Si loo bilaabo sannad dugsiyeed aan caadi aheyn, qaar ka mida waaxyada gobolka Washington waxey macallimiinta u oggolaadeen iney hoggaaminta qaataan
Waxaa qoray Dahlia Bazzaz iyo Manuel Villa
Waxaa tarjumay Mohamud Yussuf
Education Lab waa mashruuc Seattle Times oo diiradda saara ballanqaadyo wanaagsan oo wax looga qaban karo caqabadaha joogtada ah ee ka jira waxbarashada dadweynaha. Waxa soo saaristiisa wadajir loola kaashadaa Solutions Journalism Network waxana maal-geliya deeq ka timaada hey’adda Bill & Melinda Gates Foundation, Amazon iyo City University of Seattle. Wax badan ka ogow Ed Lab.
Tim Brittell waa macallin 63-jir ah kana badbaaday prostate cancer. Fikirka uu ka aaminsan yahay dib u furitaanka iskuullada: Ha la ciyaarin khatar.
Isagoo ah guddoomiyaha ururka macallimiinta Northshore, oo ah waaxdii ugu horreysay ee albaabada xirta si ay u yareyso fiditaanka karoona feyras, mid ka mida tallaabadii la qaadday waxey aheyd in saadaal laga qaado xaaladaha caafimaadka xubnaha khatarta u ah iyo da’dooda. Wuxuu doonayey inuu ogaado qofkee halista ugu weyn ku sugan.
Xiriirka u dhaxeeya ururrada iyo waaxaha iskuullada weji cusub ayuu yeeshay xilliga cudurka baahsan. Marka laga gudbo dhaqankii soo jireenka ee hore iyo gadaal ee saacadaha, mushaarka iyo baaxadda fasalka, Brittell iyo hoggamiyeyaasha ururrada kale waxey wajaheen baahiyo deg-deg ah: Waxey u baahdeen iney ka fakaraan bed-qabka saaxiibbadood iyo sidii ay uga ilaalin lahaayeen COVID-19. Ilaa xilligii guga, waxey isku dayayeen in ururkooda ka mid noqdo kuwa ugu muhimsan ee go’aamada soo saara oo ayan ku koobnaan oo kaliya dib u qaabeynta iskuulka, laakinse haddana ka taliya waqtiga iyo sida mar kale fasallada qof ahaan loogu kulmi lahaa.
Meelo badan, way ku guuleysanayaan. Iyadoo ay dhinac socoto tusaaleyn caafimaad, ka talo qaadashada ururrada macallimiinta oo tallaabo muhiim u ah goorta iyo sida waaxaha iskuullada dhab ahaan u bixin karaan mar kale fasalladii qof ahaan wax loogu baranayey, ayuu yiri Brad Marriano, oo barfasoor waxbarasho ka ah jaamacadda University of Nevada ee Las Vegas.
Gebi ahaanba gobolka xilligan deyrta iyo guga, boqollaal waaxood waxey ka wada xaajoodeen heshiisyo ku saabsan cudurkan baahsan. In yar waxey miiska wada-hadalka la yimaadeen codsi tiro aad u hooseysa ah — 1 ama 0 boqolkii kun 100,000 — oo ah inta aan qof ahaan dib loogu noqon iskuulka taasi oo ka duwan qaabka hadda caafimaadka gobolka u degsan, taasi oo qeyb ahaan ku talineysa waqti buuxa, oo waxbarasho qof ahaan ah marka tirada qaadista cudurka ay gaarto 25 kiis boqolkii-kunba 100,000. Sida arrintu hadda tahay, gorgortanku mararka qaar buuq ayaa ka dhasha. Qaar waxey ka wel-welaan in danta caruurta ay lumi karto.
“Wada hadalladaasi waa kuwo muhiim ah,” ayey Robin Lake, agaasimaha xarunta Dib-u-qaabeynta Waxbarashada Dadweynaha (Center for Reinventing Public Education), tiri aakhirkii bishii Julay. “Laakinse marka la eego qiimaha caruurtu ku bixin karaan eego dib u dhigista … waxa ka dhasha dhibaatooyin.”
