Delta, Tallaalka Caruurta, iyo Talooyin Ku Saabsan Ku Noqoshada Iskuulka

0
68

Haddii aad Leedahay Caruur aan Tallaalneyn, u Dhaqan sida ‘In Qof kasta oo Reerka ahi’ uusan Tallaalneyn, Khubarada waxa ay Codsanayaan — iyo Wax Badan oo Talooyin Ku Noqodka Iskuulka ku Saabsan   

Waxa Qoray Hannah Furfaro, Seattle Times staff reporter

Waxa Tarjumay Mohamud Yussuf, Runta News Publisher  

Education Lab waa mashruuc Seattle Times kaasi oo ifiya siyaabo wanaagsan oo looga hortago cabaqadaha joogtada ah ee ku xeeran waxbarashada dadweynaha. The Seattle Foundation waxey u adeegtaa sida  wakiilka Education Lab, taasi oo lagu taageero kaalmo lacageed oo ka timaada Hey’adaha Bill & Melinda Gates Foundation, Amazon, Comcast Washington iyo Jaamacadda City University of Seattle. Wax badan ka ogow Ed Lab  Learn more about Ed Lab

Kiisaska Karoona-feyras ee gobolka Washington waxey ku dhowaanayaan cirifka ugu sarreeya oo in muddo lix bilood ah aan la arag — iyadoo ay tahay waqti waalidiintu u diyaar-garoobayaan furitaanka sannad-dugsiyeedka cusub, kuna howlan yihiin habka loogu noqanayo fasalladii, waxa ay durba is weydiinayaan su’aalo adag.

Tallaabooyinka bab-baado sida af daboolashada iyo isku daba marinta hawada ma yihiin kuwo lagu dabri karo dilaaca cudurka? Sidee buu nooca Delta ula fal geli karaa qorshayaasha waxbarashada qof ahaaneed? Iyo maadaama maaskigu qasab yahay mar kale, noocee baa ku habboon caruurta?

Waxanu la aadnay khubaro si aan u miisaano gebi ahaanba hababka nooca delta usii hurinayo hubnaan la’aanta, sida waalidiintu ugala hadli karaan caruurta heerka cudurka baahsani iyo tallaabooyinka bad-baadin ee la filan karo marka albaabada iskuullada furmaan dhowr toddobaad gudahood.

Maxey waalidiintu u baahan yihiin iney ka ogaadaan nooca delta?

Waxey baarayaashu imika heystaan marqaatiyo wanaagsan oo ah in nooca delta si aad uga sarreysa noocii hore la isugu qaadsiin karo. Inkastoo xittaa dadka la tallaalay u muuqdaan iney difaac adag ka heystaan xanuunada xoogga leh iyo dhimashada, baarayaasha waxey ku talinayaan iney weli gudbin karaan cudurka.

Caruurta way kaga wanaagsanaayeen is difaaca dadka waaweyn xilliga cudurka baahsan. Aad bey u yar tahay iney xanuunsadaan, waa arrin aan caadi aheyn in cisbitaal la geeyo ama u ay dhintaan cudurka COVID-19; gobolka Washington, caruurta jirta ilaa 19 sano waxey ka yihiin boqolkiiba 2% dhammaan cisbitaal u seexadka la xiriira COVID-19, tusaale ahaan.

Laakinse bishii Agosto 12 warbixin ka timid hey’adda American Academy of Pediatrics waxey ku Talisay saamiga kiisaska COVID-19 ee caruurta iyo kuwa qaan-gaarka ahba uu kor u kacayo guud ahaan dalka.  Ilaa muddadii cudurka baahsan jiray, caruurtu waxey ka ahaayeen kiisaska boqolkiiba 14.4%; toddobaadkii ku dhamaanayey Agost 12, waxey caruurtu ka noqdeen boqolkiiba 18%. Sababta delta aad wax u dila, iyo guud ahaan kiisaska oo cirka isku shareeraya, tirada guud ee caruurta uu ku dhacay — iyo tirada u gasha dhaqtarka — iyaduna xittaa aad bay usii kordheysaa.

Marka waalidiinta caruurtooda aan tallaalneyn ay gaarayaan go’aamo ku saabsan iney bulshada la dhex galo, waxey “u baahan yihiin iney u dhaqmaan sida inaan qof qoyska ka tirsan uusan tallaalaneyn,” ayey tiri Elizabeth Meade, oo ah qofkii ugu dambeeyey ee madax ka ahaa Qeybta Washington ee Cudurrada Caruurta Akadeemiyada Mareykanka (Washington Chapter of the American Academy of Pediatrics). Meade waxey sheegtay in qoyskeedu u dhaqmo sida ay ahaayeen sanad ka hor: Waxey ka fogaadaan isu imaatinka, qof kasta oo ka mid ahna wuxuu xirtaa maaski marka ay tagayaan meelaha guud gudaha ah ee dadku isugu yimaado.

