Isu Soo Taag/Isu Sharrax Degmadaada

0
1136


Barnaamijka Foojarka Dimuqraadiyadda Hadda Waxa uu u furan yahay musharixiinta 2021

Seattle (Luulyo 1, 2020) billoowga Luulyo 1, Barnaamijka Foojarka ama jeeggaga diimoqraadiyadda ee Magaalada Seattle (Democracy Voucher Program) waxa uu u furan yahay musharixiinta daneynaya inay isticmaalaan Foojarada Dimuqraadiyada si ay olalahooda doorashada 2021 ee Magaalada Seattle ay oga caawiso.

Sanadka 2021, Meeyarka, qareenka Magaalada, guddiga magaalada ee 8aad iyo 9aad waxay ka qayb galayaan codbixinta waxayna u qalmi doonaan guddoon dhaqaale. Barnaamijka Foojarada Dimoqraadiyadda waxa uu musharaxiinta deegaanka siinayaa $6.8 malyan si ay ugu kharash gareeyaan olalahooda doorasho. Dadka deggan Seattle ee raba inay u tartamaan xafiiska waxay billaabi karaan balanqaadis iyo iney u qalmi karaan barnaamijka.

Ka qeyb qaadashada ama ka qeyb galka tartan siyaasadeed waxay noqon kartaa qaali sidoo kale helida dhaqaale waxay caqabad ku noqon kartaa musharixiinta ka qaybgali lahaa. Xog arurin madaxa banaan oo ay qabatay shirkadda BERK Consulting, afartan iyo shan boqolkiiba 45% musharixiinta koowaad ee sanadka 2019 ayaa sheegay inaysan u tartameen xaafiiska haddii uusan jirin Barnaamijka Foojarka ee Dimuqraadiyada.

Maamulaha fulinta Wayne Barnett waxa uu yidhi, “mid ka mid ah hadafyada Barnaamijka Foojarada Dimuqraadiga ah (Democracy Voucher Program) waa in la kordhiyo tirada mushariinta iyaddoo la abuuraayo isha cusub ee maalgelinta. Barnaamijka Foojarada Dimuqraadiga waxa uu musharaxiinta siiyaa kartida si loo maalgeliyo ololahooda iyadoo laga guddoomayo foojaro ugu yaraan qof kasta oo deggan Seattle.”

Seattle Ethics and Elections Commission (Guddiga Doorashooyinka iyo Anshaxa ee Seattle) waxa uu musharixiinta siinayaa tababar shaqsi-shaqsi ah. Musharixiinta xiisaynaysa waa inay la xidhiidhaan barnaamijka Foojarada Dimoqraadiga ah (Democracy Voucher program) ayagoo kala xariiraaya (206) 727-8855 ama iimayl u diraaya democracyvoucher@seattle.gov.

Booqo seattle.gov/democracyvoucher si aad ogala socotid ilaha musharaxa iyo wixii macluuumaad dheeraad ah.