In kastoo Northshore waqti hore gorgorton ka gashay arrimaha nabdoonaanta macallinka iyo si deg-deg ah, nidaamka iskuullada kale, sida Seattle, wada xaajoodku wuxuu qaatay dhowr bilood wuxuuna isu beddelay siyaasad, iyadoo ay jirtay sanado xiisad ah oo ka dhaxeeyey maamulka iyo macallimiinta oo soo karsamayey. Sare u kicii kiisaska karoona ee xilligii xagaaga, isbeddel talooyinka gobolka iyo khilaafaad hareeyey goorta iyo sida loo bixinayo adeegyo ku jeeda faah-faahinno asaasi u ah xilliga deyrta lama sii deynin ilaa daqiiqadihii ugu dambeeyey, taasi oo faamilladii uga tagtay meel mugdi ah, macallimiintiina jaha wareer ku abuurtay.
“Meelaha taariikh ahaan xiriirka u dhaxeeya madaxda iyo shaqaaluhu ay isaga wanaagsanaayeen, xiriirkaasi weli wuu hagaagsan yahay,” ayey tiri Marriano. “Laakinse meelaha kale sida Seattle, Oakland, Los Angeles — oo ay dhowaan isku dhacyo u dhaxeeyeen, sida shaqo joojin — waxey u wada shaqeeyaan si wax iska celin ah halkii ay ahaan lahaayeen qaab wada-shaqeyn ah. Haddana waxaad qaadaneysaa qorshe lagu deg-degay. Ma jeclid inaad aragto.” Bartamihii 2015, ururka Seattle Education Association wuxuu sameeyey shaqo ka fariisad — wuxuu handadaad ku bixiyey inuu shaqo joojinta sii wadi doono sannadaha xiga.
Barayaasha — macallimiinta iyo kalkaaliyaasha wabarista — waxay gaarayaan qiyaas boqolkiiba 63% ee shaqaalaha iskuullada gobolka Washington oo dhan 153,000 shaqaale, sida laga soo xigtay lafa-gur ay sameysay Seattle Times. Ku dhowaad boqolkii 5% waa 65 jir iyo ka weyn, kuwaasi oo ah da’da ugu badan ee halista u ah xanuunada ka dhalan kara karoona fayras (coronavirus). Qiyaas boqolkii 40% waxey kor u dhaafeen 50. Haddii la is barbar dhigo, tiradaasi waxey ku dhowaaneysaa boqolkii 50% oo ka mida kalkaaliyeyaasha caafimaadka, oo kaalin muhiim ah ka ciyaara baaritaannada caafimaadka, iyo boqolkii 73% oo ah shaqaalaha ku shaqeeya mashiinnada, sida basaska iskuullada.
Brittell wuxuu ilaa bilowgii qeyb ka ahaa qorshaha cudurka baahsan — iyo sidoo kale warbixinnadii laga diyaariyey caafimaadka saaxiibadii.
“Diidmo intee la eg ayaad u maleyneysaa inaannu kala kulannay saraakiisha dowladda oo ah inaan albaabada u laabi doonno? Haddaba albaabadii ayaanu u laabnay,” ayey tiri Brittell oo ka hadashay xiritaankii ugu horreeyey ee Northshore. “Hey’adda CDC waxey noo sheegtay ineynaan welwelin inkastoo ay baabuurtu gurayeen dadka cudurka qaba (infected people) oo dharka difaaca gashan.”
Horraantii bishii February, isaga iyo maamulaha, Michelle Reid, waxey sameeyey ballan-qaad maalin kasta ay iskula xiriirayaan telefoonka kagana hadlayaan feyriska. Hadalkeedii bishii Maarso 4-dii ee go’aanka xiritaanka waxa ka mida ahaa macluumaad ka timid saadaal qeyb ka ah Brittell.
