Ku Noqodka Ardada Dugsiyada Bariga Washington

0
793

Waaxda Iskuul yar oo ku taal Bariga Washington Qof ahaan ayey ugu laabaneysaa iskuulka

Waxa qoray Katherine Long, Seattle Times

Waxa tarjumay: Mohamud Yussuf, Runta News

Education Lab waa mashruuc Seattle Times oo diiradda saara ballanqaadyo wanaagsan oo wax looga qaban karo caqabadaha joogtada ah ee ka jira waxbarashada dadweynaha. Waxa soo saaristiisa wadajir loola kaashadaa Solutions Journalism Network waxana maal-geliya deeq ka timaada hey’adda Bill & Melinda Gates Foundation, Amazon iyo City University of Seattle.  Wax badan ka ogow Ed Lab.

CLARKSTON, Asotin County — Waxey aheyd toddobaadkii ugu horreeyey ee Iskuulka Clarkston High, waxana Maamulaha Doug LaMunyan iyo shaqaalihiisu ku gudo jireen shaqadooda, isagoo gacmaha ku heysta qalabka lagu cabbiro qandhada, oo raadsanaya ardadii soo iloowday daboolka afka (masks) si ay mid kale u siiyaan, isla markaana qof kasta xusuusinaya iney isu jirsadaan 6 cagood.

“Waa sidee waryaadahee,” ayuu LaMunyan ku yiri labo miis wada fadhida isagoo sii kala kaxeynaya koox saaxiibbo ah oo isku dugsanayey goobta lagu quraacdo. Way qaateen amarkiisii, in kastoo dhowr ay ka gunuunucayeen.

Muddo shan bilood ah ilaa diraacdii ugu dambeysay, dhammaan aradada gobolka Washington, caruurta degmada Clarkston waxey wax ku baranayeen si fogaan ah xilligii xagaaga (summer) ee aad u kululaa, iyadoo geeska bari gobolka oo qalalan inta badan weji daboolashadu xor loo ahaa. Imika oo sannad-dugsiyeedkii bilowday, waxey ardadu isku dayayaan iney sameeyaan wax aan hore qof deggan gobolka waqtiyadan dambe uusan sameyn: Aadintaanka iskuulka qof ahaan waqti lagu jiro cudur baahsan oo dunida hareeyey.

Waaxyada Iskuulaadka ee deegaanka Puget Sound waxey toddobaadkan dib usoo celin doonaan waxbarashadii online-ka. Laakinse 60 ka mida 300 waaxood ee gobolka — una badan magaalooyinka yar-yar — waxey aadayaan waxbarasho fool-ka-fool ah marka ay ugu yar tahay qeyb ka mida toddobaadkan, sida laga soo xigtay xafiiska maamulka iskuulaadka ee gobolka. Waaxahaasi gudahooda — oo matala qiyaas boqolkiiba 5% arada gobolka ee 1.1 milyan — tirada kiisaska karoona waa kuwo hoose, waxeyna qoysasku u qeylo-dhaaminayaan in iskuullada dib loo furo.

Ugu dameyn, dhammaan caruurtu way soo laaban doonaan. Marka ay soo laabtaan, iskuulaadkooda waxa loo maamuli doonaa sida kuwaa Clarkston ku yaalla, halkaasoo bar ama nus ka mida caruurta ay marba ku sugan yihiin dhismaha iskuulka, tuubooyinka biyaha laga cabbo waa  la xiray, daawada jeermiska gacamaha meel kasta ayey yaallaan — laakinse halista in lagu noqdo waxbarashadii internet-ka weli waxey dul heehaabeysaa sannad-dugsiyeedka.

Clarkston, oo iskuulaadkii bilowday 26kii Agos, waxey ku dayatay Waaxda Iskuulaadka (Northshore School District), oo ka mida kuwii ugu horreeyey gobolka ee waxbarista la aaday online durba markii cudurka baahsani dilaacay, in kastoo waaxdaasi aaney weli qorshaha ugu jirin in ardadooda si qof ahaan dugsiyadii ugu laabtaan. Qorshaha Northshore — waa mid si ballaaran ay usoo codsadaan waaxyada kale isla markaana ay isla wadaagaan, ayey tiri Maamule Michelle Reid — oo isku dayeysa isu-dheelli-tirka nabdoonaanta iyo waxbarashada.

Haddii tirada kiisaska coronaviruses ay hoos sii joogaan, ardada Clarkston waxey waqti barkii ku sii baaqi ahaanayaan fasalladooda. Haddii tirada hoos usii dhacdo, iskuulaadka waxey ku laaban karaan qaabkoodii hore ee dhaqanka u aheyd. Laakinse haddii keysaska kor u kacaan, waaxdu waxey dib uga noqon doontaa qorshaheeda imika, ayuu yiri Maamulaha Clarkston Thaynan Knowlton. Waxbarashada badankeedu waxey ahaan doontaa online, iyo wax xoogaa of qof ahaan, iyadoo mudnaanta la siinayo caruurta ugu da’da yar iyo kuwa qaata adeegyada waxbarashada gaarka ah (special-education services). Waa qaab isticmaala talo ka timid Dr. Anthony Fauci, oo ah khabiirka dowladda ee ugu sarreeya cudurrada la is-qaadsiiyo, oo ku taliyey in iskuulladu dib loo furo, marka tirada is-qaadsiinta ay hoos u dhacdo.

