Maxaad ka Ogtahay Caafimaadka Maskaxda iyo Iskuullada?

0
508

Su’aalaha Badanaa Dadku is Weydiiyaan

Waxa Qoray Hannah Furfaro

Waxa Tarjumay Mohamud Yussuf

Education Lab waa mashruuc Seattle Times oo diiradda saara ballanqaadyo wanaagsan oo wax looga qaban karo caqabadaha joogtada ah ee ka jira waxbarashada dadweynaha. Waxa soo saaristiisa wadajir loola kaashadaa Solutions Journalism Network waxana maal-geliya deeq ka timaada hey’adda Bill & Melinda Gates Foundation, Amazon iyo City University of Seattle. Wax badan ka ogow Ed Lab.

In badan oo ka mida dhallinyarta Washington waxey ka sheeganayaan wel-wel, rajo la’aan iyo ku fekerid is-dil — waxaana jira siyaabo aannu wax u qaban qaban karo.

In kastoo qaar ka mida qoysaska ay iska bixin karaan caafimaadka madaxa ee ka baxsan shaqada iskuulka, qoysas badan oo kale ma awoodaan. Xilligan aannu ku jirno, dugsiyadu waxey door ka ciyaaraan sida caruurtu karti ugu yeeshaan iney raadsadaan caawimaad marka ay u baahdaan. Dareen caafimaad wuxuu muhiim u yahay guulaha ardadu ka gaaraan aqoonta, guud ahaan gobolka Washington-na, hoggaamiyeyaasha waxbarashada, macallimiinta, waalidiinta iyo ardada laf ahaantooda waxey sheegayaan iney si dhab ah u aaminsan yihiiin caafimaadka maskaxda.

Sida ardadu u heli karaan adeegyada caafimaadka ee maskaxda waa mid adag xilligan dugsiyadu xiran yihiin, laakinse dad badan oo safka hore uga jira howshani waxey raadinayaan xal feker ku dhisan. Halkan waxa ah su’aalo guud oo ku saabsan mowduucan.

Maxaannu ula jeednaa ‘caafimaadka maskaxda’?

Caafimaadka maskaxda wuxuu ka sameysan yahay qeybo kala duwan oo bulsho, nafsadeed (psychological), caadifadeed (emotional) iyo jir ahaaneed (physical). Sida caafimaadka, qof kasta wuxuu leeyahay caafimaad maskaxeed. Waa qeyb ka mida sida aannu u fakarno, dareenno, iyo u dhaqanno maalin kasta. Caafimaadka maskaxda guud ahaan waxa loo heystay mid baahsan: maalinba si buu ahaan karaa, ama xaalad nolol oo ka duwan midda xigta.

Caafimaadka maskaxda way ka duwan tahay cudurka maskaxda, erayadanina ma aha kuwo si isku loo isticmaali karo. Cudurka maskaxda wuxuu tilmaamayaa xaaladda caafimaadka maskaxda. Xanuunka maskaxda waxa loola jeedaa xaalad caafimaad maskaxeed oo wax ka beddesha sida dadku u fekero, dareenkooda ama dabeecaddooda. Qalbi jab, welwel, is bed-beddel dabacadeed iyo didsanaan waa dhowr ka mida xaaladaha; sida caafimaadka maskaxda iyo dhaqankooduna uu qeyb uga yahay marxaladdan. In badan oo ka mida xaaladaha caafimaadka maskaxda si weyn ayaa la isaga dhexlaa, haddana arrimo deegaanka ku saabsan ayaa qeyb ka ciyaari kara.  

Erayada dadku u isticmaalaan tilmaanta caafimaadka maskaxda way kala duwan yihiin. Maxey tahay sababtu?

Sida loo wajaho wada-hadallada ku saabsan caafimaadka maskaxda way ku kala duwan yihiin bulshooyinka. Sida ka jirta qaar bulshooyinka, xaaladaha caafimaadka ee maskaxda waxaa loo arkaa jilicsanaan; qaar kalena, caafimaadka maskaxda si furan loogama hadlo, ama lamaba soo soo hadal qaado. Dadka qaar waa lagu takooraa haddii lagu sheego xanuun maskaxda ah, waxey wajahaan af-lagaaddooyin ama fiiro xun oo kaga timaada dadka ku dhow-dhow. Waxanu rajeyneynaa in qormadeenaan ay wax ka tari doonto hoos u dhigga aaminsanaanta iyo khuraafaadka noocaasi ah. 

Dalka Mareykanka gudihiisa, daryeelka caafimaadka maskaxda wuxuu ku saleysan yahay qaab aan lagu tixgelin xaaladaha faamillada ama baahida dhaqamadooda. Si aan u matalno aragtiyadaasi waxanu qormadeena ku soo darnay codad kala duwan oo kooxo xiriir sokeeye wadaaga ee guud ahaan gobolka.  

Intee bay la eg tahay baaxadda xaaladda caafimaad ee dhallinyarada Washington?

Waxa ugu badan ee aannu ka ognahay caafimaadka maskaxda ee dhalliyarada Washington waxey ka timaadaa lafa-gur daraasad gobolka oo dhan ah oo lagu magacaabay Healthy Youth Survey; qiyaas 230,000 arday oo ka socday 900 iskuullo ayaa ka qeyb qaatay sahankii ugu dambeeyey ee 2018. Su’aalihii waxey taariikhiyan wax weydiiyeen ardada fasallada lixaad, siddeedaad, 10aad, iyo 12aad, su’aalahaasi oo ku saabsanaa sida xaalkoodu yahay, hanjabaado iyo iney dareemayaan iney taageero ka helayaan dadka waaweyn, iyo su’aalooyin kale.

