Dhaq-dhaqaaqa Sinnaanta Midabka iyo Daraasaadka Issirka ee Gobolka Washington

0
984

Dhaq-dhaqaaqa Qaran oo Lagu Codsanayo Sinnaanta Midabka Wax Ma ka Tari Doonaa Daraasaadka Isirka ee Gobolka Washington?

Waxa qoray: Hannah Furfaro

Waxa tarjumay: Mohamud Yussuf

Education Lab waa mashruuc Seattle Times oo diiradda saara ballanqaadyo wanaagsan oo wax looga qaban karo caqabadaha joogtada ee ka jira waxbarashada dadweynaha. Waxa soo saaristiisa si wadajir loola kaashadaa Solutions Journalism Network waxana maal-geliya deeq ka timaada hey’adda Bill & Melinda Gates Foundation, Amazon iyo City University of Seattle. Wax badan ka baro Ed Lab.

DARIISHAD FURSAD AH

Qoraalkani waa taxanihii ugu horreeyey oo ku saabsan sidii loo dib u hagaajin loogu sameyn lahaa nidaamka waxbarashada si loo horumariyo iyadoo lagu jiro waqti lagu baraarugay cudur baahsan.

Waxanu jecel nahay inaan maqalno ra’yigaaga ku jeeda sidii iskuulaadka looga dhigi lahaa kuwo si wacan loogu siman yahay. Fadlan fikradahaaga usoo dir edlab@seattletimes.com Fadlan maanka ku hey ineynu aqbaleyno jawaabaha ku qoran af Ingiriis oo kaliya. Waxan sidoo kale kugula hadli karnaa telefoonka.

Halkan waxa ah horudhaca hadalka: Maxaad jeclaan laheyd inaad ka baran laheyd iskuulka?

“Tariikhda dadka Asalka ah,” hal arday ayaa yiri.

“Waxaan jeclaan lahaa inaanan ka baran iskuulka warbixinta beenta ah ee ku saabsan Christopher Columbus,” ayuu yiri mid kale.

“Wax badan oo ku saabsan halganka xuquuqda banii’aadamka ee dunida ka socda,” ayey tiri Aneesa Roidad, oo dhowaan ka qalin jebisay Dugsiga Sare ee Ballard oo hoggamineysay wada-hadalkii saaxiibadeed, iyo xubno ka tirsan Golaha Dhallinyarada ee NAACP Youth Council, oo ku wada hadlayey Zoom Arbaca dhoweyd.

Ardadu waxey ku bixiyaan waqtigooda xilliga xagaaga ah qorista manhaj si ardada mustaqbalka u bartaan casharro muhiim ah oo aaney hore u arag. Jadwalkooda waxa ugu sarreeya: qaabeyn cashar-shaqo oo saynis, xisaab, English, taariikh iyo mowduucyo kale oo xambaarsan sharafta daraasaadka isirrada kala duwan — casharradaasi oo diiradda saaraya waayo-aragnimada dadka midabka ah.

Waa qeyb ka mida koox arday iyo macallimiin soo xoogeysaneysa oo deggan degaanka Puget Sound oo ku baaqaya daraasaadka isirrada ee dhammaan heerarka kala duwan iyo maadooyinka. Tani ma aha baaq cusub oo in tallaabo la qaado ah. Qaar badan oo macallimiinta magaalada ee daraasaadka isirrada waxey u doodayeen sanado badan. “Waxey mar kasta aheyd wax dhaqsi loogu baahan yahay,” ayuu yiri Jon Greenberg, oo ah macallin daraasaadka isirrada ka dhiga iskuulka bartamaha “Center School” ee Seattle.

Laakinse dhaqdhaqaaq bulsho oo qaran oo ku wajahan caddaaladda midabka, cudur baahsan oo sabab u noqday dadka talada haya iney dib uga fakaraan sida waxbarashadu ahaan karto, iyo xaalad ku saleysan siyaasado iyo sharciyo cusub oo waaxyaha iskuullada ah, waxey  kordhinayaan rajada dadka qaar ka qabaan in isbeddel imanyo.

Sannadkii la soo dhaafay, sharci dajiyeyaashu waxey weydiisteen saraakiisha waxbarashada gobolka iney horumariyaan maaddooyinka lagu barto daraasaadka isirrada waxeyna ku dhiiri-geliyeen waaxaha ama laamaha iney u isticmaalaan fasallada toddoba iyo 12; sharciga 2020 wuxuu tani u fidiyey xannaanada. Waaxda Iskuulka (Northshore School District) waxey bilowday tijaabo daraasaad issirrada ah oo la ballaarin doono deyrtan. Hor-joogaha Highline waxey sheegtay iney rabto iney u rogto waaxda hey’ad si cad uga hortagta midab-takoorka.

