Washington Referendum 90 oo Tijaabinaya Awoodda Muxaafidku ku Leeyahay Sanduuqa Codka

0
1164

Cod-u-qaadista Waxbarashada Jinsiga Waajibka ah ee Washington Waxey Tijaabineysaa Awoodda Muxaafidku ku Leeyihiin Sanduuqa Codka

Waxa qoray: Hannah Furfaro, wariye Seattle Times

Waxa tarjumay: Mohamud Yussuf, Runta News

Xilligan guga ah, iyadoo coronavirus ku fidayo guud ahaan Washington, koox adag oo is-xilqaantay waxey u dhaqaaqeen ka soo ururinta saxiixyo iyagoo gaarigooda ku jira bannaannada kaniisadaha iyo dukaamada hortooda ah. Ujeedkeedu: iney cod-u-qaadis ku daraaan sanduuqa codka bisha Nofember oo ayna ku daba rogaan sharci cusub oo ku waajib yeelaya iskuullada dadweynaha iney baraan ardada waxbarasho galmo caafimaad oo dhammeystiran.

Kumanaan codbixiyeyaal ah waxey si lama filaan ah ugu soo ururayeen meelaha baabuurta dhexdooda codadka loogu ururinayey. Bishii Juun, in ka badan 264,000 qof ayaa saxiixay, kuwaasi oo ah in ka badan laba jibbaar tiradii looga baahnaa in co- u-qaadistu mudan tahay in sanduuqa doorashada lagu daro.

Laakinse qiyaas ahaan afartii bilood ee xigtay, waxa ololaha badankiisu u dhaqaaqay dhinaca online. Kuwaa doonayey sharciga waxbarashada galmada waxey ka kharash bateen kuwa doonayey in la diido. Laakinse kuwa taageera ololaha waxbarista galmada waxey yiraahdeen si wax-xun-u sheegga ayaa aad ugu badatay onleenka, gaar ahaan farriimaha baraha bulshada iyo website-yada.

Bisha Nofembar, oo wadata cod-u-qaadista Referendum 90, codbixiyeyaasha Washington waxey heli doonaan fursad ay ku go’aansadaan in sharciga — ay meel mariyeen sharci-dejiyeyaasha uuna saxiixay guddoomiyaha gobolka Jay Inslee bishii Maarso, laakinse aan weligeed la hirgelin — uu dhaqan geli doono. Waa markii ugu horreysay guud ahaan dalka oo dhan in waxbarasho galmo ama isu tag ay ka soo muuqato sanduuqa codka, sida laga soo xigtay Shirweynaha Qaranka ee Xildhibaannada Gobolka. Sharciga waxa soo gudbiyey oo si weyna u oggolaaday Diimoqraadiyiinta; sharci dejiyeyaasha badankood ee diidanaa waxay aheeyeen Jamhuuriyiinta ama Republicans.

U codeyn lagu oggolaanayo cod-u-qaadista wuxuu ku waajibin doonaa iskuullada dadweynaha iney ardada baraan waxbarashada galmada caafimaadka ah, in kastoo waalidiintu ay lahaanayaan ikhtiyaarka ah iney iska reebi karaan; doorasho ka dhan ah macnaheedu wuxuu yahay in iskuulladu aaney waajib ku aheyn iney bixiyaan wax kasta oo leh qaab waxbarasho galmo haddii aaney dooneynin.  

Cod qaadistan la soo jeediyey “waxey run ahaantii taabaneysaa dareenka waalidiin badan,” ayey tiri xildhibaanad gobolka, Luanne Van Werven, oo ah Jamhuuri matasha inta badan deegaanka Whatcom County gacanna ka geysatay ololaha soo ururinta saxiixyada looga horjeedo sharciga, laguna magacaabo Waalidiinta Taageersan Iskuulaad Nabdoon ama (Parents for Safe Schools).

Xildhibaannada Washington waxey soo saa’idiyeen baahida loo qabo waxbarashada galmo, laakinse waajib kama aaney dhigin sannadkii 2008. Waqtigaasi, gobolku wuxuu go’aansaday in haddii waaxyadu bixinayaan wabarasho galmo, waa iney ahaataa mid ku habboon da’da oo caafimaad iyo saynis ahaana saxan tahay.

Haddii sharcigan 2020 dhaqan galayo, casharradu waxey waajib ku noqon doonaan dhammaan ardada laga bilaabo kuwa xannaanada ku jira. Sida sharciga iyo saraakiisha qeybta waxbarashada gobolka qabaan, caruurta da’da yar waxey baran doonaan sida ay ku heli doonaan marka ay weynaadaan qof ay ku kalsoon yihiin, sameysashada saaxiibbo, iyo mowduucyo kale oo la xiriira wanaagga dareen-bulsho. Caruurta waaweyn waxey wax ka ogaan doonaan oggolaanshaha raalli la isaga yahay, galmada rabshada leh, iyo cudurrada laga qaado isu galmoodka. Casharradu waa mid ay qeyb ka yihiin dhammaan caruurta, oo ay ku jiraan ardada LGBTQ.