Macluumaadkii ugu dambeeyey rajo fiican kama muuqan. Dareen wel-wel, isku day is-dil iyo rajo la’aan — oo wakiil u ah murugo — ayaa hareeyey dhallinyarta Washington. Tusaale, qiyaas seddex qeybood mida ardada fasalka 10aad waxey yiraahdeen iney inta badan wel-welsan yihiin, laab-kacsan yihiin, iyo qiyaas hal ka mida 10 uu isku dayey is-dil sannadkii la soo dhaafay. In badan ka mida dabeecadahaasi waa kuwo ku badan marka loo eego sida ay ahaan jireen 2008: Qiyaas seddex qeyb oo kale oo ardada ah waxey ku warrameen dareen rajo beel ah iyo ku feker is-dil oo ka duwan sida waagii hore ardadu aheyd.

Ardada LGBTQ, iyo qaar ka mida kuwa midabka ah, sida Hispanic iyo kuwa aan aheyn ardada Hispanic American Indian, waxey ku warrameen heer sare oo isku day is-dil ah. Gabdho ka tiro badan wiilasha waxey sheegeen iney sameysteen qoshe is-dil ama isku day is-dil.

Sidee iskuullada Washington u caawiyaan ardada qabta dareen caafimaad maskaxda ah?

Si kooban: waxey ku xiran tahay. Waxey ku xiran tahay halka aad ku nooshahay, halka aad adigu ama cunuggaaga iskuul u aado, iyo ilaha caawimaad ee diyaarka ah.

Sida aadka ugu baaxadda weyn, dhammaan iskuullada dadweynaha ee Washington waxa laga doonayey iney qortaan shaqaale — la taliyeyaal, shaqaale bulsho, kuwa nafsadda iyo kuwo isugu jira kuwaa — si ay u caawiyaan ardada u baahan. Iskuulladu waxey leeyihiin hantiyo kala duwan oo ay ku buuxin karaan boosaskaasi. Shaqaalahaasina waxey leeyihiin tabarro kala heer ah, iyo waqti, ay kala shaqeeyaan ardada ka gudubka xaaladaha ay ku jiraan.

Shaqaalahaasi waxa laga yaabaa iney ka masuul yihiin caawinaadda caruurta qabta dareen dhinaca maskaxda ah, laakinse waxa laga yaabaa iney hayaan masuuliyado kale oo shaqadaa tartan kula jirta, taasi oo ay ka mid tahay abuurista qorshayaal waxbarasho oo gaar ah. Tusaale, kuwo badan oo iskuullada u qaabilsan nafsadda (psychologists) waxey sheegeen iney waqtigooda ku bixiyaan qorshooyin u qorista ardada qaar caharro u gaar ah; qaar ka mida caruurta qabta xaalado caafimaad maskaxda ah waxey u baahan karaan tigelin gaara , iyo iney taageero ka helaan dhakhaatiirta qalbadda ee iskuulka, halka kuwa kale aaney u baahneyn. Si la mida, qaar la taliyeyaasha ah waxey xoojiyaan baahida bulsho iyo dareen ee ardayga, iyadoo kuwa kalena ay diiradda saaraan waxbarashada ardayga.

Qaar ka mida iskuullada, ama gebi ahaanba waaxda ama degmada, waxey la shaqeeyaan hey’ado caafimaad iyo u adeegayaal bulsho oo banaanka ah si kor loogu qaado sida ardaygu u heli lahaa khubaro caafimaadka maskaxda ah; xilligan cuduka baahsan, in badan oo ka mida adeegyadan waxa lagu bixiyaa fogaan kulan. Laakinse waxa jira gacmo xirnaan sida iskuulku usoo dhex geli karo. Qaar caruurta ah waxey u baahan yihiin fara-gelin caafimaad oo xooggan taasina ma aha mid la gaari karo ama habboon in iskuulka lagu bixiyo.

Maxaa xiga?

Qaar badan oo iskuullada waxey sheegayaan in tabartoodu aad u yar tahay si ay u caawiyaan ardada. Qaar ka mida sharci dejiyeyaasha gobolka way garwaaqsadeen arrintan, fadhigii sharci dejinta ee ugu dambeeyeyna, waxa lagu qoray dhowr sharciyo oo lagu beegsanayo sidii loo hagaajin lahaa ka helitaanka iskuulllada daryeel caafimaad maskaxda ah. Tusaale ahaan, hal sharci wuxuu beddeli lahaa qaabka gobolku u maal-geliyo la taliyeyaasha iskuulka iyo shaqaalaha kale. Sharci labaad wuxuu beegsanayey inuu xoojiyo la taliyeyaasha (school counselors) si ay waqti badan oo si keli-keli ah ugu bixiyaan ardada; la taliyeyaal badan waxey leeyihiin waxa inta badan loo soo wacaa iney qabtaan shaqooyin ka baxsan howsha ay qaabilsan yihiin, sida ilaalinta ardada xilliga fasaxa ciyaarta.

Sharciyadaasi waxey labaduba ku baaba’een gacanta guddi (committee). Laakinse sharci-dejiyeyaasha (legislators) waxey sheegeen iney rajeynayaan in soo jeedinnadaasi u durbaan garaacaan xiise ku saabsan in la helo isbeddel waara.

Anne Hillman oo hore uga tirsaneyd Seattle Times una qaabilsaneyd la xiriirka aya ka qeyb qaadatay warbixintan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here