Taxaddarka Gobolka Washington ee Dib-u-Furista Iskuullada

0
1544

Maxey Tilmaamaha Gobolka Washington ee Furitaannada Iskuullada Uga Taxaddar Badan Yihiin Kuwa Kale?

Waxa qoray Hannah Furfaro iyo Dahlia Bazzaz

Waxa tarjumay Mohamud Yussuf

Education Lab waa mashruuc Seattle Times oo diiradda saara ballanqaadyo wanaagsan oo wax looga qaban karo caqabadaha joogtada ah ee ka jira waxbarashada dadweynaha. Waxa soo saaristiisa wadajir loola kaashadaa Solutions Journalism Network waxana maal-geliya deeq ka timaada hey’adda Bill & Melinda Gates Foundation, Amazon iyo City University of Seattle Wax badan ka ogow Ed Lab.

Tirooyinku waxey u muuqdeen kuwo hoose “si yaab leh u hooseeya.”

Taasi waa sida ay dareentay dugsiley Adeline Roza ka dib markii bishii Agos ay ogaatay in iskuulkeedu isticmaali doono qiyaasaha gobolka ku go’aaminayo waqtiga la soo celin karo fasalladii qof ahaaneed.

Go’aanka iskuulkeeda gaarka ah wuxuu la jaan-qaadayaa talooyinka ka yimaada saraakiisha sare ee caafimaadka gobolka Washington. Laakinse Roza, oo fasalka ugu dambeeya ka dhigata iskuulka Seattle Preparatory, waxey is weydiisay waxa ka dambeeya lambarrada. Haddaba, waxey bilowday iney ka soo ururiso warbixinnada caafimaadka guud ee gobollada Xeebta Galbeedka (West Coast) iyo kuwo kale oo badan.  

Wixii ay aragtay way la yaabtay: Gobolladu waxey badankoodu isticmaalaan qiyaaso kala duwan si ay u qiimeeyaan goorta iyo sida loo furayo iskuullada, gobolka Washington-na wuxuu u muuqday inuu ka mid yahay kuwa ugu taxaddarka badan.  

Waxyaabihii ay la kulantay Roza waxaa taageeray daraasad qaran: Ku dhowaad nus ka mida gobollada ma lahan cabbir looga tilmaan qaato dib-u-furista, sida ay ogaatay hey’adda fadhigeedu yahay Seattle ee Center on Reinventing Public Education (CRPE)

Washington waxey ka mid aheyd mid ka mida tiro xoogaa ah si ay u bixiyaan tilmaamo cad oo ku xiran tirada kiisaska si qof ahaan fasallada loogu furo. Haddana tilmaamaha Washington waa kuwo si aad ah u taxaddar badan sida guddiga baarayaasha qaranka ku taliyeen.

“Kolkaa waa markii aan xaqiiqsaday … taasi run ahaantii uma muuqato inaan dib ugu laabanayo iskuul waqti dhow,” ayey tiri.

Tirada ugu badan ardada gobolka Washington waxey fasallada ka maqnaayeen in ka badan sannad barkii, in kastoo qaar ka mida waaxyada waaweyn oo ay ku jiraan Bellevue iyo Tacoma, ay ka fakarayaan soo noqosho qeyb ahaan ah. Waxey qaadanayaan go’aan ku saleysan dib u-furka jidka joqraafi ee Guddoomiye Jay Inslee iyo saraakiisha caafimaad ay soo saareen bishii Agost:

  • Iskuullada inaan la furin ayey ku taliyeen, haddii ay ku yaalaan deegaannada “halista sare”, kuwaasi oo ay ku tilmaameen iney qabaan in ka badan 75 kiis oo isku ururay boqolkii kunba 100,000 dadka deggan muddo ka badan labo-toddobaad.
  • Meelaha leh kiisaska yar, oo loo arko “halis dhexe,” waaxyadu waxey awoodi karaan iney ka fakaraan iney dib u soo celiyaan dugsiyada hoose iyo kuwa caruurta wax ka dhiman yihiin; ee ku yaal meelaha “khatarta hoose”, ardada waaweyn, oo u jilicsan iney qaadaan cudurka coronavirus, waxey qof ahaan ugu soo laabaan karaan nidaamka isku dhaf qof-ahaan iyo waxbarasho meel fog.

Markii ugu horreysay oo ay tix-geliyaan jadwalka dib-u-furitaanka, saraakiisha Washington waxey isugu yeereen macallimiinta, kooxaha dadka u dooda, hoggaamiyeyaasha iskuullada iyo kuwo kale. Waxey miisaameen raadka aqooneed iyo caafimaadka maskaxda ee ka fogeynta caruurta xarumaha iskuullada marka loo eego halista kor u kaca is-qaadsiinta iyo shaqaalaha iskuullada haddii fasallada dhaqso loo furo. Saraakiisha waxey ka dib eegeen waxa dhacay markii deegaannada kale dib-u-fureen iskuullada. Waxey la tashteen kuwa cudurrada qiimeeya. Waxeyna hubiyeen iney eegaan waxa gobollada dariska iyo kuwa aad u durugsan ay qorsheynayaan.

