Sheybaarka Waxbarashada (Education Lab) waa mashruuc Seattle Times oo si ballaanqaad ah u iftiiminaya qaabka lagu wajihi karo caqabadaha joogtada ah ee ka jira nidaamka waxbarashada dadweynaha. Waxa soo saariddiisa wadajir loola kaashadaa Solutions Journalism Network waxana maal-geliya qaaraan ay bixiyaan Bill & Melinda Gates Foundation, Amazon iyo City University of Seattle. Wax badan ka baro Ed Lab.
Waxa Qoray: Hannah Furfaro, wariye Seattle Times
Waxa Tarjumay: Mohamud Yussuf, tifaftiraha Runta News
Waa xilli mar kasta ku habboon in laga hadlo sinnaan la’aanta ka jirta dhinaca waxbarashada.
Laakinse dilkii booliska ee George Floyd, iyo xiritaannada iskuullada ee uu sababay coronavirus ayaa laga yaabaa inuu sii waasiciyo kala fogaanshaha ku iman kara fursadaha u dhaxeeya ardada Madowga iyo kuwa caddaanka ah, taasi oo nagu riixeysa wado hadal cusub oo ku saabsan sida ugu habboon ee iskuullada uga hortagi karaan nidaamka ku dhisan midab-takoorka.
Sinnaan la’aanta midabka waxa uu si weyn iyo si yarba u huwan yahay nidaamaka waxbarasho ee qaranka. Caruurta Madowga waxey wajahaan caqabadaha ugu ad-adag si ay waxbarashada ugu guuleystaan.
Gudaha fasal kasta, macallimiintu waxa laga yaabaa iney isku qaldaan sheeko jaceylka caruurta Madowga ah ee dhigta waxbarashada iskuulka ka hor iyo dabeecadaha fud-fudeydka ama edeb darro, halkii ay ka aqoonsan lahaayeen in cunuggu karti fiican u leeyahay sheegitaanka sheekooyinka. Gudaha waaxyaha ama laamaha iskuullada dadweyaha, howlaha carbinta iyo shaqaaleynta waxey u muuqataa in laga reebo macallimiinta Madow ama la siiyo tiro ka yar kuwa jaalkooda ee caddaanka ah. Waxbarashada sare waxey leedahay taariikh fog oo lagu faquuqo guud ahaan dadka Madow. Midabtakoorka iyo dambiyada naceybka waa kuwo si joogta ah uga dhaca xarumo badan oo jaamacadeed.
Sinnaan la’aantaasi way sii korortaa sanadaha badan ay caruurta iyo qaan-gaarkuba iskuulada dhiganayaan. Qaar waa kuwo maldahan, sida farriinta dhaqanka aan runta aheyn ee aadk u baahansan ee ah in ardada Madowga ay yihiin kuwo aan awoodin iney wax bartaan marka loo eego jaalkooda ama asaagooda kale. Qaar kale waa kuwo muuqda: siyaasadaha iskuullada ee xannaanada ilaa dugsiga sare (K-12) waa mid oggolaaneysaa in ardada lagu xiri karo xarumaha jaamacadaha, aradada Madowgana waxey u wajahaan arrrintan si aad uga badan kuwa kale.
Sheybaarka Waxbarashada, oo ah mashruuc ka tirsan Seattle Times, waxaa loo dhisay inuu baaris ku sameeyo sida dhibaatooyinkaas u xooggan yihiin iyo inuu sameeyo war-tabin ku dhisan-marqaati xal u noqota sidii loo sixi lahaa dhibkaasi. Kuwan waa qaar ka mida qaabka nidaamsan ee waxbarashada dadweynaha u abuurto darbiyo ay adag tahay in ardada Madow ay ka gudbaan.
Aqoonyahannada
Fikirka ah in guushu asal ahaan ay ka timaado shaqo adag waxey ay meesha ka saareysaa dhibaatooyinka nidaamsan oo ay arday badan oo Madow ah wajahaan.