Kuwa sharciga taageerayey, oo ay ku jiraan dhowr xubnood oo caan ah oo ururrada shaqaalaha, kooxaha xuquuqda dadka iyo sariikiisha Diimoqraadiga ee gobolka, waxey leeyihiin waa in heer la isla ogyahay lagama maarmaan loog dhigo guud ahaan gobolka si dhammaan da’yarta ay uga faa’iidaan macluumaad ku caawinaya baadi-goobka ay ugu jiraan xiriiro ay sameystaan. “Waa arrin ku saabsan bad-qabka qof ahaaneed iyo in la hubiyo in dadka da’da yar og yihiin xaqqa ay u leeyihiin iney ‘maya’ dhihi karaan,” ayey tiri xildhibaanadda gobolka Sen. Claire Wilson, oo ah Diimoqraadi laga soo doorto degmada Auburn, ahna qofkii soo gudbiyey sharcigan ama biilka.

Kuwa diiddan oo ay ku jiraan xisbiga Jamhuuriga gobolka iyo dhowr hey’adood oo ka horjeeda ilmo iska-ridka, waxey leeyihiin sharcigu wuxuu hoos u dhigayaa awoodda bulshada iskuullada maxalliga ah. Sidoo kale qaar waxey ka horjeesteen maaddooyinka qaar ee ku jira manhajka waxbarashada galmada.

Waaxyo badan ee gobolka Washington waxey durba bixiyaan wax xoogaa waxbarasho galmada caafimaadka ah, in kasta oo aaney aheyn mid dhammeystiran: Sahan gobolka ah oo dhowaan la qaaday wuxuu tilmaamay in boqolkiiba 93% waaxyadu bixiyaan casharro marka ay ugu yar tahay hal xilli ama sannad-dugsiyeed. Qeyb ballaaran oo ka mida baaritaan la sameeyey waxey muujisay in waxbarasho galmo caafimaad buuxda ay ku xiran tahay caafimaad wanaagsan oo ardadu yeeshaan, sida yareynta raadinta galmada iyo uureysiga aan lagu talo gelin. Sannadkii 2019 dib-u-eegis saameynta caafimaadka ee waajibinta sharciga waxbarashada galmada caafimaad waxey sheegtay iney sidoo kale hoos u dhigeyso sinnaan la’aanta waxbarashada ee ka dhex jirta ardada midabka ah, kuwa taagta daran iyo kuwa ka soo jeeda guryaha ama qoysaska dakhliga hoose.

Iyadoo waraaqaha codeyntu ay imika boostada ku jiraan, dadka labad dhinac ee arrintan waxey isku raacsan yihiin in cod-qaasita aan laga yaabin iney soo jiidato tiro muhiim ah ee u-codeeyeyaasha hal arrin sababtoo ah arrimo badan oo qiime badan ayaa ku jira warqadda cod-bixinta.

Laakinse waxa muhiim ah iney ka muuqaneyso warqadda codka isla xilli ay wada-hal qaran oo muhiim ah, oo ay ku jirto u magacaabista Maxkamadda Sare ee Mareykanka Amy Coney Barrett oo ka horjeedda xaqqa ilmo iska soo ridka, kuna soo aadday sannad qaar badan ay ka cabsi qabaan mustaqbalka xuquuqda dumarka, gabdhaha, iyo bulshada LGBTQ. Waxbarashada waajijba ee sharciga galmada caafimaad waxey ka soo dhex dhalatay dhaq-dhaqaaqii Aniga Xittaa (Me Too movement), iyo doodo ku saabsan xeerka ay wax ka beddeleyso oo mar kasta ay ka buuxday caadifad.

“Maalinta gelinkeeda dambe, marka aad is raaciso arrinta ku saabsan galmada caafimaad iyo caruurta, waxey noqoneysaa arrin salka ka kulul,” ayey tiri Xildhibaanadda Gobolka Sharon Santos, oo ah Diimoqraaddi Seattle, oo guddoomisa Guddiga Waxbarashada ee Aqalka gobolka. Santos waxey oggolaatay qeyb hore oo sharciga ka mida inuu ku dhinto gacanta guddiga 2019, iyadoo ku doodeysa dareen ah in waaxaha iskuullada ee deegaanka iyo kuwo kale oo saamiley ah aan lagala tashan. Dhisid la’aanta isbaheysi xilli hore, ayey tiri, ayaa ku wada faaftay ololahan maanta.

“Waxey run ahaantii yeelatay saameyn waqti dheer ah,” ayey tiri, waxeyna ku talisay in sharcigu ka qaado culeyska siyaasadeed wareeggiisa koowaad ee Golaha.

Maalmaha ugu dambeeya ee ololaha, farriimaha kala qeybinta waxa kaliya laga yaabaa iney wax sii kala fogeeyaan.