Qiyaasaha gobolka Washington wax ku cabbiro waa dugsiyada dhexe oo la bar-bar dhigo kuwa dariskooda ee gobollada Xeebta Galbeed: si ka taxaddar badan California, kana yara jilicsan Oregon. Waxey u muuqataa iney si weyn uga digtoonaan badan tahay marka loo eego qaar ka mida Galbeedka-dhexe iyo gobollada Bari sida Connecticut, halkaasi oo cabbirka dib u bilaabista fasallada qof-ahaaneed — ka yar yihiin 25 kiis maalin walba boqolkii kun 100,000 degganayaasha — waa isku cel-celis shan jeer ka badan midda Washington.

“Dhab ahaan in gobolka Washington uu ka taxaddar badan yahay ma aha wax xun — yoolku waa in hoos iyo hoos loo dhigo kiisaska maalin kasta,” ayey yiri Dr. Thomas Tsai, oo ah kaaliye macallin jaamacadeed ee siyaasadda caafimaadda iyo maamulka Chan School of Public Health ee jaamacadda Harvard University’s T.H..

Laakinse wixii dhexda u galay isku cel-celiskii halista ee gobolka ee lagu go’aaminayey goorta iskuulladu ku soo noqonayaan sidey ahaan jireen? Si ka duwan dareennada kale badankoodu ee nolosha dadweynaha — howlaha, gaadiidka, diinta — iskuullada waa laga saaray qorshaha Inslee ee afarta heer ee qorshaha dib-u-furka. Goorta dib loo furayo iskuullada waxa loo daayey deegaan kasta iyo waaxda iskuulka, oo ka duwan Oregon iyo California, halkaasi oo halbeeggu yahay sharci la isku waaqafsan yahay.  

“Waxan mar kasta dareemeynay in tani run ahaantii tahay go’aan deegaanku leeyahay,” Dr. Kathy Lofy, oo ah sarkaal caafimaad ee gobolka ayuu ku yiri wareysi. “Tani waa mid ka mida go’aamada ugu adag ee aynu dhammaanteen tixgelinnay waqtigii cudurka baahsan.”

Gobollada kale sidoo kale way ku kala duwanaayeen awoodda dib-u-furista iskuullada, oo leh taariikh dheer oo gacanta ugu jirta guddiga iskuulaadka, ayey tiri Ashley Jochim ee CRPE ahna madaxa baarayaasha ee warbixintii dhowaan ee falanqeysay talooyinka dib-u-furista ee gobolka.

“Waxaa jirta awood darro la aaminsan yahay oo ku hareereysan waxbarashada iyo farqi ka dhex jira gudaha oo aynan ku arag qeybaha kale ee cudurka baahsan,” ayey tiri Jochim.

Maalinta gelinkeeda dambe talooyinka gobolka waa iska sidaa: talooyin. Waaxyada iskuulka iyo iskuullada gaarka ah kuma qasbana iney raacaan, kuwana waxeyba doortaan ineysan raacin. Xoogag kale, sida wada xaajoodka ururrada macallimiinta iyo culeys ka yimaada faamillada, waxay door muhiim ah ka ciyaaraan go’aamada dib-u-furitaanka.  

Inta badan deegaannada gobolka waxa loo arkay “halis sare” waqti uu Inslee ku dhawaaqay. Haddana waqtigii sannad-dugsiyeedku bilaabanayey, waaxyuhu waxey u diyaarsanaayeen tusaaleynta digniinta gobolka: Kaliya sacab muggiis oo ka mida 300 in ka badan oo nidaamka iskuullada gobolka waxey go’aansadeen iney qof ahaan dib ugu furaan, sida ay muujisay macluumaad waxbarashada gobolka.  

Fiiro taxaddar ah

Isla waqtigii Lofy iyo gobollada kale ay soo saarayeen qorshe, koox baarayaal ah oo ka tirsan Harvard iyo jaamacado kale si dhow ayey u eegayeen.

“Waxa jiray faham la’aan badan waqtigii qorshaha gobolka ee dib-u-furista,” ayey yiri Tsai, oo ka mid ahaa dhowr baarayaal oo la socday go’aannada gobolka.