“Caruurta looma aamisana in cudurkani khatar halis kaga iman karto. Laakine waa lagama maarmaan ineynu maskaxda ku heyno dadka khatarta weyn uu ka soo gaari karo,” ayuu Reid ku qoray warqad loo diray qoysaska. “Tirada macquulka ah oo laga qiyaasay kuwaa 60 iyo wixii ka sareeya kaliya waa … boqolkii 16% in ka badan shaqaalaha.”
Doorar xooggan
Ururrada shaqaalaha, gaar ahaan kuwooda ugu waaweyn waaxyada gobolka, waxey mar kasta ahaayeen kuwo door culus ciyaara. Waxey si guul ah ugu dagaalameen kororsiimo tiro labo-laab ah waxeyna sare u qaadeen halganka sinnaanta midabka iyo caddaaladda bulshada. Waxey sidoo kale ku ballaariyeen muggooda meelaha qaar, iyagoo qariyey shaqaalaha iskuulaad kale sida shaqaalaha xafiisyada wejiga hore jooga, iyagoo siinaya awood dheeraad ah oo ay ku gorgortamaan.
Heer gobol ahaan, xiriirka Washington Education Association — oo kor ka maamusha boqolkiiba 96% heshiisyada ururka macallimiinta — oo ka ololeysa Sharci-dejinta. Waxey leedahay mid ka mida guddiyada fulinta siyaasadeed.
Cudurkan baahsan wuxuu soo muuqday waqti aan ka fogeyn shaqo-ka-fariisadkii macallimiinta ee guud ahaan dalka iyo iyadoo cadaadis dheeraad ah lagu hayey ururrada si ay u caddeeyaan iney qiime ugu fadhiyaan xubnahooda: Go’aankii 2018 ee Maxkamadda Sare ee Dalka Mareykanka ee Janus vs. AFSCME (American Federation of State, County and Municipal Employees) wuxuu ku baaqay sharciyo ku waajibinaya shaqaalaha hey’adaha dadweynaha u shaqeeya iney kharash ku siiyaan ururradooda ku matala gor-gortannada. Taasi waxey horseedday mowjado badan oo uu halgan siyaasadeed iyo, gaar ahaan waaxyada ka jira magaalooyinka waaweyn, in liiska fidsan oo waxyaabaha mudan in laga hadlo lagu daro dalabaadka caddaalad bulsho sida difaacidda ardada aan waqaaqaha sharciga heysan, ayey tiri Marriano.
Xilliga xagaagan, marka laga gudbo tixgelinta caafimaadka iyo nabadoonaanta, ururrada macallimiinta waxey dib isaga riixeen in loo arko sida kuwo bixiya adeeg caruur ilaalin, waxeyna codsadeen in online lagu siiyo tababaro waxbarasho oo dheeraad ah, qalab kombiyuutar oo xubnaha shaqaalaha iyo fasax furan oo xanuunka ah. Waxey ka dalbadeen waaxyada iney soo gudbiyaan warbixinno ku aaddan nidaamyada HVAC. Waxey ku xireen dalabaadkii ka horreeyey cudurka baahsan — tababaro teknoolojiyada, waxbaris ku saleysan dhaqamada, kalkaaliye iyo la taliyeyaal badan — ku saleysan xiqiiqda cusub.
“Masuuliyiintu dibadda uma soo baxaan si ay inoo helaan, haddana ma fahamsana waxyaabaha qaar ee ka dhaca fasallada,” ayey tiri Ergun, oo ah madaxweynaha Xiriirka Tacoma Education Association. “Waxey u maleeyaan fasal inuu yahay sida midka aad ka daawato telefishin — 25 caruur ah oo ag fadhida miisaskooda. Laakinse ma jirto qiyaas u gaar ah fasal.”
Waaxyaha sida Seattle, iska hor imaadka shaqaalaha durba wuxuu bilowday markii dhismayaashii la xiray sabab la xiriirta cudurka baahsan, kaasi oo hakad geliyey waxbarashadii online iyo xanaanada caruurta. Macallimiintu waxey sheegeen iney dareemeen diyaar-garow la’aan iyo inaan la dhageysan.
