Sidee Waaxyada Iskuullada Washington U Guuleysanayaan una Halgamayaan Muddadii Coronavirus uu Albaabada u Laabay

    0
    2181

    Qore Dahlia Bazzaz, Seattle Times

    Tarjume Mohamud Yussuf, Runta News

    Muddo saacad iyo bar ah maalmaha Arbacada, Dugsiga Bartmaha Franklin ee Waaxda Iskuullada deegaanka Yakima wuxuu isu beddelaa saf laga qaato rooti.

    Lix saf oo baabuur ah ayaa ka abuurma halka baabuurta la dhigto ee iskuulku leeyahay, ayey yiraahdeen maamulaha, Sherry Anderson, iyo sarkaal boolis ah oo gacan ka geysta hagidda baabuurta. Gaari kasta waxa ka buuxa caruur iyo waalidiin sugaya iney helaan raashin ku filan toddobaad, taasi oo quutal daruuri u ah xilli cudur baahsan uu dhibaato u geystay bulshadii warshadaha iyo beeraleyda ee ku nool Dooxada Yakima Valley ee gobolka Washington.

    Franklin Middle waa mid ka mida toddoba meelood oo adeegyadan siiya 16,400-arday oo ka tirsan waaxda waxbarashada. Yakima waxey qeybisay cunno aad uga badan deegaanno ka tiro iyo baaxad weyn, sida laga soo xigtay saadaal maamulka gobolka ku sameeyey qiyaas 300 iskuul xilligii ay xirnaayeen.

    Saadaalinta toddobaadka weekly survey, ee weydiisa inta cunto, xanaano caruur, waxbarashada fog and aflaxaadda, waxey tahay dariishad yar oo laga dheehan karo habka Yakima iyo waaxyada iskuullada kale u guuleysanayaan ulana halgamayaan muddadii 6da toddobaad ee iskuulladu xirnaayeen. Muddadii Xafiiska Waxbarista Dadweynaha abuuray saadaalinta ee bishii Maarso, in u dhaxeysa 69% ilaa 83% oo waaxaha ka mida ayaa ka soo jawaabay toddobaad xadidan. Qaadista saadaalinta waa mid ka mida habka kaliya ee xukuumadda gobolka Washington kula xisaabtanto imika waaxyada iskuullada, haddana ma jirto tallaabo ka qaadis ku aaddan ka qeyb qaadasho la’aanteeda.

    Qaar ka mida jawaabaha way ka da’ weyn yihiin qaarka kale maxaa yeelay gobolku ma weydiiyo sida adeegyadu u socdaan toddobaad kasta. Wargeyska Seattle Times wuxuu la socodsiin doonaa akhristayaasha isbeddelka ku saabsan macluumaadka bishiiba mar. Su’aaluhu waxey isu rog rogaan sida gobolku diiradda dib ugu saaro mudnaanta iskuullada xiritaankooda.

    Marka hore, tirada waxey muujisay natiijooyin isku qasan oo ku aaddan bixinta adeegga xanaanada caruurta iyo raashinka; imika si la mida waxa wax laga dhihi karaa waxbarashada fog iyo aaladaha iskuulladu bixin karaan si ay howl fududeynta gacan uga geystaan.

    Maxey macluumaadku noo tilmaamayaan 

    Marka loo eego adeegyada kale, marxaladda looga gudbayo qadada iyo quraacda iskuulka adeeg bixinta waddada dhinaceeda lagu bixiyo wuxuu yahay mid sahlan. Waaxyo badan waxey weli la halgamayaan xannaano caruur iyo Wi-Fi. Taasi waxa laga yaabaa iney tahay sababta waaxyada iskuullada inta badan wax uga yiraahdeen waxbarashada fog. Fasallada Google waa kuwo aad looga door biday masraxyada waxbarashada ee onleenka.

    Teknoologiga

    Su’aalihii ugu dambeeyey ee gobolku ku saa’idiyey saadaalinta, bartimihii Abriil, waxey wax ka weydiiyeen sida waaxyaha looga heli karo internet iyo teknooloogiyad, taasi oo ah dareen la qabo iyadoo nidaamyo badan u wareejinayaan waxbaristooda dhinaca onleenka. Ka dib markii qeybta waxbarashada gobolku ay ku dhawaaqday waxbarista khasabka ah xilligii xiritaanka ee dhamaadkii Maarso, waaxyihii aan durba qalab siinin ardadooda waxey ku deg-degeen iney sameeyaan.