Mid ka mida arrimaha wareerka leh: Gobolladu maysan isticmaaleynin cabbiraad isku mida markii ay ku soo warrameen dhacdadii karoona fayras, taasi oo loola jeeday kiisas cusub oo bulshada ah oo waqti qaata. Iyadoo Washington ay indhaha ku heysay tirinta wadareed ee kiisaska in ka badan labo toddobaad, gobollada qaar waxey ku soo warrameen kiisas waqtigaa ka gaaban ama ka dheer. Gobollo kale waxey doorteen iney isu geeyaan tirada isku cel-celiska maalin kasta. Qaar, sida New York, waxey ku saleynayaan tusmooyinkooda qiyaasta natiijada baarista karoona feyras, oo calaamad u ah sida is-qaadsiintu ugu baahsan tahay bulshada.  Isku day in siyaasadda hal gobol la bar-bar dhigo mid kale way adkeyd.

Sida Roza, hoggaamiyeyaasha gobolka Washington waxey ka yaabeen kala geddisnaanta jawaabaha gobolka.

“Waxa si la yaab leh u jiray kala fogaan ballaaran, oo aan u maleynayo iney si fiican noogu sheegtay inaan run ahaantii ogeyn marka la eego waxa ugu wanaagsan ee nala gudboon,” ayuu yiri Lofy. “Laakinse waxan doorannay inaan si taxaddar leh u abbaarno.”

Si qiyaasahaasi mid isla siman looga digo, saaxiibadaTsai, ee Mac-hadka Harvard Global Health Institute (HGHI) iyo macaahidda kale waxey isticmaaleen qiimeyn cudurrada iyo taageerada waaya aragga si ay ula yimaadaan xirmo heerarka halista taasi oo loo isticmaali karo gebi ahaanba gobollada. Makii tirada kiisaska hoos uga dhaceen 25, waxey yiraahdeen, iskuulladu waxey ka fakari karaan in ardada qaar ay dib usoo celiyaan — gaar ahaan kuwaa da’da yar ee fasallada hoose, iyo kuwa wax ka dhiman yihiin — waa haddii ay awoodaan iney qaadaan dhowr tallaabo taxaddar ah oo bad-qabka ku saleysan.  

Marka la qaadanayo go’aan noocaasi ah, cilmi baarayaashu waxey sheegeen, in sidoo kale gobolladu ka fakaraan tirada dadka tijaabooyinka ku caddeynayaan iney qaadeen cudurka coronavirus, dhigista cisbitaalka iyo in tirada kiisasku kor u kacayaan — arrimo saraakiisha Washington sidoo kale ay codsadeen waaxaha iney wax ku qiimeeyaan.

“Taasi waxey run ahaantii aheyd ujeedka: si siyaasad dejiyeyaasha loo siiyo macluumaad waxtar leh,” ayey tiri Tsai. Baaritaanku wuxuu noqday warka ugu ee dalka waxana loo daliishanayey qorshayaasha dib-u-furista gobollada qaarkood — laakinse Washington kuma jirin.

Galbeedka Virginia, Guddoomiye Jim Justice wuxuu sheegay Qaabka halista OVID-19 dhiirri geliyey HGHI. Laakinse qiyaasaha gobolka ee dib-u-furista iskuullada waxey aad uga dabacsanaayeen midda HGHI, waxey ka saartay qaar ka mida kiisaska ee ka mida guud ahaan tirooyinkeeda, sida kuwaa ka jira guryaha xannaanada iyo xabsiyada.

Justice wuxuu ugu yeeray tweaks-ka “fakar aad u wanaagsan oo ka yimid qaabka Harvard, gaar ahaan marka ay timaado dib-u-furista iskuullada.” Tsai wuxuu ku sheegay “kuwo aan habbooneyn” wuxuuna diiradda saaray muhimadda joogteynta in wax kasta kala cad yihiin. Ka dib markii uu la kulmay eedeymo kulul, Justice dib ayuu u gurtay toddobaadkii la soo dhaafay.

Tusaalooyin sida West Virginia waxey daaha ka qaadeen iney culeys iyo cakirnaan tahay in macluumaadka COVID-19 lagu xiro go’aamada siyaasadeed — xittaa marka wax xoogaa qiyaaso macquul ah jiraan, sida tan HGHI iyo kuwaa ka kale ee Centers for Disease Control and Prevention.

Qiyaasaha HGHI kama mid noqon tusaaleynta gobollada Xeebta Galbeed, iyo 23 gobol oo aan midna laheyn qiimeyn caafimaadka guud oo loo adeegsado dib-u-furitaannada. Afar ka mida gobolladaasi — Texas, Arkansas, Florida iyo New Jersey — sida jirta amar ku bixiyaan waxbarista qof-ahaan iyagoon la tixgelin heerka is-qaadsiita cudurka, ayey CRPE ogaatay.  

