U Sinnaanta Waxbarashada Dadweynaha

0
827

Si Waxbarashada Looga Dhigo Mid Loo Siman Yahay, Siyaasad Kaligeed Wax Ma Go’aamin Karto. Barayaasha Waxa Looga Baahan Yahay ‘Geesinimo ay Wax Ku Fuliyaan’

Waxa Qoray: Hannah Furfaro iyo Katherine Long

Waxa Tarjumay: Mohamud Yussuf

Education Lab waa mashruuc Seattle Times oo diiradda saara ballanqaadyo wanaagsan oo wax looga qaban karo caqabadaha joogtada ah ee ka jira waxbarashada dadweynaha. Waxa soo saaristiisa wadajir loola kaashadaa Solutions Journalism Network waxana maal-geliya deeq ka timaada hey’adda Bill & Melinda Gates Foundation, Amazon iyo City University of Seattle. Wax badan ka baro Ed Lab

DARIISHAD FURSAD AH

Qoraalkani waa qeybtii labaad oo ka mida taxane ku saabsan sidii loo toosin lahaa nidaamka waxbarashada loona hagaajin lahaa sinaanta waqti lagu gudo jiro cudur baahsan.

Susan Enfield waxey laheyd ujeeddo damac weyn: Joojinta iskuul iska-ceyrinta, oo ahaa fal gaar ahaan u darnaa ardada midabka leh badankood ee wax ka barta waaxda iskuullada Highline. Wayna shaqeysay ilaa xad, ugu yaraan muddo labo sano ah.

Laakinse ilaa sannad-dugsiyeedkii 2016-17, ka dib markii ay dhugteedii u jeedisay meelo kale, waxey aragtay in tirada edbinta noocaasi ah kor u soo kacday.

Soo noqodka dhibaato ay u maleysay in waa hore la xalliyey waxey ku baraarujisay Enfield, oo hoggaamisa waaxda Highline horjoogena ka ah, sida ay u adag tahay in wax laga beddelo nidaamka. Ma meel marin kartid siyaasad mana u qaadan kartid iney hirgashay.

“Waxan heysannaa sinnaan aad ballaaran una sarreysa, sida ay ila tahay,” ayey tiri Enfield, oo qof caddaan ah. “Laakinse run ahaantii siyaasad macnaheedu waa wax yar haddii aadan heysan dad aamisan nidaamka, lehna geesinimo ay wax ku fuliyaan.”

Iyadoo lagu jiro xilli ay is dhinac socdaan labo dhacdo oo awood badan oo taariikhi ah, — dhaqdhaqaaq bulsho oo ka curtay dilkii George Floyd ee Minnesota, iyo cudurka baahsan ee COVID-19 oo burburiyey albaabadii iskuullada ee guud ahaan dalka — qaar ka mida hoggaamiyeyaasha waxbarashada waxey leeyihiin waxa la joogaa waqtigii la sameyn lahaa isbeddel wax nadiifiya oo oggolaan kara in iskuulladu si wanaagsan ugu adeegaan ardada midabka leh, oo dhaafsiisan sida loogu wareersan yahay xallinta muuqa uu yeelan karo sannad-dugsiyeedka inagu soo aaddan.  

Laakinse in isbeddel waara la sameeyo, Enfield waxey rajeyneysaa in barayaasha iyo hoggaamiyeyaasha kale ee iskuullada ay laabta ku qaadan doonaan casharradii ay baratay: Dib-u-habeynta loogu talo galay in iskuullada looga dhigo kuwo loo siman yahay waa in la joogteeyaa muddada dheer — waana iney dhaqan geliyaan dadka aaminsan. Is-beddel run ah waa mid qasan, wuxuu u baahan yahay kal adeyg wuxuuna ahaan doonaa mid aan lagu faraxsaneyn.

Waa cashar ay Trish Millines Dziko iskeed wax uga baratay, muddo ka badan 20 sano oo dadaal dib-u-habeyn ku saabsan ahaa. Dziko, oo ah African American, waxey isaga tagtay shaqo ay horumar wayn ka gaartay oo dunida teknoolijadda ah sanadihii 1990-dii si ay u bilowdo hey’addan waxbarasho oon faa’iido doonka aheyn, Technology Access Foundation (TAF), iyadoo ujeedkeedu yahay iney isbeddel xooggan ku sameyso qaabka iskuullada min kor ilaa hoos si ay si wanaagsan ugu adeegaan ardada midabka leh. Waxey dooneysay iney ardada ku caawinto xirfadaha ay u baahan yihiin si ay uga dhex tartamaan suuqa teknooloojiyada oo sii kobcaya.