    Hal su’aal ah oo ku saabsan helitaanka kombiyuutarrada, oo la weydiiyey muddadii u dhaxeysay, Abriil 12 ilaa 18, rubuc ka mida 240 ee waaxyihii soo jawaabay waxey qiyaaseen in ka yar kala bar ardadooda ka mida ay guriga ku heysteen combiyuutarka miiska ama midka dhabta la saarto. Su’aal kale oo ku saabsan tableetka, 90 ka mida 214 xaafadihii soo jawaabay waxey qiyaaseen in ka yar 50% oo ardadooda ah iney guriga ku heysteen telefoon internet leh ama taablet.

    Laakinse qalabku wax ma taro haddaanu internet la socon, waxeyna xaafaduhu u qaateen qeybta su’aasha-furan ee saadaasha in wax laga weydiiyo sida helitaanka adeegga internetka baahsan, ama sida ay gacmaha ugu dhigi lahaayeen goobaha shabaddu ku xooggan tahay, kuwaasi oo helitaankoodu kooban yahay.

    In ka badan kala bar waaxyada waxey sheegeen iney heystaan goobo Wi-Fi ku xooggan halkaasi oo ardadu ka heli karto masaafo la hubo, sida baraha baabuurta la dhigto. Waxa uu gobolku dhowaan bilaabay barnaamij si uu gacan uga geysto inuu furo meelo badan oo kuwaa la mida, ayna ku jiraan maktabadaha dadweynaha.  

    Adeegga raashinka  

    Nasiib ay u helaan in ay hore u guddoomeen xamuullo cunta ah oo u socota aradada ka hor xiritaanka iskuullada, in ku dhow dhammaan waaxyaha waxey awoodeen iney raashin bixiyaan, ayey tiri Katy Payne, oo ah af-hayeenka OSPI.

    Qaar kalena, oo ay ku jirto Yakima, waxey kor u qaadeen dalaboodkoodii oo ay raashin ka iibsanayaan kuwa cuntada ka ganacsada si ay baahida ardada u haqab tiraan.

    “Way dhaanteynayaan,” ayey tiri Payne.

    Waxey dugsiga dhexe ee Franklin u aheyd tallaabo waxbarasho, kaasi oo ardadiisu wax yar ka badan yihiin 700 oo arday, kuwaasi oo 82% ka mida ay u qalmaan raashin lacag la’aan ah ama qado qiime jaban, sida ku cad cabbiraadda lagu qiyaasto xaaladda faqriga heysta caruurta. Markii ugu horreysay ee la xiray dhismahayaasha ka dib amarkii Guddoomiye Jay Inslee ku faray in lagu xiro iskuulaadka muddo 6 toddobaad ka hor, dalabka rabitaanka aad buu kor ugu kacay waxana naga dhamaaday raashinkii, ayey tiri Anderson.

    Iskuulladu waxa imika bixiyaan 8,500 raashin toddobaadkiiba, iyagoo si deg-deg ah u ballaarinaya la xiririrka bulshada.

    “waa dabaaldeggooda bulsho ee toddobaadka,” ayey tiri Anderson. “Imika waxey caruurta ay bilaabayaan iney keenaan xayawaankooda rabaayadda ah si ay noo tusiyaan.” 

    Trevor Greene, madaxa qeybta Yakima, waxey qiyaaseysaa in waaxdu ku kharash gareysto cuntada in ka badan $33,000 adeegga cuntada.

    Xannaanada caruurta

    1,826 caruurood oo kaliya ayaa lagu ilaaliyey ama lagu hayey 95 waaxood toddobaadkii ugu dambeeyey ee bisha Abriil. Payne, oo diyaariyey qoraalladii ugu horreeyey ee saadaalinta, wuxuu filanayey tiro intaa ka sarreysa, marka loo fiiriyo firaaqada fasallada ka dib markii iskuulladii la xiray.