Kala sooc iyo eex ka horjeedda ardada Madowga waxey bilaabataa goor hore oo iskuulka ka hor ah. Dhowr daraasado ayaa arrintan dubka ka fiiqay, waxana ka mida tan ka soo bilaabatay sannadkii hore, oo cilmi-baarayaashu ku soo warrameen in barayaashii la weysiistay iney qiimeyn ku sameeyaan kartida aqooneed ee ardada, ay sheegeen in kuwa Madowga helaan darajooyin aad uga hooseeya kuwa asaaggood ee caddaanka ah. Eexdaa qarsoon oo kale waxey lahaan kartaa saameyn weyn: Macallimiintu waxa loo xilsaaray iney ardada usoo sharraxaan barnaamiyo ay hibo iyo hiwaayad u leeyihiin, tusaale ahaan, iney indhaha ka qarsadaan ardada Madow oo fahamkoodu aadka u sarreeya. Gudaha Seattle, kala qeybsanaanta Madowga-caddaanka ee barnaamijyadaasi waa mid ka mida kuwa ugu ballaaran dalka.
Ardada Madow waxey caadiyan helaan darajooyin hoose oo ku jeeda imtixaanaadka caadiga ah ee xisaabta iyo Ingiriiska marka loo eego kooxaha kale badankoodu, waxeyna sidoo kale ku tiro yar yihiin maaddooyinka sare.
Sideen halkan ku soo gaarnay:
- Farriimo xun iyo cunsuriyad bulsho oo ku saabsan kartida aqooneed iyo adkeysiga ee ardada Madow iyo sida hooseysa oo ay isu arkaan ayaa dhib ku keenta sida ay imtixaanaadka uga shaqeeyaan.
- Macallimiinta waxa laga yaabaa ineysan aqoosan kartida caruurta Madowga ah, sida ku fiicnaantooda sare ee sheegista sheekooyinka, taasi oo imtixaanaadka caadiga ah aaney wax ku cabbirin.
- Barnaamijyada lagu qiimeeyo hibada iyo mowhibada waxey si aannu isu dheelli-tirneyn uga tagaan ardada Madowga ah.
- Ardada Madowga ah waxey u badan tahay iney tagaan iskuulaad macallimiintoodu waayo aragnimadu ku yar tahay ama mushahar hoose la siiyo
Cimilada iskuulka sidoo kale waa muhiim: Haddii ardada Madowga ah ay dareemayaan ammaan iyo iney qeyb ka yihiin, ama ay ku leeyihiin iskuulka dad waaweyn oo ay ku kalsoon yihiin ama u muuqaal eg, waxey saameyn ku yeelan kartaa sida wanaagsan ee ay uga shaqeyn karaan waxyaabaha loo xil saaro sida imtixaanaadka caadiga ah; waxey u badan tahay iney isku qoraan fasallada sharafta leh, tusaale ahaan, haddii maaddooyinkaasi ay dhigayaan macallimiin Madow ah. Iskuullada Dadweynaha ee Seattle wuxuu sameeyey waax u xil saaran guuleysiga wiilasha Madow iyo kuwa dhowr iyo toban jirka ah, kuwaasi oo saraakiisha u arkaan “kuwo laga fogeeyey caddaaladadda waxbarasho.”
Ardada Madowga iyo Latinoska waxey sidoo kale u badan yihiin iney tagaan kuwa ku yaalla xaafadaha iskuullada dhaqaalahoodu hooseeyo, taasi oo si hoose ugu xiran guulo ay ka gaaraan dhinaca aqoonta, waxana qeyb ahaan ugu wacan ilaha dhaqaale oo ku yar.
Ardada Madow waxey u badan tahay ineysan helin macallin, la taliye ama maamule iyaga u eg muddada ay waxbarashada ku jiraan marka loo eego ardada kale ee caddaanka ah.
Sideebaan halkan ku soo gaarnay:
- Dhib soo laab-laabta: ardada Madow isuma arkaan in lagu matalo iskuullada sidaa darteed way ka fogaadaan xirfadda macallinimada
- Kharashka ku baxa jaamacadaha wuxuu ahaan karaa mid hor istaaga Madowga doonaya iney macallimiin noqdaan, kaasi oo is-diiwaan gelintooda hoos u dhiga.
- Imtixaanaadka barnaamijka diyaarinta macallinka waa kuwo qaali ah waxeyna huwanaan karaan dhaqamo eex ku saleysan.