Iyada iyo qaar badan oo kale oo waayo arag ku ah waxbarashada waxey leeyihiin manhajka iskuullada K ilaa12 wuxuu u baahan yahay sixitaan xooggan si uu u matalo danaha dadka Madow iyo kuwa midabka furan, macallimiintuna waxey u baahan yihiin tababar adag oo ka dhan ah cunsuriyadda, iskuulladuna waxey u baahan yihiin iney meesha ka saaraan imtixaanaadka caadiga ah isla markaana ay isticmaalaan tabo kale oo lagu qiimeeyo ardada.

Nidaamkeeda wax ka beddelista iskuullada waxa laga isticmaalaa afar waax ama laamo waxbarasho — Highline, Federal Way, Seattle iyo Tacoma. Tusaalaheeda waa TAF@Saghalie, oo ah fasallada u dhaxeeya 6 ilaa12 ee degmada Federal Way oo isticmaasha dabagal – ama mashruuca ku dhisan tusaale waxbarasho, oo ardadu ku sameynayaan barnaamijyo ku caawinaya iney iyagu hoggaanka u hayaan  waxbarashadooda. 

Sare u qaadidda heerarka

Enfield, oo ah maamule hore ee iskuulaadka Seattle, waxey hoggaanka u qabatay Dugsiyada Dadweynaha ee Highline sannadkii 2012 iyadoo ujeedkeedu ahaa iney kor u qaaddo heerka caruurta dhammaantood. Qiyaas boqolkiiba 80% ka mida ardada ee wax ka barta waaxda iskuulladaasi waa kuwa midabka leh.

Mid ka mida waxyaabaha Enfield ay la lagdantay waa: ka joojin iyo eryid badan oo lagula kici jiray ardada midabka leh “oo si la yaab leh u sareeyey iyadoo qaladkooduna ahaa waxyaabo aad u yar,” ayey tiri. Sababta ugu badan oo ciqaabta noocaasi, waxey tiri, ma aheyn mid ku taxaluqda daroogo ama rabshad — waxey aheyd qaladka loogu yeero “diidmo,” oo macnhiisu yahay wax kasta oo la mida amar diidis iyo la xafiltan macallin. Haddii waaxdu la dooneysay heer aad u sarreeya ardadeeda, waxa sidoo kaloo iyada lafteeda looga baahnaa tusaalooyin cusub.

Sannadihii koobnaa ee xigay go’aankii waaxda ay ku soo af-jareysay kala sarreyntaasi, eryiddii iyo ka joojintii hoos ayey u dhacday.

Laakinse markii waaxdu indhaheedii u jeedisay arrimo kale oo muhiim ah, tirada edbinta waxey bilowday iney kor u kacdo, gaar ahaan ardada Madow dhexdooda.

Sida laga soo xigtay warbixintii ugu dambeysay ee waaxda laga soo bilaabo sannad-dugsiyeedka 2018-19, qiyaas boqolkiiba 15.6% oo ka mida ardada waaxda wax ka barata waa Madow, laakinse waxey ka yihiin boqolkii 21% kuwa lagu soo oogo ciqaab arrimmo dabeecadda la xiriirta. Ardada African American waxaa loo edbinayey si aad uga sarreysa ardada kale ee Madow sida kuwa u soo haajiray Mareykanka ee ka yimid Ethiopia ama Somalia, sida ay muujisay warbixintii ugu dambeysay ee waaxda.

“Tani waxey muujineysaa garasho iyo garowsiyo la’aan ka dhex jirta macallimiinta qof ahaan iyo heer nidaamka ah, iyo guud ahaan dhammaanteen,” ayey tiri. “Ma sii socon karto inta aad adiguna il gaar ah ku heyso.” Waxaadu waxey imika dib u eegis ku heysaa qaabka ay wax u edbiso, ayey tiri, oo diiradda lagu saarayo hagaajinta xiriirka u dhaxeeya ardada iyo macallimiinta — haddey ahaan laheyd waxbarasho qof ah ama midda online-ka ah.