Clarkston, oo ka mida degaanka Asotin County, waa magaalo yar oo la mataano ah Lewiston, Idaho, iyadoo labada degmo uu kala qeybiyo webiga Snake River, oo si xirfadeysa uga abuura dooxo webi daafaha Palouse. Tani waa gees Washington ka tirsan oo si soocan Muxaafidiintu u deggan yihiin, halkaasi oo boorarka siyaasadda farxadi ugu muujiyaan Musharraxiinta Xisbiga Jamhuuriga. Madaxweyne Donald Trump wuxuu ku guuleystay boqolkiiba 59% codadkii deegaanka Asotin County ee 2016.

Iyadoo xittaa, dareen kacsan uu kala dhaxeeyo gobolka dariska la ah ee Idaho, oo iskuulladeedu dib ugu furmay si qof ahaan ah maalintii Isniintii, daboolashada afka waa kala doorasho ama ikhtiyaar. Gobolka Washington dib ayuu u dhigay ciyaaraha kubadda cagta ee dugsiyada sare ilaa gu’ga ama diraacda nagu soo addan, laakinse Idaho waxey isu diyaarineysaa xilligan deyrta.  Qaar ka mida barayaasha Clarkston qarka ayey saaran yihiin, iyagoo ka cabsanaya in deegaanka uu ka dilaaco COVID-19 oo markii hore ay ka badbaadeen ka fogaantooda magaalooyinka darteed.

Khatar-yar waa mid lala xiriirin karo magaalooyinka yar-yar ee gobolka Washington. Haddii deegaanka Asotin County, dadkeeda 22,000, ay ka jiraan in u dhaxeysa afar iyo15 kiis waqti laba-toddabaad gudahood, Clarkston waxey kari doontaa in iskuulladeeda la tagi afar maalmood toddobaadkii. Haddii ay leedahay 16 ilaa 20 kaysas, waxey u baahan doontaa iney ka fakarto sidii ay iskuullada uga dhigi laheyd kuwo online ah. Wax kasta oo dhaafsiisan 25 keys labo-toddobaad gudahood macnaheedu waa in caruurta guriga loo diro. Si looga badbaado karbaash, waaxdu waxey dib u qiimeyn sameyneysaa aftar ilaa lix toddobaad.  

Bilowga toddobaadka kowaad ee iskuulka, tirada kiisaska Asotin waxey taagneyd 22, laakinse ilaa Jimcihii, tiradu waxey hoos ugu dhacday 11 oo muddo 14 cisho gudahood ah — waa astaan dhinaca saxsan u janjeerta, iyadoo qaar ka mida kiisaska hoos u dhaceen muddadii labada toddobaad gudahooda aheyd.  

Maadaama waxyaabo badan aaney kala caddeyn, “mudnaanteena ugu horreysa waxa kaliya ay tahay waa inaan ardada baranno”, ayey tiri LaMunyan, oo ah maamulaha. “Tan labaad waxey tahay inaan u diyaarinno iney tagaan online.” Sidoo kale, waalidiinta qiyaas 350 arday oo ka mida 2,500 arday ee waaxda, waxey qorsheynayaan iney gebi ahaanba ku nagaadaan muuqaal waxbarasho, taasi oo ah ikhtiyaar lagu magacaabo Clarkston Online.

“Ma arki karaan wejigeyga”

Dawn Brown oo ah macallimad English dhigta, oo leh khibrad 25 sano oo wax ku baris fasal, warkeeda wuu caddaa maalintii ugu horreysay oo ardada cusub kuwada kulmeen fasalka English-ka ee sannadkan: Waa inaad ahaataan kuwa si wanaagsan oon hore loo arag u diyaarsan, ayey u sheegtay ardada.

Iyadoo ka dhex hadleysa daboolk madow oo afka u saaranaa, waxey ardadeeda 16-ka ah ay siisay shaqooyinkoodii ugu horreeyey, si ay u qoraan warqad ka hadlaysa naftooda, hiwaayaddooda, waxa ay xiiseeyaan. Laakinse waxey ku dhowaad fasalka barkii ku bixisay ka baaraan-degis.

Waaxdu waxey isticaaleysaa kalaaska “Google Classroom”, oo ah barnaamij waxbarasho oo lacag la’aan ah. Iyadoo aradadu wada furteen, waxa mararka qaar jiray hakadyo. Brown waxey isaga gudbeysay miisba-miiska xiga, iyadoo talooyin iyo tilmaamo bixineysa. Ardada badankoodu waxey isku dayeen iney barta ka galaan telefoonka waalidkooda, laakinse qaar waxa u sahlanaatay iney isticmaalaan buugga Chromebook — oo ah midka ugu yar kombiyuutarka dhabta la saarto oo wax laga dheehdo.