Wada shaqeyn la’aan iyo baahida is gaarsiinta waxey quudineysaa dhibka hadda jira “dhibaatooyinka isku kalsoonida” iyo baahida xooggan ee siyaasadeed ee ku hareereysan dib-u-furitaanka iskuullada, ayey tiri Jochim.

Washington waxey sameysay shaqo wanaagsan iyadoo talooyinkeeda si cad u muujisay marka loo eego meelaha kale, ayey tiri. Laakinse ku xirnaan la’aanta gobollada kale waxey talooyinkeeda ka dhigayaan kuwo si awooddeeda ka baxsan indhaha loogu hayo.  

“Ma dhihi kari taasi waa halbeegga ugu saxsan,” ayey tiri Jochim. “Natiijooyinka waa kuwo qeexan — qiyaaso macquul ah macnahoodu waa in iskuulladu sii xirnaan doonaan muddo dheer. Mid dabacsan waxey keeni kartaa dabcinta ka [jawaabidda] cudurka baahsan. Marka ay u yar tahay, waxanu u baahan nahay ineynu aragno wada hadalllo ku hareereysan heerarkan.”

Tallaabo qaadis

Gobolka Washington, siyaasadaha xiritaannada iskuullada way sii dabcayaan.

Markii degmada Pierce County ka tagtay “halista sare” oo aadday “halista dhexe” iyadoo tirada kiisaska hoos u dhaceen horraantii bishii Sebtember, saraakiisha caafimaadka dadweynaha waxey u qoreen hoggaamiyeyaasha iskuullada iney ka fakari karaan dib ugu soo celin karaan ardada dugsiyada hoose xarumaha iskuullada. Waaxyaha iskuullada si dhaqsi ah ayey uga jawaabeen: isla maalintiiba, tirada ugu badan ee waaxaha degmada, oo ay ku jirto Iskuullada Dadweynaha ee Tacoma, waxey soo saareen warbixin wadaag ah iyagoo niyeysan iney wada qoraan qorshayaal dib-u-furitaanka ah.

Toddobaadkii la soo dhaafay, Tacoma waxey si cad u sameysatay qorshayaasheeda. Caruurta iskuulka ka hor ee K ilaa fasalka labaad waxey usoo laaban doonan waxbarasho qof ahaan si waqti barkii ah waqti aan ka horreyn doonin Sebtember 28.

Saraakiisha Tacoma waxey leeyihiin is-beddelka hab-raacoodii xilligii xagaaga — waxa ka mida tusaale hore oo ka yimid maamulaha gobolka bishii June, iyo warbixinnadii ugu dambeeyey ee ka yimaada saraakiisha caafimaadka ee degaanka — oo sababay wel-wel iyo wareer.  

“Ilaahey amarkii waxan rajeynayaa in faamillada halkaa jooga ay ka yareeyaan culeyska waaxyaha iskuulladooda siiyaanna in yar oo niyad wanaag ah maxaa yeelay waxa waqtiyo kala geddisan naloo kala jiitay jihooyin kala duwan iyadoo madaxdu beddeleen tusaalooyinkoodii ku wajahnaa waxanu sameyn laheyn si aan ugu adeegno caruurteena,” ayey tiri Dan Voelpel, af-hayeenka waaxda. “Waxey aheyd wax madaxa na xanuujiya waana qiyaasi karaa sida ay wareerk ugu yahay faamilladeena.”

Degmada King County, oo ah halka Roza uu iskuul ka dhigto, qiyaasta 14-ka cisho waxey hoos ugu dhacday 59.5 boqolkii kun 100,000 dadka deggan laga soo bilaabo Jimcihii. Tiradani weli aad bay uga sarreysaa cabbirka gobolka ee ku wajahan dib-u-furista dugsiyada sare: in taa la sameeyo — xittaa waqti barkii — kiisasku waa iney hoos ugu dhacaan in ka yar 25 boqolkii kun 100,000 dadka degmada deggan muddo labo toddobaad oo xiriir ah.

Roza waxey dhowaan email xoogaa dareenkeeda ah sida u dirtay sarkaal iskuulka.

“Maanta macallinkeyga xisaabta wuxuu kuu tilmaamay inaad ka rajo qabtay furitaanka iskuullada dhowaan. Taasi way iga yaabisay maadaama aan sameynayey baaritaanno ii gooni ah,” ayey qortay Roza, oo ah gabadha Marguerite Roza, macallin siyaasadda maalingelinta waxbarashada oo fadhigeedu yahay Seattle waxna ka dhigta Jaamacadda Georgetown University. “Dareenkeygu waa in qiyaasta lagu cabbiro dib-u-furidda dugsiyada sare ay si xoog leh u hooseeyaan.”

Ka dib, labo qows dhexdooda, waxey ku qortay: Haddaba dib uma furi doonno.