    Laakinse arrimaha la xiriira shaqada iyo abaabulka sida kuwii lagala kulmay Seattle — ka dib markii ururrada shaqaalaha ay joojiyeen in macallimiinta lagu soo rogo iney ka adeegaan xarumaha caruurta lagu ilaaliyo — taasi waxey ka hor istaagtay waaxyaha iney u adeegaan caruur badan, ayey tiri Payne.

    “Waan ogahay iney jireen xaalado la xiriira shaqaaleynta, ama in la isticmaalo xarumaha, ama ineysan jirin qalabka la isku difaaco,” ayey tiri. “Qeyb weyn oo ka mida xoogaggeena barayaasha iyo dhaqaalaheena, iyo shaqaalaha iskuulka inaad ka codsan laheyd iney ka adeegaan xarumaha xannaanada caruurta, kuwaasi qaar badan oo ka mida ku jiraan qeybaha ugu sarreeya ee halista u ah cudurka.”

    In ka badan 100 waaxood, oo ah seddex meel dhammaan nidaamka iskuullada ee gobolka, waxey sheegeen ineysan bixinin xannaano caruur horraantii bishii May.

    Maxeysan warbixinta inoo sheegin  

    Saadaasha ma aysan weydiin waaxyaha iney ka warbixiyaan immisa arday ayey kula xiriireen waxbarista madasha onleenka, ama mid ka mida hababka waxbarista fog. Sidoo kale ma jirto xisaab laga hayo waxyaabihii ugu dambeeyey ama wax kasta, iyadoo saadaashu aaney weydiinin muwduuc kasta ee toddobaad kasta.

    Haddana sidoo kale, in laga jawaabo su’aa’ kasta qasab ma aheyn. Iskuullada Dadweyanaha ee Seattle, oo ah waaxda ugu weyn gobolka, kama aysan jawaabin su’aasha teknoologiga ee la soo bandhigay bishii hore. (Laga soo bilaabo toddobaadkii ugu dambeeyey, waaxda weli uma xil saarin xisaab celin miisaankeedu ballaaran yahay oo ku saabsan intee qoys ayan fursad u heysan internet ama kombiyuutar)

    Sidoo kale nooma sheegeyso immisa lacag ayey adeegyadaasu ku fadhiyaan, iyo sidee waaxyuhu ay ku bixin karaan. OSPI waxey qorsheyneysaa iney warbixinnadaas weydiiso, oo ka gooni ah saadaasha bisha Juun.

    Maxey muhiim u tahay 

    Iyadoo xaaladdu isa soo tareyso, tiradu waxey ka caawineysaa kuwa siyaasadda dejiya iyo dadweynaha iney la socdaan waxa waaxyuhu ku howlan yihiiin muddada xarumahoodu xiran yihiin. Waqtiga hadda la joogo, madaxdu waxey qoondeeyeen cabiraado kale oo lagu qiyaaso horumarka iyo waxbarashada loogu siman yahay, sida ka soo qeyb galka, natiijooyinka imtixaanaadka, iyo qeybta weyn, darajooyinka.

    Sida iskuulladu imika u bixiyaan adeegyada waxa laga yaabaa iney isbeddel waara ku sameeyaan iskuullada. Ugu yaraan, waa sida maamulaha Yakima, Greene, u fakarayo.

    “Waxey nagu qasbeysaa inaannu u dabacsanaanno lana qabsano,” ayuu yiri Greene, oo ku guda jira sannadkiisii ugu horreeyey ee uu hoggaaminayo waaxda.

    “Waxan tani la bar-bar dhigayey shaabadda maqaarka ah. Waxan dareemayaa inaannu si aad ah isu fidinnay, iyo in caqabaduhu saamixi doonin in dib loogu noqonno qaabkii wax ahaan jireen, balse dhexda la dhuuqsan doono.”

    Shaqaale horumariya isla fal-galka Lauren Flannery, ayaa gacan ka geysatay warbixintan.

    Baraha bulshada: Macluumaad guud ahaan gobolka waxey muujineysaa nooca adeegyada waaxyada Washington ay yihiin — iyo kuwa aan aheyn — ay siiyaan ardadooda. Cunto? Haa. Xannaano Caruur? Maya in badan

     

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here