Ka Faa’iideyso Baska Bulshada (Community Van) iyo Barnaamijka Trailhead Direct

0
348

Sawirka waxa qaaday Sanwal Deen

Ma jeceshahay inaad dibadda aaddo laakinse gaari ma heysatid? Ma rabtaa inaad deegaanada debiiciga ku soo raaxeysato laakinse aad gaarigaaga guriga uga tagto? Waxa kuu diyaar ah barnaamijka Baska Bulshada ee Community Van iyo Trailhead Direct si adiga iyo saaxiibadaada uga caawiyaan iney soo hawo qaataan.  

Muxuu yahay barnaamijka Baska Bulshada (Community Van)?

Community Van ama baska bulshada waa adeeg wada raacis ku saleysan wadaag-bulsho oo lagu bixiyo wada shaqeyn u dhaxeysa King County Metro iyo dowlado magaalo oo ka qeyb qaadanaya. Iyadoo lagu xoojinayo darawallo is xilqaamay, baska bulshada wuxuu dadku geynayaa goobo caan ku ah bulshada dhexdeeda. Maxaase ka wanaagsan in booqasho lagu tago meelaha magaalada ka baxsan iyo dabeeciga ah?

Sidee baan u qorsheyn karaa socdaal aan u adeegsado baska bulshada (Community Van? 

Iimeel u soo dir CommunityVan@KingCounty.gov ama booqo www.kingcounty.gov/CommunityVan si aad wax uga ogaato adeegga Community Van ee aaggaaga u dhow.   

Qofka u qaabilsan aaggaaga isku dubaridka gaadiidka (CTC) ayaa kugu caawini doona inuu kula xiriiriyo tabarista darawal is xilqaamay ama kugu lamaanin doona darawal is-xilqaamay oo shahaaddo heysta.  

Durba marka shahaaddo lagugu siiyo is xilqaan ama lagugu lamaaniyo darawal kale, la soo xiriir qofka aaggaaga u qaabilsan CTC si aad u qorsheyso socdaalkaaga.

Soo wac 206-553-3000 si aad u hesho tarjumaan kugu caawiya howlahani sida luqadaha kala ah Fiyetnaamiis, Faransiis, Soomaali, Ruush, Kuuriyaan, Sawaaxili, Shiiness, Nebaali, iyo kuwo kale.

Muxuu Yahay Barnaamijka Trailhead Direct?

Trailhead Direct waa mashruuc bas aada deegaanada dabiiciga ah oo ay maamusho hey’adda gaadiidka basaska King County Metro iyo hey’adda beeraha nasiinada ee King County Parks. Mashruucaani wuxuu dadka u sahlayaa iney tagi karaan meelaha lagu soo lugo baxsado ee buuraha ah, iney baabuurta ka yareyso jidadka, iyo iney yareyso ciriiriga ka dhasha meelaha baabuurta la dhigto ee lugo baxsiga loo tago. Laga bilaabo bisha May 13keeda ilaa Sebtember 4 maalmahooda toddobaadka dhamaadkiisa iyo kuwa ciidaha, qiimaha caadiga ah ee baska wuxuu kugu xiri karaa magaalada Seattle bartamaheeda ilaa meelaha loo socod tago muddo saacad gudaheeda ah. xusuusnow – dhallinyarta jirta 18 iyo ka yar waxey mar kasta ku raaci karaan lacag la’aan basaska King County Metro!

Baska adeegga Trailhead Direct wuxuu istaagaa xarumaha tareenka Capitol Hill, Downtown Seattle, Eastgate Park & Ride ee Bellevue, iyo North Bend Park & Ride – wuxuuna u kala socdaa labadad jiho ee aadista iyo soo noqoshada. Trailhead-ka ka howl gala waddada Mt. Si route waa Mt. Teneriffe, Mt. Si, ama Little Si trailheads.

Sideebaan u Qorsheyn karaa socdaalka Trailhead Direct?

Booqo https://trailheaddirect.org/ si aad aragto jadwalka iyo saacadaha socdaalka soona degso qoraallada ku qoran afafka Ingiriiska, Isbaanishka, Fiyetnaamiiska, Shiineeska la sahlay ama asalka ah, Oromo, iyo Amxaarik.  

Waxad la wadaagi kartaa adeegga kooxdaada waqti kasta iyo goob kasta oo ku qoran liiska jadwalka ama warqadda qoraalka maalin kasta oo Sabti, Axad, ama fasax ah laga bilaabo imika ilaa maalinta loo dabaaldego Shaqaalaha (Labor Day). Waxad sidoo kale aad ka isticmaali kartaa onleenka Metro’s Trip Planner kombiyuutarkaaga, moobaylka ama aababka Android ama iOS  si aad u qorsheyso socdaallada ku cad jadwalka adeegga deegaanada King, Pierce iyo Snohomish. Waxad ka heleysaa faahfaahinno ku saabsan meelaha basku istaago, uuna maro iyo waqtiyadooda.

Tikidhada Trip Planner kuma jiraan hakadyada adeegyo la qorsheeyey ku iman kara iyo jidadka la maro oo ay saameyn ku yeelan karaan cimilada, arrimo deg-deg ah, saxmad, dhacdooyin ama shaqo dhismo. Isu diiwaan geli helitaanka digniinada Transit Alerts si aad u hesho iimeellada waqtiga saxda ah ama tekist kugu soo war gelinaya suurto galka hakad ku yimaada adeegga Trailhead Direct.

Nala wadaag waayo aragnimaada ku saabsan baska lagu aado meelaha dabiiciga ah!

Isticmaal hash taagyada #TrailheadDirect iyo #CommunityVan oo taag garee King County Parks iyo King County Metro socdaal kasta aad aadeyso adigoo isticmaalaya Trailhead Direct ama Community Van.