“Uma jeedo calaamado rajo muujinaya,” ayey tiri Roidad, oo madaxweyne ka ah Golaha Dhallinyarada (NAACP Youth Council). “Mar kasta waa muhiim, laakinse waxa imika aad u muhiim u ah ineynaan awoodin iney wax naga kala baahaan.”

Daraasaadka issirka ku saabsan waxey ku baaqayaan waxbarasho in badan loo siman yahay, dhab ah iyo kulmisa dhammaan dadka — oon ku koobneyn nolosha kuwa caddaank ah oo ku badan buugaagta taariikhda iyo kuwa akhriska ee ardada loo xilsaaro.

Daraasaadka issirka wuxuu ku iman karaa hab fasallo iskood u taagan ah oo ku saabsan daraasaadka dadka Madow, Aasiyaan, iyo Laatiinaha ama dadka Jasiiradaha Baasiifigga. Waxey la macno ahaan karaan qorista manhaj udub dhexaad ah si uu u matalo cadaadiskii iyo guulihii dadka midabka leh. Waxa uu ku waajibin karaa macallimiinta iney maraan tababarro ka horjeeda midab-takoorka.  

Haddaba waxa muuqata iney jirto faa’iidooyin dhab ah: daraasaadku waxey ku taliyeen in maaddooyinka barahada isirka ay ka caawiyaan ardada iney si wacan u fahmaan qaab-dhismeedka midab-takoorka iyo in lala xiriiriyo isbeddello waaweyn oo ku jeeda  ka qeyb galka iyo soo bandhigidda, gaar ahaan wiilasha iyo ardada Isbaanishka ah.

Qaabka la isu baro daraasaadka bulshada waxey run ahaantii culeys ku tahay sida caruurta midabka leh ku yihiin fasallada xisaabta, maxaa yeelay waxa aan ka baranno taariikhda ayaa  go’aan kartaa sida laga filan karo qofkee ku “fiican” xisaabta, ayey tiri Niral Shah, oo ah kalkaaliye barfasoor qeybta waxbarshada ee University of Washington. Haddii aad wax barto aqoon yahannada dadka midabka ah ee maaddo kasta, ardada midabka leh iyaguna waxey isu arki doonaan iney gaari karaan aqoon kala duwan oo dhinac kasta ah.

Si loo sameeyo isbeddel dhab, dadka qaar waxey leeyihiin, habka fakarka macallimiinta, maamulyaasha, and faamilladu waxey u baahan yihiin in iyaguna wax iska beddelaan.

Greenberg iyo qaar kale oo lagu wareystay qoraalkan waxey yiraahdeen waxey sanado badan dareemeen diidmo ku jeedda shaqada ay qabtaan. Qiyaas toddoba sano ka hor, Greenberg waxa laga beddelay oo laga mamnuucay qaar manhajka ka mida fasalladiisa. In kastoo taageero uu ka helayey kuwo badan, wuxuu sannad u wareegay iskuul kale ka dib markii faamillo ka dawcoodeen casharradiisa.  

Mowjadihii waxey bilaabeen iney soo rogtaan: bartamihii 2017, ka dib riixtin ay sameeyeen hey’adda NAACP Seattle, xubnaha guddiga iskuullada Seattle waxey guud ahaan taageereen xeer daraasaadka issirrada ah. Bartamihii Juun, guddiga iskuulka wuxuu ansixiyey xeer cusub oo oo ku amraya maamulaha sare inuu dejiyo manhaj ku saabsan daraasaadka dadka Madow ee  fasallada koowaad min fasala K ilaa kalaaska 12aad.

Laakinse Greenberg wuxuu sheegay inuu arkay dadaallo xooggan oo xeerkii xeerkii 2017 ficil loogu rogay laakinse dhammaan ay aakhirkii kala daateen. Maareeyaha barnaamijka oo hoggaamisa kooxda talada ka bixisa daraasaadka isirrada, Tracy Castro-Gill, waxa ay si cad uga hadashay ka horjeedkeeda qeybo ka mida siyaasadaha waaxda oo imika gorgortan ku saabsan xilkeeda kula jirta waaxda iskuulka. Bilo badan, ayey tiri Greenberg, shaqada kooxda talo-soo jeedinta hakad by ku jirtay.  

Tim Robinson, af-hayeenka waaxda, wuxuu yiri “shaqadu way soconeysaa waxeyna ahaan kartaa mid dar-dar laga geliyo mustaqbalka. Waa shaqo cakiran waxeyna ahaan doontaa mid u ah waaxda.”

