Waxa qoray: Dahlia Bazzaz, wariye Seattle Times. Waxa tarjumay: Mohamud Yussuf, soo saaraha Runta News.
Qareenka waxbarashada Shannon McMinimee waxey heysataa, 30,000-cag ama foot dhif ah oo ay ka dheehato nidaamka waxbarashada iskuullada Washington.
Iyadoo waqtigeeda u kala qeybineysa inta u dhaxeysa Seattle iyo magaalada hoyga u ah ee ku taalla Dooxada Yakima, McMinimee waxey ku bixisay sagaal bilood isku day wada xaajood adeegyo lagu siiyo caruurta naafada ah ee xaafadaha ku yaalla magaalooyinka iyo banaankooda oo si aad ah ugu kala duwan siyaasadaha dib u furitaanka. Muddadii ka dambeysay gugii (spring) la soo dhaafay, waxey xareysay qiyaas darsin loollan sharci ah oo ka dhan ah waaxaha iskuullada ku guul darreystay iney tixgelin siiyaan ardada.
“Iyagaa runtii maamula jaranjarta,” ayey tiri McMinimee, oo looyarad ka ah shirkadda Cedar Law PLLC. Meelaha qaarkood, waxey dagaal u gashay waxbarasho qof ahaaneed, iyadoo meelo kalena, difaaceysay xuquuqda caruurta caafimaadkoodu jilicsan yahay in waxbarashadooda ay ku qaataan guriga.
In kastoo macaamiisheedu imika u badan yihiin faamillo, McMinimee waxey wakiil u tahay labada dhinac. Dadkii ay hore ugu soo shaqeysay waxa ka mida waaxyo iskuul oo aad u weyn sida Iskuullada Dadweynaha Seattle, oo siyaasaddooda is dhexgalka dadka kala midabka ah ay ku difaacday kiis gaaray ilaa Maxkamadda ugu Sarreysa ee dalka Mareykanka sannadkii 2007.
Toddobaadkii la soo dhaafay, McMinimee waxey talo la wadaagtay faamillada ardada ay wax ka dhimman yihiin ama naafada ah kuwaasi oo laga yaabo iney la halgamayaan iney naaquudaan ama dhex mushaaxaan iskuulka xilliga cudurka baahsan. Wareysiga waxa laga tifafiray dhererka iyo qeexnaan.
Su’aal: Waa maxey tallaabooyinka ugu horeeya ay tahay iney waalidku qaadaan haddii cunuggu uusan heleynin adeeg la mid ah ama uu halgmayo?
Jawaab: Haddii aadan horeba u heysan mid, weydiiso la kulmid IEP. (IEPs, ama Qorshayaasha Qofeed ee Waxbarasho (Individualized Education Plans), waa nuqullo sharciga waafaqsan oo muujinaya tixelinta ardayga naafada ah loo baahan yahay inuu helo si uu u gaaro yoolka waxbarashadiisa.) U sheegaya in wixii hore u socday aaney shaqeynin.
… Ka dibna kala hadal waalidiinta kale fursadaha suurto galka ah si aad si wadajir ah u weydiisataan waxyaabo isku mida. Fiiri hareeraha sida wax yaabaha ka dhacaya bulshada eegna haddii ay jiraan wax uun diyaar ah oo si wanaagsan loo qaabeyn karo ama lala xiriirin karo cunuggaaga ka dibna weydii waaxda iskuulka iney taageerto cunuggaaga inuu taasi u sameeyo. Haddii taasi tahay sida inaad waqti ku bixiso Naadiga Rotary ama Boys & Girls Club, ama bixin waxbaris meel fog oo fasalka cuguggaaga ah si aad u caawinto.
Su’aal: Yey tahay inuu ahaado qofka kugu horreeya eed la xiriireyso?
Jawaab: Waxa jira waxyaabo maalin kasta soo noq-noqda oo macallinku wax ka qaban karo. Laakinse ma aha wax aad kala shaqeyn karto macallinka, maamulaha ama kalkaaliyaha maamulaha ama ku xigeenka maamulaha oo ahaan doona qofka aad la hadli doonto, inaad joogto mooyee waaxda laguu dirayo inaad la hadasho agaasimaha waxbarashada gaarka ah.
S: Sidee bay tahay iney u diyaariyaan wada-hadallo ay ku muujinayaan dareennada jira?
J: Haddii cunuggaaga, ama ha heysto aqoonsiga naafinimada ama yuusan heysan, oo uu ku lug lahaa dabeecado dareen abuuri kara, ama ha ahaato mid uu la qarxayo, ku fakaris is-dil, ama ula kac la’aan, inuusan dhug laheyn, daminta iPad — waa inaad meel ku qortaa waxa dhacay. Looma baahna iney dheer tahay. Waxad xariiqi kartaa inta goor maalintii wax dhacaan ka dibna waxad u soo bandhigi kartaa iskuulka. … Waa inaad ku qaabishaa sida aad u dooneyso inaad dadka ku dhiirri-geliso, si aad isu kooxeysataan aadna uga fakartaan wax ka baxsan sanduuqa aad ku jirtaan.