Bishii July, ka dib markii saraakiisha maamulka Trump ugu horreyn isku dayeen iney waaxyada iskuullada ku qasbaan iney dib u furaan, ururku wuxuu ku tilmaamay qorshaha waaxda ee dib u furista iskuullada qaab ama moodo gacan ku rimis ah “qar iska tuur.” Dib ayey — si guul ah — ugu celisay qorshayaashaasi oo ka hor dhacayey digniino ka horjeeday dib u furista qof ahaaneed oo ka imanayey saraakiisha hey’adda caafimaadka King County. Labada qeybood waxey ku isku raaceen heshiis dhamaadkii Agos kaasi oo sharciyeynayey ku lug lahaanshaha xubnaha ugu yaraan labo qof ku lahaadaan guddi talo siinaya maamulaha oo ku saabsan dib u furista.
Inta badan xiisaddii xilliga xagaaga ee ku hareereysneyd nooca hal-beegga la isticmaalayo inta aan lagu fakarin dib u furista, iyo sida loo bixin karo adeegyo qof ahaaneed oo ku jeeda waxbarasho gaar ah.
“Inta heshiisku uusan kala caddeyn, gaar ahaan tan ku saabsan dib u furista qof ahaaneed, wada hadalku wuu sii dheeraan doonaa,” ayey tiri Julie Popper, oo ah qofka u hadla WEA.
Qaar ka mida heshiisyada lagu gaaray waaxyada deegaanka Puget Sound waxey qaaxayaan tallaabooyin dib u furista ku jeedda oo ku bilaaban doonta qeybaha ardada baahida sare qaba, sida kuwa barta English-ka. Qeybo badan oo heshiisyadaa ah, oo ku baaqaya waxbaraho kulligeed meel fog ah ee xilligan deyrta, ardada baahiyaha gaarka qaba waxa loo arki doonaaa si qof qof ah hadba sida xaalku yahay. Magaalada Seattle, heshiisku wuxuu ku baaqayaa in kalkaaliye caafimaad ay goob joog ahaato marka qiimeyn lagu sameynayo ardada wax ka dhiman yihiin.
Urur kasta ma laheyn saameyn isku mida.
Degaanka Moses Lake, oo ka mida waaxyada iskuullada ugu ballaaran waxey qorsheyneysaa iney bixiso kala doorasho waxbarasho isku dhaf ah, go’aan gaaristaasi oo loo daayey Guddiga Iskuulka iyo maamulaha.
Ujeedada ururku ee arrintani wuxuu ahaa in la hubiyo in doorasho walba sida ugu wanaagsan bed-qab u tahay, ayey tiri Jay Mather, guddoomiyaha ururka Moses Lake. Laakinse wuxuu qirtay in go’aanka waaxdu yahay mid wel-wel leh. “Tirada naloo xadiday Grant County 100,000 waa mid aad u sarreysa,” ayuu yiri. “Waxanu jecel nahay inaannu awoodi doono inaan sii wadno joogteyntaasi, iyo ineynaan dib ugu noqon qaab boqolkiiba 100% ku dhisan foqaan.”
Northshore waxey qeyb ka aheyd siyaasadahaa muranka badan. Brittell, oo kursiga ku fadhiyey 16-kii sano ee ugu dambeeyey — oo weli “timo lahaa” markuu xilka qabanayey — wuu la socdaa inuu boos dhif ah joogo. Wuxuu xiriir dhow la leeyahay Reid, oo ah maamulaha. Sida waaxyada kale’ ka hadalka kontoraadda waxey jiitameysay bilooyin, Northshore waxey soo gebo-gabeysay gor-gortankeedii laba toddobaad ka dib aakhirkii bishii Julay.
“Innaga (urur ahaan) ma aynaan qabin hal shey oo muhiim oon isku qilaafsaneyn,” ayuu yiri. “Macallimiinta waxa ay heerka ugu sarreeya kaga jireen qaabeynta sannad-dugsiyeedka.”
Waa muhiim in waaxyadu ka qeyb geliyaan macallimiinta gaaritaanka go’aannada, ayey tiri Marriano, ayna ka mid ahaadaan saamiley ballaaran oo kala duwan.
