Febraayo 11, 2025 Doorashada Gaarka

0
71

Macluumaadka diiwaan gelinta codbixiyaha iyo doorashada
Shuruudaha
Si aad isku diiwaan geliso oo aad uga codeyso Washington, waa inaad tahay:
• Muwaadin Mareykan ah
• Degane sharci ahaan ku nool gobolka Washington
• Ugu yaraan 18 sanno jir ah marka la gaaro maalinta doorashada
– Haddii aad tahay 16 ama 17 jir, waxaad isku qori kartaa kan Codbixiyaha Mustaqbalka ahaan oo si toos ah ayaa laguu diiwaan gelinayaa marka aad u qalanto
• Qof aan laga mamnuucin codeynta amar maxkamad awgeed
• Qof aan lagu haynin xabsi guud oo hoos taga xukunka Waaxda Asluubta ee gobolka Washington xukun dambi-weyn oo ka dhacay Washington awgeed
• Qof aanan hadda xabsi ugu jirin xukun dambi-weyn oo federaal ah ama mid ka dhacay gobolka Washington dibadiisa
Sida la isku diiwaan geliyo
Oonleen
Waxaad iska diiwaan gelin kartaa ama diiwaan gelintaada ka cusboonaysiin kartaa oonleenka barta VoteWA.gov — waxaad u baahnaan doontaa Leesanka Darawalnimada ee Gobolka Washington ama Aqoonsiga. Hubi inaad oonleenka iska diiwaan geliso ugu dambeyn 3da Febraayo wakhtiga kama dambeysta ah ee Doorashada Hordhaca iyo Gaarka ee Feraayo 11.
Boostada
Ka soo dejiso oo daabac foomka diiwaan gelinta codbixiyaha barta kce.wiki/VoterReg si aad isku diiwaan geliso ama aad u cusboonaysiiso diiwaan gelintaada oo boostada ugu dir xafiiskeena ugu dambeyn 3da Febraayo wakhtiga kama dambeysta ah ee Doorashada Hordhaca iyo Gaarka ee Febraayo 11.
Shakhsi ahaan
Waxaad shakhsi ahaan iskaga diiwaan gelin kartaa barta xarunta codbixinta ilaa iyo Febraayo 11, Maalinta Doorashada. Si aad u hesho macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan goobaha iyo saacadaha xarumaha codbixinta, booqo kingcounty.gov/elections.
Ka dhig diiwaan gelintaada codbixiyaha inay tahay mid hadda shaqeysa
Cusboonaysii diiwaan gelintaada haddii aad guurtay ama beddeshay magacaaga, ama haddii uu saxiixaagu isbeddelay. Si sahlan macluumaadkaaga uga cusboonaysii oonleenka ama soo gudbi foom diiwaan gelin cusub ugu dambeyn 3da Febraayo ee Doorashada Hordhaca iyo Gaarka ama shakhsi ahaan nooga soo booqo ilaa iyo Febraayo 11, Maalinta Doorashada, mid ka mid ah xarumaheena codbixinta ee lagu soo bandhigay webseedkeena Doorashooyinka Degmada King.   
Macluumaadka warqadda codbixinta
Maalinta Talaadada, Febraayo 11, 2025 gudaha Degmada King, Washington, waxaa ka dhaci doona Doorashada Hordhaca iyo Gaarka oo gebi ahaanba lagu qabanaayo adeegga boostada.
Warqadda Codbixinta Beddelaada
Soo wac Doorashooyinka Degmada King si aad u hesho warqad codbixin beddelaad ah haddii xirmooyinka warqaddaada codbixinta ee asalka ahayd ay kaa dhunto, xumaato, ama ay burburtay.
Caawinaad ayaa diyaar ah
Caawinaadda diiwaan gelinta iyo qalabka codbixinta ee la heli karo ayaa diyaar ah. La xiriir Doorashooyinka Degmada King si aad u hesho macluumaad dheeraad ah.
Shirarka guddiga shahaadaynta doorashooyinka
Si loo buuxiyo shuruudaha qaanuuniga ah ee ku saabsan shahaadaynta warqadaha codbixinta ee doorashada, shirarka soo socda ee Guddiga Shahaadaynta Doorashooyinka waa:
Febraayo 20, 2:00 p.m.
Shirka Ugu Horeeya/Ugu Dambeeya ee Doorashada-Kadib Lagu qabanayo halka Doorashooyinka Degmada King
Febraayo 21, 1:00 p.m.
Shirka Shahaadaynta Lagu qabanayo muuqaal ahaan halka bogga Facebook-ga ee Doorashooyinka Degmada King
Tijaabooyinka caqli-galnimada iyo saxnaanta ee rasmiga ah ayaa lagu qaban doonaa Waaxda Doorashooyinka Degmada King marka ay taariikhdu tahay Janaayo 16, 2025. Tijaabinta cutubyada codbixinta la heli karo ayaa la qaban doonaa 9 a.m. Tijaabinta qalabka xisaabinta ayaa la qaban doonaa 1 p.m.
Tijaabooyinka caqli-galnimada iyo saxnaanta qalabka xisaabinta ee kala barka-doorashooyinka dhexdeeda ayaa dhaci doona Febraayo 10, 2025, 8:00 a.m.
Doorashooyinka Degmada King ayaa ku sugan halka 919 SW Grady Way, Renton, WA 98057. Ciwaanka bogga Facebook-ga ee Doorashooyinka Degmada King waa facebook.com/kcelections. Dadweynaha ayaa lagu casuumayaa inay ka soo qayb galaan shirarka Guddiga Shahaadaynta Doorashooyinka iyo tijaabooyinka caqli-galnimada iyo saxnaanta.
Nala soo xiriir
Taleefan:
206-296-VOTE (8683)
1-800-325-6165
TTY Relay: 711
Iimeel:
[email protected]
Oonleen:
kingcounty.gov/elections
Boosto ama shakhsi ahaan:
919 SW Grady Way Renton, WA 98057