Aadaabta
Siyaasadaha dulqaad la’aanta ah, sida waxbarasho ka joojin qasab ah ama xittaa eryid ku aaddan eedeymo aan ku lug laheyn rabshad ama daroogo, taasi oo sii xoojisa tuubada isku xirta iskuullada iyo xabsiyada. Siyaadaha noocaasi ah waxey si adag u beegsadaan ardada Madow: Tusaalse ahaan sannad dugsiyeedkii 2015 -16, ardada Madow ee guud ahaan dalka waxey tirada iskuullada ka noqdeen boqolkiiba 15 laakinse boqolkiiba 31 kuwaa loo gudbiyey booliska ama lagu xiray iskuulka dhexdiisa. Gudaha Iskuullada Dadweynaha ee Seattle sannadkii tagay, ardada Madow waxey ka ahaayeen kala bar kuwii booliska loo gudbiyey, laakinse boqolkiiba 14% oo kaliya kuwa iskuulaadka ka diiwaan gashan.
Caruurta Madowga ee da’da iskuulka ka hor tiro qiyaastii 3.6 jeer ugu yaraan tahay hal jeer ayey helaan eryid marka loo eego asaaggooda ciyaalka caddaanka ah.
Sideen halkan ku soo gaarnay:
- Eexda qarsoon ee ka dhex jirta macallimiinta ee aamisan in caruurta Madow yihiin kuwo dhib sameeya
- Dadka waaweyn oo caruurta Madow u arka iney ka daacadnimo daran yihiin caruurta kale ee caddaanka ah.
- Siyaasad dulqaad la’aan ah oo amarta ciqaab sharciyeed lagu beeqsado dhaqamo qaar oo ay ku jiraan gefaf yar-yar
Heerarka isu dheeli-tir la’aanta iyo ciqaabta xooggan ee edbinta waxey ka bilaabataa iskuulka ka hor waxeyna la sii soctaa sanadaha caruurta Madow waxbarashada ku gudo jiraan. Sanado yar ka hor, Sheybaarka Waxbarashada (Education Lab) wuxuu si hoose u eegay sida siyaasadahaasi door uga ciyaaraan dhammaan iskuullada ku baahsan deegaanka Puget Sound. Warbixintaasi waxey aheyd mid laga naxo. Laamaha edbinta way ku kala duwan yihiin, laakinse ardada Madowga waxaa loo edbinayey si aad uga sarreysa guud ahaan meel kasta.
Ardada Madow qiyaastii 5 jeer in ka badan ardada caddaanka ayaa lagu xareeyaa xabsiyada lagu xiro dhallinyarta sidoo kalena si aan isu dheelli-tirneyn ayaa loogu diraa maxkamaha dadka qaan-gaarka ah.
Sideebaan halkan ku soo gaarnay:
- Iskuulladu waxay si aan isu dheelli-tirneyn u hakiyaan una eryaan ardada Madowga
- Iskuulladu waxay si aan isu dheelli-tirneyn ardada madowga ah ugu yeeraan Police
- Xiriirka xun ee soo noq-noqda ee ka dhaxeeya macallimiinta iyo ardada Madowga waxa lagaa yaabaa inuu isu beddelo ciqaab
- Siyaasadda dulqaad la’aanta ah waxey ardada ku qasabtaa iney iskuulka ka tagaan maalmo ama xittaa toddobaadyo sannad kasta
Taxanaha wuxuu sidoo kale soo baaray sida wax lagu hagaajin karo, sida isticmaalka in gudaha iskuulka ardayga lagu eryo intii caruurta muddo dheer guriga loo diri lahaa, ama in caruurta iskuulka ka maagta ama ka dhuumata laga ilaaliyo maxkamadaha. Saraakiisha maxkamadda degmada King County waxey bilaabeen iney isticmaalaan soo celinta sharciga halkii dhaqankii gaboobay uu ka dacweyn jiray da’ yarta dambiyada gasha.
