Ciyaartoygii ugu Qaalisanaa ee Kubadda Koleyga Soomaaliya

0
964

Inkastoo Shiikha ka soo tagay waddan burburay, haddana niyaddiisa weligeed ma jabin sida dad badan ku dhacday. Wuxuu weligii isku hayey ciyaartoydii Soomaaliyeed ee dibadda ay soo wada aadeen. Kama quusan in Soomaaliya yeelan karto dad isaga iyo saaxiibbadii Abuukar Shiino, Baa Rajab, Cabdi Xalwo, Axmed Daahir iyo kuwo kaloo fara badan oo la mida. Shiikha iyo kubadda koleyga Soomaaliya waa mataano. Haddii mid la soo magac qaado, kan kale carrabkaa soo dafa. Weligii kama harin ciyaartoyda xulka qaranka Soomaaliyeed ee Africa iyo Carab laga aqoosanaa. Dadka waxa ay ku raaxeysan jireen sida kartida leh ee uu kubadda gacantiisa ugu maamuli jiray. Dadku ma jeclaan jirin in la nasiyo, isaguna wuxuu ku dadaali jiray inuu qaddariyo dadweynaha isaga dartii garoonka u soo buuxin dhaafin jiray. Maanta Soomaaliya waxa u baxay iftiin. Shiikha ayaa dalka ku noq-noqda isagoo waqtigiisa qaaliga ugu taburracaya walaalihiisa da’da yar ee Soomaaliyeed.

Dadaalka iyo go’aanka geesinimada ah ee uu yeeshay darteed, waxannu ku maamuuseynaa Macallin Shiikha inuu yahay qofka ugu mudan ee aannu u garannay inuu noqdo QOFKA SANADKA 2013. Waxannu si kal iyo laab ah ugu hambalyeyneynaa inuu dalkii safarro ku aado si uu u soo tababarro macallimiin soo saarta ciyaartoy da’ yar oo dalka nuurisa. Isboortiga waa qeybta ugu muhimsan ee dhallinyarada ka weecin karta dabinka qabyaaladda. Ciyaaruhu waa aaladda qaran magaciisa kor u qaadda oo dadkiisana mideysa. Sidaa darted, walaalayaal si farxad leh nooga guddooma in Bogga Amin Arts uu si muran la’aan ugu codeeyey in SHIIKHA yahay THE 2013 PERSON OF YEAR.

W.Q. Mohamud Yussuf, Tifaftiraha

Warbixintan waxa kaloo ay ku soo baxday bogga Amin Arts waxana ka akhrisan kartaa

http://aminarts.com/link/sheekh_2013.html