Kooxda ka soo horjeedda sharciga waxbarashada galmada waxey soo ururiyeen lacag gaareysa $339,000 oo kun ilaa Oktoobar 13, kuwaasi oo badankoodu lagu qarash gareeyey dadaalka soo ururinta saxiixyada. Bishii la soo dhaafay gudaheeda, ololuhu wuxuu lacag ku bixiyey tabeelayaal guryaha dibaddooda la suro wuxuuna sheegay in folunteeriska ama is-xilqaamayaashu garaacayaan albaabada dadka codeeyeyaasha ah. Laakinse inta badan dad la xiriirku wuxuu ka socdaa onleenka, sida uu yiri hoggaamiyaha ololaha.

“Waxa jira waxyaabo badan ood ka dhex sameyn karto baraha bulshada oon wax kharash ah kaaga baxeynin,” ayey tiri Mindie Wirth, oo ah maareeyaha shirkad teknoolojiyad lehna seddex caruur isla markaana hoggaamisa ololaha kooxda mucaaradka ah. Wirth waxey tiri ololaha kama horjeedo wabarasho galmo caafimaad ee iskuullada laakinse waxa uu qabaa dareenno ku saabsan in manhajka hadda jira ku habboon yahay mid ku habboon da’da. Sida sharcigu qabo, waaxdu waxey kala dooran kartaa manhajka ay dib-u-eegis ku sameeyeen saraakiisha waxbarashada gobolka ama iney qortaan mid iyaga u gooni ah.

Qaar ka mida farriimaha mucaaradka sax ma aha, ayey tiri Courtney Normand, agaasimaha gobolka Washington ee Planned Parenthood Votes Northwest iyo Hawaii, taasi oo hoggaamineysa ololaha taageeraya waajibinta sharciga galmo caafimaad. Kooxdaasi oo lagu magacaabo, Safe & Healthy Youth Washington, waxey soo ururiyeen $1.4 milyan ilaa Oktoobar 13-keedii.

Tusaale ahaan, bog Facebook oo leh dad gaaray 17,000 oo ayna maamulaan kuwa ka horjeeda cod-u-qaadista Ref. 90 waxey kooxdu ku soo saartaa farriimo lagu ceebeynayo sharciga. Farriimuhu waxey si qaldan u tilmaamayaan in manhajka waxbarashada galmada ay soo jeedintiisu leeyihiin saraakiisha waxbarashada gobolka. Go’aamada noocaasi ah waxaa loo daayey guddiyada waxbarashada si sharciga cusub dhigayo, ayey tiri Katy Payne, oo ah qofka u hadla qeybta waxbarashada gobolka; waa in casharradu la jaan-qaadaan heerka gobolka.  

Farriin kale oo lagu qoray isla bogga waxey maldaheysaa in sharcigu ka farayo macallimiinta iney ciyaalka xanaanada dhigta galmada kala hadlaan; si kastaba, sharcigu ma amrayo in iskuulladu baraan casharro la xiriira galmoodka fasallada aadka u hoose ee xanaanada ilaa fasalka K ilaa 3. Iyadoo ka jawaabeysaa su’aalo ku saabsan boostiyadaasi, Wirth waxey tiri: “Haddii niyaddu aheyd in la baro (barashada dareen-bulsho) ee K-3, maxaa loogu qoray qodobka sharci waxbarsho galmo?”

Kooxdu sidoo kale waxey la wadaagtay faallo faah-faahineysa wabarasho galmo isku dhan sida “qalab xayeysiis oo caruurta looga iibinayo isu-tagga, ka buuxaan hadallo naax-naaxsan, fariimo is-burinaya, iyo tabooyin looga dhaadhicinayo saraakiisha iskuullada, ardada, iyo xittaa waalidiinta in noocooda waxbarashada galmada qayaxan loo baahan yahay.”

Kuwaa ku lugta leh taageeridda ololaha waxbarashada galmo ee waajibka ah waxey sheegayaan iney waraaqo dhigayaan albaabada ayna shaqaale ka howl gelinayaan goobaha telefoonnada. Nikki Otero Lockwood, oo leh labo gabdhood, oo midi dabeyl ama autism qabto, waxey sheegtay iney go’aansatay iney waqtigeeda ku deeqdo sababta oo ah waxey fahamsan tahay muhiimadda waxbarashada galmada.

“Waxan ka soo jeedaa seddex jiil oo dumar ah oo cunuggoodii ugu horreeyey ku dhalay da’da 15,” ayey tiri Otero Lockwood, oo xubin ka ah Guddiga Iskuulaadka Spokane. “Tani waa u muhiim dhammaan caruurta, gaar ahaan gabdhaha, si ay u qorsheystaan mustaqbalkooda uguna rumowdo riyadooda.”

Hannah Furfaro: hfurfaro@seattletimes.com; on Twitter: @HannahFurfaro.