Waxbarashada Sare
Ardada Madow waxey wajahaan darbiyo aad u waaweyn oo ka hor istaaga iney isku qoraan jaamacadda iyo ugu dambeyn iney qaataan shahaaddo. Waxey arrintaa ka bilaabataa waxbarashadooda u dhaxeysa xanaanada caruurta ilaa iskuulka sare (K-12): Haddii iskuulku ku guul dareysto inuu u diyaariyo waqti hore, waxey u badan tahay iney la halgamaan sidii ay ku kasban lahaayeen dabeecad waxbarasho oo u horseedda iney hantaan shahaaddo. Ardada aadda iskuullada ku yaalla xaafadaha dadka dan yartu ku nooshahay waxa laga yaabaa ineysan helin darajooyinka imtixaanaadka caadiga ah ee looga baahan yahay gelitaanka jaamacadaha.
Isku qoritaanka jaamacadaha ee ardada Madow ee dalka Mareykanka waa mid sii kordheysa, laakinse weli way ka hooseysaa sida caadiga ah ee ka dhex jirta ardada caddaanka ah iyo kuwa kale ee dadka midabka ah.
Sideen halkan ku soo gaarnay:
- Iskuullada K-12 waxa laga yaabaa ineysan si hagaagsan ugu diyaarinin ardada Madowga ah aqoonta sare
- Sameynta siyaasadda, sida mamnuucidda falka saxsan (affirmative action), wuxuu dhaawacaa isku qoritaanka ardada Madow ee jaamacadaha afarta sano ah
- Caqabadaha dhaqaale, sida kharashka codsiga jaamacadaha iyo lacagta imtixaanaadaka, waxey saameysaa tirada la oggolaado iyo kartida ay u yeelan karaan iney helaan deeqaha waxbarasho
- Sharciyada midab-takoorka iyo ku dhaqankoodu waxey ka saareen jaamacadaha jiilal arday Madow ah, taasi oo ka dhigtay “dhaqanka jaamacadeed” mid ay ku yar yihiin qoysaska Madowga
Ardada Jaamacadaha ee Madowga ah waxey wajahaan caqabado durba marka ay is qoraan. Qaar ka mida iskuullada sida sare wax u soocda, waxey isticmaalaan darajooyin imtixaanno si ardada uga mid noqoto maaddooyinka sare, sida kuwaa lagu qaato qeybaha loo yaqaano STEM, taasi oo si nidaamsan arday badan oo Madow ah bannaanka ugu heysa. Qaar badan oo ka mida macaahidda caddaanka sidoo kale waxey leeyihiin taariikh iyo dhaqan dareensiiya ardada Madowga ah in aan la soo dhoweyn.
Ardada Madowga ah ee laga aqbalo jaamacadaha, weli waxa dhib weyn ku noqda iney dhameystaan shahaaddo jaamacadeed.
Sideen halkan ku soo gaarnay:
- Ardada Madowga waxey inta badan isku qoraan maaddooyinka horumarinta iyo, ama soo kabashada, kuwaasi oo dib uga rida assaaggood, maxaa yeelay waxbarashada nidaamka K-12 ayaa ugu wacan inuusan u diyaarinin jaamacad
- Qaar ka mida jaamacadaha waxey leeyihiin taariikh ama dhaqan sabab u noqon kara in ardada Madow dareemaan in aan la soo dhoweynin.
- Kharashka sareeya waxa laga yaabaa inuu ku keeno ardada Madow culeys dhaqaale, kuwaasi oo si aad uga badan ardada caddaanka ka taga waxbarashada culeyska deynta darteed
Ardada Madowga ah waxa dhici karta in laga reebo kooxaha isu baheysta iney wax isla bartaan, si aad ah u dareemaan midab-takoor ka jira xarumaha ama dhib weyn kala kulma iney xiriir fiican la sameeystaan macallimiinta kulliyadaha, in kastoo qaar ka mida jaamacadaha gobolka Washington yihiin kuwo ku dadaalaya iney isbeddel sameeyaan iyagoo abuuraya barnaamijyo sida Fakarka Walaaltinimada (Brotherhood Initiative) ee jaamacadda University of Washington.
Maqaaalka oo af Ingriis ah ka akhriso halkan https://www.seattletimes.com/education-lab/to-understand-structural-racism-look-to-our-schools/