Siyaabaha qaarkood, waayo aragnimada Highline waxey hoosta ka xarriiqeysaa dhib hoggaamiyeyaal badan oo dadka midabka ah ay tilmaamayaan: isbeddello habeysan iyo wax kordhin oo meel dhow ay ku gaarsiiyaan. 

TusaalahaTAF

Fasalka toddobaad, casharka daraasaadka bulshada ee TAF@Saghalie sanado kooban ka hor, mowduucu wuxuu ahaa addoonsiga. Arday baa gacantiisa kor u taagay isagoo farta ku fiiqaya khariidada dalka Mareykanka. “Haddii addoonsigii halkan joogi lahaa maanta, gobolladee taageeri lahaa, gobolladeese ka hor iman lahaa?”, ayuu weydiiyey.

Dziko, oo halka dambe fasalka ka daawaneysa, waxey ula muuqatay su’aal aad weyn. Laakinse macallinkii ulama muuqan. “Waa wax mowduuca ka baxsan,” ayuu yiri, isagoo ardaygii hadalka ku xiray.

Dziko waxey jeclaan laheyd in macallinku ardayga weydiin lahaa, “adiga maxey kula tahay?” Wuxuu awooday inuu meel iska dhigo manjhajkii maalinkaa una sheego ardaydiisa iney dhexdooda ka wada hadlaan arrintan, haddana fasalka oo dhan ay ka wada hadlaan. Wuxuu ahaan karay cashar hodan ah, oo xusuus reeba.

“Laakinse si loo sameeyo wax tani la mida, ka macallin ahaan, waa inaad horta qiimeysaa hadallada ardadaada,” ayey tiri Dziko, “iyo inaadan aaminin inaad tahay markabka aqoonta oo dhan xambaarsan.” Macallinkaasi kuma daahin iskuulka, oo TAF ku tilmaamtay hey’addii ugu horreysay oon faa’iido doon aheyn oo wax la muumusha waaxda iskuullada dadweynaha ee gobolka Washington.

Iskuulladu waxey lug gooyo ku yihiin ardada midabka leh, ayey tiri Dziko, maxaa yeelay ma qaddariyaan hadalladooda, ama lama sameystaan xiriir adag oo dhex mara macallinka iyo ardayga. Balse, iskuulladu waxey si badan diiradda u saaraan imtixaanaadka caadiga ah, oo ku amraya macallimiinta iney bixiyaan manhajyo gaar ah. Waxey ila tahay casharro iskuulladu maanta dhigaan “iney yihiin kuwa si aada ugu saleysan dhaqanka Yurub iyadoo caruurtu waxba kala socon dunida inteeda kale — xittaa waxba kama oga dhaqamada kala duwan ee dalkan ka jira.”

Tusaalaha dib-u-habeynta waxarashada ee Dziko wuxuu isticmaalaa xog-raadin ku dhisan waxbarasho ku dayasho mudan, taasi oo ardada ku sameynayaan mashruucyo u horseedaya iney wax bartaan. Ardada habkan ku shaqeysa aad bay qeyb uga noqdaan waxbarashadooda, ayey tiri, si kasta oo ay u kala duwan tahay kartidooda aqooneed ama baahidooda, waxey awoodaan iney “wax la bartaan qof kasta oo kale.” Waxbarashada ku saleysan mashruuca waxey kale oo u oggalaaneysa ardada iney siyaabo kala duwan u buuxiyaan heerka waxbarasho, ayey tiri, ma aha oo kaliya iney imtixaanaadka meel sare ka galaan.

TAF@Saghalie, waxey ardada isugu aaddisay kooxo “aqallo” ka kooban 80, oo aqalkii ay ka howl-galayaan seddex macallin (math, science iyo humanities). Cashar kasta waxa loo qoondeeyey 90 daqiiqadood, iyo wax kasta oo lagu baro qaabka maaddooyinka isku laban. Casharka maaddada cilmiga ah waxa kaloo ka mida cashar fanka luqadda ah, tusaale ahaan, iyadoo ardadu baranayaan sida si saxan wax loogu qoro sayniska.