Maxey yihiin tallaabooyinka bad-baadin ee la soo rogay sannad dugsiyeedkan?

Qof kasta oo ku jira gudaha dhismaha iskuullada — ha tallaalnaado ama yuusan tallaalneyn — waxa looga baahan yahay iney xirtaan maaski. Iyo sida toddobaadkii ugu dambeeyey, dhamaan dadka qaan gaarka ah ee ka dhex shaqeeya iskuulaadka waxa looga baahan yahay iney si buuxda isaga tallaalaan COVID-19 ka hor Oktoobar 18 ama ay wajahaan suurto gelnimo iney shaqadooda waayaan haddii aaney heysan sababo caafimaad ama diineed oo u oggolaaneysa in laga saamaxo. Saraakiisha iskuullada waxey ku dhiirri-gelinayaan aradada u qalanta — kuwaa 12 jirka ah iyo ka weyn — iney helaan tallaal; qaar ka mida caruurta ka yar 12 waxey awoodi karaan iney tallaalka helaan ugu horreyn bartamaha jiilaalka, in kastoo jadwalka saxda ah uusan caddeyn. Iskuulladu waa iney heystaan qorshe ay gooni ugu soocayaan ardada iyo shaqaalaha marka calaamooyinka COVID-19 ay soo muuqdaan. Tusaale, iskuullada waa iney ka soocaan kuwa qaba cudurka ama ka ag dhowaaday qof qabay. Si la mida sannad dugsiyeedkii la soo dhaafay, saraakiisha iskuulka waxa ku waajib ahaa iney ku soo war-geliyaan dhammaan kiisaska iyo baahidda cudurka waaxaha caafimaadka guud ee magaaladooda. Qaar ka mida waaxaha waxey sidoo kale ku soo gudbin karaan tirada kiisaska iyo dilaaca cudurka webseydkooda, inkastoo taasi aan loo baahneyn iney sameeyaan.

Saraakiisha gobolka waxey ku dhiiri-gelinayaan waaxaha iney isticmaalaan habab is-dul saaran oo amniga ku saabsan. Tallaabooyinka bad-qabka ugu badan ee ay qaadaan, waa iyadoo iskuulku ka amaan ahaado. Laakinse waajibaadkii adkaa ee sanad-dugsiyeedkii la soo dhaafay waa la dabciyey ama waxa hoos loogu dhigay si talo siin. Tilmaamaha ku laabashada iskuulka, tusaale ahaan, saraakiisha waxbarashada gobolka waxey dhiirri-gelinayaan, laakinse aaney ku waajibineynin, in iskuullada ilaaliyaan in ardada isu jirsadaan 3 fiit jir ahaan.

Maxaa dhici kara haddii uu qof iskuulka ku qabo calaamadaha COVID-19?

Sida uu gobolku farayo, iskuulladu waa iney durba gooni u soocaan qofka xanuunsan, u diraan guriga kulana taliyaan is baaris. Haddii cunug ama qof shaqaale ah uusan ka tagi karin iskuulka isla markiiba, waxa iskuullada looga baahan yahay iney ku hayaan meel ka fog dadka kale; iskuullada waxey isticmaali karaan meelaha dibadda ah oo si gooni loogu bixiyo ardada, tusaale, inta uu la joogo qof weyn oo ilaaliya.

Haddii arday ama xubin shaqaale cudurka karoona feyras ka soo muuqdo baaris ka dib, waxey iskuulka ku soo laaban karaan marka ay buuxiyaan seddex arrimood: in calaamadihii ay ka soo hagaagayaan, in laga soo wareegay ugu yaraan 24 saacadood markii ay qandhadu heysay iyagoon qaadan wax dawo qandhada lagu daaweeyo, iyo in 10 cisho ka soo wareegatay markii calaamaduhu ku bilowdeen ama taariikhdii baaritaanku ku caddeeyey iney cudurka qabaan.

In badan oo ka mida tallaabooyinkaasi badbaadinta ah waxa la qoray ka hor soo sara u kicii delta. Ma ahaan doonaan kuwo ku filan iney faafidda cudurka ka ilaaliyaan iskuullada?

Halkan waxa ah qoraalkii hore ee af Ingiriiska ku qornaa  If you have unvaccinated kids, act like ‘nobody in household’ is vaccinated, experts urge — and more back-to-school advice | The Seattle Times

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here