Seattle Waxey Dadka ku Dhiirri-gelineysaa Iney u Diyaar-garoobaan Dabeylo Jiilaal Halis Ah

0
589

Buugyaraha Cimilada Jiilaalka ee la cusbooneysiiyey wuxuu bixiyaa macluumaad ku saabsan waddooyinka  barafka wuxuuna bixiyaa talooyin diyaargarow

SEATTLE (Diseembar ##, 2020) – The Seattle Department of Transportation (SDOT) ayaa soo saartay macluumaad ka caawinaya dadka deegaanka inay u diyaar garoobaan xaaladaha cimilada xilliga jilaalka. Booqo bogga Ka jawaab celinta Cimilada Jiilaal iyo Buug-yaraha Cimilada Jiilaal wixii macluumaad dheeraad ah. www.seattle.gov/transportation/winter-weather 

Inta lagu jiro duufaan daran, shaqaalahayadu waxay shaqeeyaan 24/7 si loo nadiifiyo jidadka ugu muhiimsan magaalada basaska iyo adeegyada gurmadka. Meel walba ma joogi karno hal mar, waxaana laga yaabaa inay nagu qaadato 12 saacadood si aan u nadiifino waddooyinkan oo dhan ka dib qaaditaanka duufaanka. 

Khariidad ka mid ah jidadka barafka waxaa laga heli karaa buug-yaraha cimilada xilliga qaboobaha, oo ay la socdaan lambarro taleefan oo muhiim ah iyo websaydhada loo adeegsado duufaanta xilliga jilaalka. Inta lagu jiro duufaanta, waxaad sidoo kale u isticmaali kartaa khariidadan khadka tooska ah si aad u aragto warar toos ah oo ku saabsan waddooyinka aan xaaqnay. 

Waxaan hubinay in West Seattle Bridge waddooyinka leexashada ay dhammaan barafka daadsanyahay hadda.

Waatan sida aad uga caawin karto dadka iyo badeecada inay socdaan inta lagu jiro waqtigan adag:

Qorshee oo ka filo taraafikada waddooyinka leexashada. 

Sii naftaada waqti dheeri ah si aad u gaarto meesha aad u socoto. 

Isku day qaab cusub oo gaadiid sida socodka, baaskiil wadista, ama raacida baska. Iska ilaali inaad kaligaa gaari wadatid, haddii ay suurogal tahay. 

Dulqaad u yeelo oo u naxariiso dadka kula safraya ee tixgeliya deriska ku nool waddooyinka aad isticmaali doontid

Waxaan sidoo kale hubinay dhamaangoobaha baaritaanka COVID-19 tay ku jiraan Qorshaha Cimilada Jiilaalka. Maaddaama boggag badan lagu daro oo haddii goobaha is beddelaan, waanu u hagaajin doonnaa si ku habboon. 

Qof kastaa wuxuu mas’uul ka yahay inuu majarafad mariyo laamiyada hareerahooda iyo guryahooda inta lagu jiro iyo ka dib duufaanka barafka. Nadiifinta jidadkan ma ahan kaliya sharciga, sidoo kale waa waxa saxda ah in la sameeyo si qof walba uu si nabad ah ugu safro inta lagu jiro duufaanta barafka, gaar ahaan dadka indhoolayaasha ah, naafada ah, ama ay ku adag tahay inay ku wareegaan. 

 Sida laysugu diyaariyo

Sii adeego ka hor intuusan duufaanka ku dhufan.  Waxaad u baahan doontaa badiilka barafka, boorso cusbada wadada ah, dhar diirran, busteyaal dheeri ah, tooshash, xirmooyinka gargaarka degdegga ah, iyo raashin saddex maalmood ah, biyo, iyo daawo loogu talagalay qoyska oo dhan. 

Kahor inta aysan barafoobin, ku firdhi cusbada fadhida (ama shay kale oo deegaanka u wanaagsan) si aad uga hortagto in barafku samaysmo. 

Marka uu bilawdo barafku, badeelka ku nadiifi hareeraha wadada 12-kii saacadood kasta ka hor intuusan xanfafku isu rogin baraf. Haddii aad awoodo, noqo deris wanaagsan oo ka caawi sidii aad u nadiifin lahayd wixii daadad duufaan ah iyo dariiqyada geeska ah ee xaafadaada ama gacan u fidiso deris kasta oo u baahan kara.


Macluumaad dheeraad ah iyo nuqulo daabacan oo ku saabsan buug-yaraheena Cimilada Jiilaal, booqo: www.seattle.gov/transportation/winter-weather

Seattle Department of Transportation    

 Ethan Bergerson,  sdot.media@seattle.gov