Barnaamikja “Fresh Bucks” Wuxuu Sahlayaa Cunno Caafimaad Leh!

0
1194

By Robyn Kumar and Abdullahi Jama

Cunista caafimaadka leh waa caqabad heysata dad badan oo naga mid ah. Si kastaba ha ahaatee, kuwa ay ku adag tahay helitaanka cunnada, dhibaatadoodu ma ah oo keliya hiigsashada ama qorshaynta, laakiin dhibaatadu waxey tahay ma la awoodi karayaa. Cuntada caafimaadka leh sida caadiga ah, waxey ku kacaysaa kharash ka badan cuntada la warshadeeyey, sidaas daraaddeed way ku adag tahay dadka dakhligoodu hoseeyo in ay cuntada caafimaadka leh ku darsadaan miisaaniyadooda. Barnaamijka Fresh Bucks wuxuu ka mid yahay xal u helista si loo caawiyo dadka  dhibaatadu ka heysato helitaanka cunto caafimaad leh. Barnaamijka Fresh Bucks wuxuu laba jibaarayaa awoodda wax iibsiga dadka uu dakhligoodu yar yahay ee isticmaalaya Kaadhka Cunada Dowlada Dhexe Bixiso (SNAP) marka lagu iibsado miraha iyo khudaarta cusub, waxaadna ka heli kareysaa 31 suuqyada beeralayda – Farmers Markets- iyo beeraleyda waratada – Farm Stands- iyo 6 dukaan qowmiyadeed ee ku yaal Magaalada Seattle ee Degmada King.

Way fududahay in la isticmaalo barnaamijka Fresh Bucks! Waxaad ka heli kareysaaa suuqyada beeralayda-Farmers Market- iyo beeraleyda waratada ah-Farm Stands-, adigoo isticmaalaya kaadhka EBT inta aad dooneyso in aad wax ku gadato. Waxaa lagu siinayaa qadaadiic-Tokens- aad wax kaga iibsaneyso suuqyada beeraley kasta oo u ruqsad u heysta in ay kaadhka EBT ku iibiyaan cunada la oggol yahay. Sidoo kale waxaa intaa dheer in lagu siinayo qadaadiicda u dhiganta miraha iyo qudaarta aad gadatey ugu badnaan $10 aadigoo mar kale ku iibsanaya khudaar iyo miro. Barnaamijaka Fresh Bucks, marka aad $10 doolar oo qudaar iyo miroh ku iibsato kaadhka EBT-ga waxey u dhigantaa adigoo wax ku gatay $20 qiimo u dhigma qudaar iyo miro. Waa hab fudud oo la awoodi karo si loo kordhiyo xaddiga cunto caafimaad leh oo aad u iibin kareyso qoyskaaga.

Haddii aadan weli isku dayin barnaamijka Fresh Bucks, hadda waa wakhtiga kuugu haboon. Waxaad ka heli kartaa liiska ka suuqyada beeralayda, beeraleyda warata ah iyo dukaamada, kala soo xiriir: www.freshbuckseattle.org.

Si aad u aragto barnaamijka Fresh Bucks iyo sida uu u shaqeeyo, imow oo ka soo qeybgal xaflad maalinta Sabtida, September 30, 2017 laga bilaabo 11: 00-1: 00. Waxaa lagu qabanayaa barxada dukaanka Harameyn Halal Grocery (5811 Rainier Ave S ee Seattle). Waxaa jiri doona abaalmarino, waxqabad kala duwan ee qoyska iyo ciyaaro kuwaas oo kaa caawin doona adiga iyo qoyskaaga, si aad caafimaad u hesho adigoo cunaya miro iyo khudaar dheeraad ah! Waxaad ka baran kartaa sidii aad u beekhaamin karto lacagta aad ku iibsaneyso miraha iyo khudaarta ee barnaamijka Fresh Bucks, waxaadna heleysaa talooyin ku saabsan cunto caafimaad leh. Kaalay oo nagala soo qeybgal xafladan weyn!