kaga habboon iskuullada ayuu yiri Aaron Carroll, oo ah barfasoor dhiga maaddada cudurrada caruurta “pediatrics” ee jaamacadda Indiana University School of Medicine.

“Ikuma ciriirinno caruurta mar kaliya, balse 45 daqiiqo marba waxanu u yeerinayaa gambaleelka isuguna geynaa goob kale oo dad badan joogaan. Haddana maalintii mar waxanu isugu geynaa qol weyn oo ay wax kuwada cunaan iyagoo aad mooddo in dusha la iska saaray.”

Taasi waa xawaaj ku habboon in cudurka lagu baahiyo, ayuu yiri.

Laakinse Iskuullada gaar ahaan waa khatar haddii caruurtu ku gudbinayaan coronavirus-ka. Ma cadda iney yihiin kuwa ugu xoogga badan ee cudurka baahiya, sida ay u yihiin kuwa ugu badan ee gudbiya hargabka. Caruurtu waxa ay u badan tahay iney ka fakadaan saameynta halista coronavirus, laakinse baaritaan hore wuxuu ku talinayaa iney sida dadka waaweyn cudurka u nugul yihiin iney qaadaan. Haddii ay gudbiyaan iyadoo aaney ka muuqan calaamadaha lagu garto, furitaanka iskuullada waxa ay noqoneysaa mid lagu deg-degay, ama mar qura, uu noqdo wax lagu halaagsamo.

Haddii daraasaduhu tilmaamayaan in caruurtu aaney aheyn kuwa muhiim u ah iney cudurka baahiyaan, xiritaannada iskuullada markeedii horeba wax badan kama tareyso in faafinta fayriska la xakameeyo. In la dheereeyo muddada xirnaanshaha macno ma sameyneyso, ayuu yiri Grad. “Arrintaa darteed, waxa macquul ah in caruurta iskuullada dib loogu celiyo.”

Baaritaannada waxa dhowaan laga yaabaa iney ka jawaabaan su’aalahani. Ugu dambeyn, waxa uu Reykdal yiri, go’aaminta in iskuulka la bilaabo waxay si weyn ugu xiran tahay “Cilmi sayniska iyo dowladda.”

Laakinse ra’yiga dadweynaha waa in isna uu kaalintiisa ciyaaraa, ayuu yiri. Waxa hore iskuullada loogu amray iney xiraan, tirada maqnaasha caruurta iyo shaqaalaha iskuulka cirka ayey isku shareertay — taasi oo ah calaamad muujineysa in qoysaska iyo macallimiintu welwel qabeen. Haddii iskuulladu dib u furmaan, ayuu yiri Reykdal, wuxuu qabaa in la hubiyo in caruurta iyo shaqaaluhu dareemi karaan bad-qab. “Iskuma dayeyno inaanu weli si cad u ururin doono taasi,” ayuu ka yiri ra’iyga dadweynaha, isagoo farta ku fiiqay in xafiiskiisu isku dayi doono inuu cabbir ku sameeyo waxa dadku aaminsan yihiin.

Dabayaaqadii bishii Maarso, saadaal wargeyska Seattle Times qeybtiisa akhrisata Sheybaarka Waxbarashada waxey bixisay xoogaa talo hoose ah: 21% oo ah kuwii ka soo jawaabay waxey dareemeen ayey dhaheen bad-qab in caruurtooda ku laabtaan iskuulka haddii dhismayaasha albaabada loo furayo Abriil 27 — taasi oo ah taariikhda ay madaxdu u qabteen markii hore in dib loo soo celiyo waxbarashada qof ahaaneed. In ka badan boqolkii 52% waxey yiraahdeen “si xoog leh ayey u diiddan yihiin” arrintaasi. Kuwa ugu badan qiyaas ahaan 400 oo ka soo jawaabay waxey sheegeen iney yihiin waalidiin.

Qaar ka mida khubarada waxey ka codsanayaan kuwa siyaasadda dejiya iney cagta si fudud dhulka u dhigaan marka ay fasiranayaan dareenka dadku qabaan.

“Wax badan oo ku saabsan habka go’aan qaadashada, laakinse aaney ku jirin [go’aaminta in la furo iskuullada] gaar ahaan, waxey leedahay khatar ay gadaal ka soo riixayaan koox yar oo mudnaan leh oo codkooduna aad u dheer yahay,” ayey tiri Ann Ishimaru, oo ah kal-kaaliye barfasoor ee siyaasadaha waxbarashada, hey’adaha iyo hoggaaminta oo ka tirsan jaamacadda University of Washington. Qoysaska jilicsan way yar tahay in codkooda la maqlo, ayey tiri, maadaama madaxda dowladdu aaney haysan farsamooyin ay ku helaan ra’yigooda.

Qaar waxey leeyihiin dib u furista iskuullada ma aha go’aan in “dadka caadiga ah” ay wax ka dhihi karaan. “Marka musiibooyin jiraan uma tageysid mana weydiineysid qof kasta ra’yiga uu qabo,” ayey tiri Erin Okuno, oo leh labo caruur oo da’da aadda iskuullada hoose, ahna agaasimaha guud ee hey’adda Southeast Seattle Education Coalition. Xilligan waa markii hogaamiyeyaashu arrinta soo dhex geli lahaayeen, maadaama go’aamadoodu “ku saleysan yihiin si macquul ah iyo warar hufan,” ayey tiri Okuno.

Mugdi ku saabsan mustaqbalka ayaa habeenkii hurdada ka toosiya gabadha 17-jirka ah Linda Yan. Yan, waxey ku jirtaa bartamaha Dugsiga Sare ee Bellevue iyadoo ku rajo weyn iney noqoto injineer, waxey tiri waxey aragtaa iyadoo hoos u aadda waxa macallimiintu ay ugu yeeraan godka “Wikipedia hole” ka hor inta aaney sariirta seexan: waxey caadiyan fiir-fiirisaa xirmo seddex ama afar ama shan qiyaaso la xiriira COVID-19, oo ay ku jiraan mid ay abuureen cilmi baarayaasha jaamacadda UW, iyo warbaahinta.

“Waxan rabaa inaan ahaado qof rajo wanaagsan leh oo dhaha waxey u badan tahay inaannu dib ugu laabanno iskuulka” deyrta (fall), ayey tiri. “Laakinse sida iga daacadda ah ma ogi. Si la mida sida qof kasta uusan u ogeyn.”

April Armstrong oo ah Cilmi-baare ka tirsan Seattle Times ayaa wax ku biirisay warbixintan.