Castro-Gill, oo hoggaamisa hey’adda aan faa’iido doonka aheyn ee darasta isirrada Washington Ethnic Studies Now, waxey sheegtay ineysan ka hadli karin shaqadeedii waaxda iskuulaadka Seattle SPS. Laakinse taariikh ahaan, waxey tiri, dadaallada ka horjeeda midab-takoorka “waxa lagu arkaa meelaha ka bannaan manaahijta iyo dhigista, oo ka baxsan howl maalmeedka waaxda iskuulka.” Waxey u badan tahay iney joojiyaan haddii ay ku iman lahaayeen qaab maaddooyin iskood u taagan, ayey tiri, taasi oo ah sababta ay dabada uga riixeyso daraasaadka culuunta isirrada “meel kasta oo ka mida manhajka iyo waxbarista,” dhammaan macallimiinta waxey maraan tababar ku jeeda la dagaalanka midab-takoorka iyo is-beddel qoto dheer oo hey’adaha ah.

Roidad, oo seddex sano ka hor Seattle uga soo guurtay Pennsylvania, oo hooyadeedna tahay soo galeeti ku ah Mareykanka kana timid Pakistan, weligeed ma qaadan fasal ku saabsan daraasaadka isirrada. Xaafadda Ballard, oo gebi-ahaanba caddaan deggan yihiin, ma bixiso mid. 

Laakinse Roidad macallinkeedii taariikhda wuu uga hadlay casharradiisa midab-takoorka iyo cadaadiska; sidoo kale ayuu macallinkeedii luqadda Isbaanishka sameeyey, wuxuu sawirrada iyo muuqaallada Frida Kahlo iyo Bayard Rustin ku dhajin jiray kalaaska. Daraasaadka isirrada, “ma aha laba kalmadood oo fasala dhexdiisa loogaga hadlo arrimaha ku saabsan midab-takoor,” ayey tiri. “Waa arrin dhab ah oo joogto ah, dadaal shaqo adag. Waxeyna labadaa bare ahaayeen kuwa ugu dhow oo aan u helay dadaalkaasi.” Roidad, oo imika heysata sannad firaaqo ah inta aaney ku biirin jaamacadda Harvard University sanadka 2021, waxey ka shaqeyneysaa habab iyada iyo ardada kale ay ku heli karaan iney cod dheeri ah ku yeeshaan waxbarista.

Macallimiinta safka hore ku jira waxey imika sahminayaan caqadaha cusub ee ka jira bey’adda iskuulaadka. Waxey wax ka barayeen meel fog dayrtii in dhaaftay, waxeyna u badan tahay iney sii wadi doonaan fogaan barista xagaag nagu soo aaddan. Qaar, sida dugsiga sare ee Garfield macallinka daraasaadka isirrada Jesse Hagopian, wuxuu leeyahay ma jiro cudur-daar ay heystaan  macallimiinta ineysan isticmaalin manhajka hadda la heli karo: waxa jira buugaag, sida “Rethinking Ethnic Studies,” iyo hey’ado sida Mashruuca Waxbarashada ee Zinn Education Project kaasi oo casharro onleen ah ku bixiya mowduucyo waxyaabo qaar taabanaya.

Ardada waxey fasallada ku soo noqon doonaan ka dib markii dalku garowsado dhibka boolisku ku hayo dadka Madow iyo cunsuriyadda nidaamsan iyo suurto-gelnimada dhaawac maskax ay qofka ku reebi karto iyadoo muddo bilo ah lagu jiray kelinimo ama go’doon.

Haddii uu awoodo inuu si qof ah wax u baro, Hagopian wuxuu rabaa inuu sawirro ku saabsan bannaan baxyadii dhowaanahan ee caddaaladda midabka ee ka dhashay dilkii George Flyod iyo dadka kale ee Madow ku muujiyo hareeraha fasalkiisa. “Ardada waxey ugu kuur-geli karaan sawirrada hadba mid iyagoo ka sameyn lahaa qoraallo kooban oo ku saabsan sida sawirkaasi uu dareenkooda u taabtay,” ayey tiri. Casharka wuxuu ahaan doonaa mid u horseeda ardada iney ugu kuur-galaan buugaagta akhriskooda kagana doodaan dhacdooyinka kale ee taariikhiga, sida kacdoonkii ka dhacay Detroit 1967, loo muujiyey. “Ma waxey ugu yeeraan kacdoon, ama waxey ugu yeeraan rabshado?” ayuu yiri.

Haddii ay noqoto inuu wax ku baro online, wuxuu isla sawirradaasi ku muujin doonaa fiidiyow.

“Fahamkaaga ku suubsan xaaladdan waa mid si joogto ah isu beddelaya marka aad xaqiiqsato in tani tahay muuqaalka dhabta ah ee bulshada Mareykanka: kacdoono ballaaran oo ku jeeda midab-kala sooca,” ayuu yiri. “Maxey taasi kaaga sheegi kartaa xaalka waddankeenu ku sugan yahay? Maxey taasi kaaga sheegi kartaa waxa loo baahan yahay in wax laga beddelo iyo sida loo sameyn karo?”