Caruurta wax ka dhiman yihiin ama naafada ah, run ahaantii waa muhiim in la fahmo in IEP aaney dib u qori karin waaxda si ay u muujiso xaaladda jirta ee ah waxa ay bixin karto. Haddii cunuggaagu uu heystay 90 daqiiqo oo taageero qof iyo qof ah ka hor cudurka baahsan, dib uma laaban karaan oo kuma siin karaan 30.
S: Maxey yihiin noocyada tigelin ee waaqica ah ee la fili karo xilligan la joogo?
J: Waxa jira waxyaabo aaney waaxyada iskuulladu sameyn karin, laakinse waxaa jira waxyaabo badan oo suurto gal tahay iney sameeyaan haddii si ka yara duwan ay u sameeyaan. Tusaale, haddii cunuggaagu kula halgamayo dabeecado guriga xilliga saacadaha iskuulka. Haddii ardaygu uu joogo iskuulka, waxa hubaal ah inuu heysan lahaa la taliye ama mid dabeecadda wax ka qabta oo la jooga. Uma baahnid in qofkaasi guriga kuu yimaado, laakinse waxaad u sameyn kartaa inaad kaamerad u hagaajiso si uu meel fog indhaha ugaga hayo cunugaaga.
Waalidiintu way heli karaan jawaab, “Haddii aan cunuggaaga u sameynay waa inaannu qof kasta u sameynaa.” Dib isaga riix taasi. Shaqsiyaadka federaalka ee dadka naafada leh (Disabilities Education Act) macnaheedu waa iney qof ahaan u eegaan baahida ardada.
S: Xilligan wuxuu ahaa mid si gaar ah ugu adag kuwa barta Ingiriiska. Maxey tahay waxa ay faamilladooda xaq u leeyihiin iney sameeyaan?
J: Waxaad xaq u leedahay tarjumaan ee kulamada IEP, taasi oo macnaheedu yahay in qof loo tabobaray uu bixiyo adeeg tarjumid. Macnaheedu ma aha iney qasab tahay qof shahaaddo u heysta tarjumaannimo, laakinse wuxuu ahaan karaa cunuggaaga, ama ilaaliye amniga qaabilsan ee iskuulka jooga oo laga yaabo inuu ku hadlo luqaddaada. Waxaad sidoo kale xaq u leedahay inaad hesho nuqullada ama dokumentiyada furaha ah ee loo tarjumay luqadda gurigaaga.
J: Goormaad is leedahay waxad u baahan kartaa caawinaad dibadda kaaga timaada? Waalidiintu yey taageero weydiisan karaan?
J: Haddii cunuggaada halis u yahay is dil aadna welwel ka qabto iney naftooda waxyeeleeyaan, haddii cunuggaaga si deg-deg ah dib ugu dhacay, haddii qofina hal-abuur laheyn ama wax kula xallin karin, haddii cunuggaaga waxba uusan ka kororsaneynin bixiyaha adeegga ay u baahan yihiin adna aad isku dayday, iyo haddii qofina dib uusan jawaab kaaga siinin arrimahaasi, dhammaan kuwaasi waa waqti ku habboon inaad taageero weydiisato. Ama ha ahaato mid leh qaab lagugu doodayo ama looyar ama waalidiin kale oo leh caruur naafo ah, oo awooda iney kula tagaan kulamada kana soo qaadaan qormooyin si aad adigu dhug ugu lahaato wada hadalka.
Waxaa kale oo jira jid loo maro dacwadda muwaadinka ee waaxda waxbarashada gobolka, inkastoo aan fahamsanahay inuu imika culeys badani saaran yahay.
S: Yey yihiin doodayaashaasi?
J: Waxa jira Doonida (The Arc), oo qeybo ku leh dhowr degmo. Waaxuhu waxey badanaa leeyihiin kooxo waalidiin waxbarashada gaarka ah. Waxaa kaloo jira PAVE (Partnerships for Action, Voices for Empowerment).
S: Waxey u aheyd waqti adag qof kasta oo ka mida nidaamka iskuulka. Maxaa ku siiyey rajada?
J: Waxaa jiray macallimiin badan oo waxbarashada gaarka ah iyo kuwo kale oo ku baahsan gobolka oon arkay iney ka fakaraan wax ka baxsan sanduuqa bannaankiisa. … Qaar ka mida jadwalkii adkaa meesha ayuu ka baxay, waxaana jiray xaalado oo intii cunug leh aragti xumi (dyslexia) laga dhigi lahaa mid dhex fadhiya saacad fasal Luqadda Fanka oo aaney waxba ka faa’iideynin, waxey helayaan 60 daqiiqo oo tuutar dhaqsi ah oo ka timaada qof waaxda ah oo takhasus u leh arag yarida (dyslexia).
Waxan sidoo kale ka helay waaxda iney xal u hesho arday da’ yar oo lahaa qalab labada dhegood ugu jira. Dhawaqa ka imanaya kombiyuutarka uguma soo baxeynin si sax ah, haddana isla markii waaxdu fahamtay sida gabadhu ay go’doonka u aheyd, waxey la yimaadeen qorshe ay ku siinayaan waxbaris u gooni ah si dhaqsi leh bishii hore ee Sebtember. Waaxdu waxey sidoo kale amartay maaskaro sida muraayad ah, si ay u akhrin karto faruuryaha saaxiibadeeda fasalka la dhigta.
Dahlia Bazzaz: 206-464-8522 or dbazzaz@seattletimes.com; on Twitter: @dahliabazzaz.