Mashruuca cashar dhowaan baxay, ardadu waxey ku sahmiyeen aragti mala-awaal oo qeyb ka mida oo ku saabsan hanti gobolku leeyahay oo midi tahay dhuxul aad u fara badan, qeyb kalena bartool, iyo qeyb seddexaad oo ah tamarta dabeysha. Ardadii waxey barteen qabiillada Mareykanka asalka ah mid kasta qeybta uu kaga nool yahay gobolka, waxeyna qiyaaseen qiimaha ay ugu fadhiday dhulka iyo dadka haddii hantidaasi la soo saaro. Ardadu waxey la hadleen xubno ka tirasn qabaa’ilka, waxeyna darseen taariikhda qabiillada waxna ka barteen ilaha tamarta.

Mashruucyada noocaani ah waa shaqo badan yihiin. “Laakinse faa’iido ma leeyihiin,” ayey tiri.

Macallimiinta waxey helaan fursad horumarin xooggan oo xirfaddooda ku saabsan si ay u afeeyaan shaqadooda, oo ay ku jirto iney si qoto dheeri ah iyo sahan ugu sameeyaan ka hortagga midab-takoorka. “Inaad ahaato qof ka horjeeda midab-kala sooca waa Xiddiga Wuqooyi,” ayey tiri. “Ma aha mid ku filan in la yiraahdo, ‘Wax ma kala sooco,’ maxaa yeelay taasi waa been. Inaad ahaato qof ka horjeeda midab-kala sooca macnaheedu waa inaad tallaabo qaaddo, aad noqoto qof ka dooda, iyo inaad wax u bareerto.”

Qaabkeeda dib-u-hajaajinta iskuulka waxa loo isticmaali doonaa iskuulka Washington Middle School ee Seattle xilligan jiilaalka ah iyo deyrta. Laakinse ka mid noqoshada TAF ee waaxda iskuulaadka ugu ballaaran ee gobolka Washington kuma iman dagaal la’aan.

Qorshaha in TAF la keeno Washington wuxuu isku dhafay ardadii mowhibada iyo kuwii waxbarashada guud ee Washington Middle si uu waddada ugu xaaro iskaashi, sababtoo ah TAF kuma qiimeyso ardada heerka aqoontooda. Waalidiinta ardada howhibada leh — oo badankoodu caddaan yihiin — way ka gows heysteen in iskuulku awoodi doono inuu buuxiyo baahida ardadooda.

“Waa kuwo aan dooneynin iney dhageystaan wax kasta oo yar oon kula caddeen cunuggooda ,” ayey tiri Dziko. Qorshaha ugu dambeeya wuxuu si tar-tartiib ah u soo gaarsiin doonaa ardada  mowhibada leh manhajka TAF, iyadoo macallimiintu soo soocan doonaan si loo siiyo adeegga ay u baahan yihiin.

TAF waxey leedahay boqolkiiba 100% ku aflaxaan ardadeeda waqtigii loogu talo gala galay, boqolkiiba 95% waxey helaan jaamacadaha. Iyadoo Dziko aaney aaminsaneyn in darajooyinka wax badan laga dheehan karo, boqolkiiba 85% oo ka mida fasallada 10aad ee TAF@Saghalie waxey gaareen heerka gobolka ee maaddada English, iyo iyagoo boqolkiiba 65% ka gaaray heerkii xisaabta looga baahanaa, tirooyinkaasi oo aad uga sarreeya heerka caadiga ah.

Qaabka asaaska u ah oo Dziko wax ku xalliso waa in lala hardamo isbeddel marba lagu sameeyo hal iskuul. Intee qaadan kartaa in isbeddel waara lagu sameeyo deegaan dhan?

Highline ayaa ah halka xigta oo Enfield ay diiradda saareyso si ay u noqoto waaxda iskuul oo si dhab ah u diidda midab-takoor. Shirweynaha soo socda ee dhammaan waaxda wuxuu lagu eegi doonaa sida arrimahni u muuqan doonaan, ayey tiri.

“waxey si weyn xujo ugu tahay kuweena ah hoggaamiyeyaasha caddaanka ah si aan u go’aansano waxa ay la macno tahay inaan oggolaano in awoodda nala qeybsado aanuna ka mid noqono qaar ka mida wada hadalladaasi iyo shaqada socota,” ayey tiri. “Tani waa mid adag. Aniguna si buuxda ayan uga mid ahay safarkan wax lagu baranayo.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here