Markuu fasalkii dhamaaday, Kayla Brown oo ardayad\macallin ka ah jaamacadda Washington State University waxay aadday hareeraha fasalka iyadoo wadata nadiifiyaha (sanitizer), una buufineysa miisaska kooxda xigta.  

“Xiriiradaasi — waa kuwo sannad kasta muhiim ah, sannadkanina wayba ka sii xag jiraan,” ayey tiri Dawn Brown. Waa iney xiriir la sameysataa ardadeeda toddobaadkiiba laba maalmood, iyadoo xiran daboolka (mask). “Ma arki karaan wejigeyga. Ma akhrin karaan. Ma sheegi karaan inaan kaftamayo. Waxan isku dayaa inaan in badan indhaha dhaqdhaqaajiyo.”

Brown waxey durba u qorsheyneysaa ardada cusub in casharkan English ahaan mid gooni ah. Waxey weli bari doontaa riwaayaddii Shakespeare ee “Romeo and Juliet” iyo tii “The Odyssey”  ee Homer,  laakinse ma awoodi doonto iney ardada fasalka dhexdiisa koox-koox isugu leexiso iyo iney si wada jir ah u shaqeeyaan, taasi oo buugaagtani shaqada badan ka dhigi doonta kuwo adag in la baro. Waxey leedahay waxey fileysaa iney ku bixin laheyd waqti ka badan ilaa boqolkiiba 30% wax barista iyo abaabulka fasalkeeda haddii qof kasta iskuulka ku soo laaban lahaa. Haddana, aad bay ugu faraxsan tahay iney soo noqotay.

Clarkston waxa ka dhiman dhowr boqol oo Chromebooks ah, dib ayey u dalbadeen waxeyna filayaan iney soo gaaraan October, ayey tiri Knowlton.  Laakinse qaar ka mida aradada, dhibka ugu weyn ee heysta waa helitaanka internet-ka. Haddii iskuulladu badankoodu dib u aadaan online, “sida dhabta ahi, way ii dhamaatay,” ayey tiri Ethan Gano, oo ka mida ardada waaweyn ee Clarkston oo dhibco yar oo internet ku heysta aqalka. Si loo yareeyo kala durug sanaantaasi, waaxdu waxey diyaarisay baro kulul (hot spots) oo ka ifiya calaamado xooggan oo Wi-Fi ah baarkinnada baabuurta.

Isaga iyo qaar kale oo ka mida kuwa ugu da’da weyn waxey ka baqanayaan inuu ku dhaco feyriska. Mick Brown oo fasalka ugu dambeeya ku jira wuxuu qiyaasayaa boqolkiiba 95% oo ka mida dadka uu yaqaano ay la tahay in saraakiisha ka fal-naqooda cudurkan ay siyaado tahay.

“Waalidiintu way ka shaqeysiinayaan”

Afarta dugsi/hoose ee ku yaalla Clarkston, fasalladooda waxey baxaan afar maalmood toddobaadkii. Bar ka mida caruurta waxey tagaan subaxdii, bar kalena galabtii, iyagoo iskuulka jooga saacado dhan 2 ½. Marka la aado fasallada sare, iskuulladu uma furna maalinta Arbacada ah. Haddii tirada kiisaska fayriska kor u kacaan, ardada waaweyn waxey u beddelan doonaan muuqaal wax ku barashada, iyadoo caruurta xanaanada ilaa fasalka labaad ay iskuullada tagi doonaan. Khubaro badan waxey aaminsan yihiin in xoogga la saaro sidii curuurta kuwooda ugu da’da yar lagu soo celiyo iskuulka, kuwaasi oo u muuqda inaaney fayriska u nugleyn ama u jilicsaneyn.

Toddobaadkii la soo dhaafay, Maamulaha dugsiga hoose ee Heights Elementary Samantha Ogden waxey hore iyo gadaal ugu soc-soconeysay iskuulka hortiisa, iyadoo isku dayeysa iney waalidiinta ka celiso isticmaalka leenka loogu talo galay basaska caruurta iskuulka keena, iyadoo sidoo kalena ardada ka codsaneysay iney xirnaadaan af-daboolka (masks) inkastoo kulku ahaa 90 darajo.

“Aad bay ugu faraxsanaayeen iney halkaa joogaan,” ayey ka tiri ardadeeda. “Waalidiintu waxey ka dhigayaan mid suurto-gal ah.”

Sababtoo ah ardada dhigata fasallada seddexaad iyo wixii ka sarreeya waxey u baahan doonaan iney aadaan muuqaal wax-ku wabarasho haddii ay dhacdo in kiisasku kor usoo kacaan, waxey mudnaanta siineysaa iney ardadaasi u diyaariso sidii ay durba kombiyuutar uga howl geli lahaayeen haddii loo baahdo.

“Tani waxey dhammaanteed ku saabsan tahay dhisid aasaas,” ayey tiri Ogden. “Jar-jaris ma aha, xawaajna ma aha, asaaska uun baa la taagayaa.”

Waxa qoraalkani qeyb ka qaatay Miyoko Wolf oo baare ka ah wargeyska Seattle Times.