“Waan ineynu ka taxaddarnaa inaan dabada ka riixno waxan soconeynin. Macallimiintu waxey yara lumiyeen taageeradii ay ka helayeen waalidiinta bilowgii cudurkan baahsan. Laakinse inta uu sii jiitamo cudurka, taageero laga helo waalidiinta way sii daciifeysaa,” ayey tiri. “Waxa jiri doona cadaadis xooggan oo ah inaan lagu dhegganaan codsiyada ururka oon dhiiri-gelineynin in si nabad ah loogu noqdo iskuulka.” Meelaha qaar oo ka baxsan gobolka Washington, ayey tiri Marriano, waalidiintu waxey sameysanayaan “ururro” u gaar si ay isugu dayaan iney kordhiyaan awooddooda ku aaddan go’aan gaarista.
Ka soo bilaabidda meel cidlo ah
Faah-faahinno badan oo daqiiqadihii ugu dambeeyey laga soo saaray iskuullada Seattle, macallimiintu waxey sheegayaan iney dareemayaan sida iney yihiin sannadkii ugu horreeyey oo ay wax dhigaan. Waxey is joogto u weydiisanayaan waaxyaha iskuullada iney ka dareenka macallimiin deg-deg uga jawaabaan.
Heather Cline, oo ah macallin ka tirsan dugsiga sare ee Seattle Public Schools una shaqeyn jirtay Northshore, waxey dareentay farqiqa.
“Waxey ku dhisneyd iskaashi,” ayey ka tiri xiriirkii ay la laheyd macallimiintii Northshore. “Waxey rabeen oo qiimeyn jireen ra’yiga macallimiinta. Si dhaqsi ahna u dhaqaajin jireen. Waxan arkay qoraalkii Dr. Reid ee ku saabsanaa xiritaanka iskuullada, oo lagu xusay” saadaasha siyaasadeed ee Brittell’s poll.
Xaalka sidaa uma aha SPS, ayey tiri Cline.
Waxey farta ku fiiqday adeegsiga joogta ah Microsoft Teams ee waaxda halkii tusaale ahaan Zoom laga isticmaali lahaa taasi oo muujineysa isku xirnaan la’aanta maamulka iyo shaqaalaha. Laga soo bilaabo xilligii guga macallimiin badan waxey ka cabanayeen in Teams yahay mid googo’a oo dhibkiisu badan yahay in la iscticmaalo, laakinse waaxda waxey ku amartay iney isticmaalaan halkii ay beddilkiisu Zoom ka isticmaali lahaayeen, taasi oo sababtay in qaar ka mida macallimiinta sidii ay doonaan u dhaqmaan.
Jimcihii, oo aheyd maalintii ugu horreysay ee iskuullada Seattle, arrin la xiriirta internet ayaa faamillo badan ka xirtay madashii waxbarashada. Qaar kale, si xooggan ayey maalintu uga qasaartay.
Af-hayeenka SPS Tim Robinson wuxuu sheegay in waaxdu isticmaaleyso Teams maadaama amaankeedu sugan yahay. Waxey dhowaan ku soo kordhisay madasha qolal lagu kala fududaado, kaasi oo ka mida waxyaabaha Zoom ay ku jeclaadeen macallimiinta. Waaxdu waxa laga yaabaa iney macallimiinta u oggolaato isticmaalka madasha Teams beddelkiisa, ayey intaa ku dartay, haddii ay jirto wax ka maqan oo ardaygu u baahan yahay.
“Macallimiintu waxa la weydiistay iney maskaxdooda ka shaqeysiiyaan oo la yimaadaan hab ay wax ku barin karaan online iyagoo dhaqaaqaya,” ayey tiri Cline, oo Talaadadii sheegtay ineysan heysan walxaha asaasiga u ah iney dhigto fasalkeeda dugsiga sare ee Spanish-ka. “Waxan is weydiiyaa — sow ma aheyn iney na siiyaan sanduuqa qalabka lagu guro oo haddana ay ka buuxaan qalabka ugu badan ee suurto gal ah oo wax lagu bari karo?”