Barnaamijka Dhammaan Xiddigaha Emery oo Caruurta Baraya Arrimaha ku Saabsan 9-1-1

0
965
  1. Ogow halka aad joogto. Ogaanshaha goobta ama halka aad ku sugan tahay marka xaal imerjensi ah aad ku sugan tahay waa arrin muhiim ah si aad u hesho gacan siin. Gaar ahaan marka aad ka soo waceyso telefankaaga gacanta. Haddii aad taqaano adreeskaaga, dhaqsi u sheeg. Haddaadan aqoon, ka eeg eeg hareerahaaga calaamooyin sida magaca jidka aad joogto ama meylka jidka lambarkiisu ee ku qoran waddada dhinaceeda.
  2. Sheeg dhibka ku heysta. Si fiican isugu day inaad is dejiso, si fasiix ah u hadal isla markaana u sheeg sababta aad ugu baahan tahay adeeg deg deg ah. U sheeg qofka teleefanka kaa qabtay nooca gacan siinta aad u baahan tahay sida: Booliis, dab-damis, ama kooxda ambalaasta.
  3. Bixi magacaaga iyo lambarka telefankaaga. Kooxda telefoonada 9-1-1 waxa ay u baahan doonaan magacaaga iyo numbarkaaga haddii ay dhacdo in khadku go’o, iyo sidoo kale kooxda kuu iman doonta oo kaala soo xiriiri doona haddii ay dhacdo iney u baahdaan.
  4. Khadka ku sii jir. Waxa laga yaabaa in lagu weydiiyo su’aalo is xig-xiga inta kooxda laguu soo diray weli ku soo gaarin. Raac tilmaamaha uu ku siinayo qofka kaala hadlaya xarunta 9-1-1 hana dhigin telefoonka inta laguu sheegayo dhigistiisa, iney jirto mooyee khatar aad u daran oo naftaada helis ku ah.

Xaqiiqooyin ku saabsan 9-1-1

  • 9-1-1 waxa ay u taagan tahay xaalad deg-deg ah oo kaliya. Wac xarunta shaqooyinka ee booliska ama qeybta dab-damiska ee magaalada ama hey’adaha kale ee ku habboon haddii aadan ku heysan deg-deg kugu kalifta 9-1-1.
  • Ka warran haddaan si qaldan usoo waco 9-1-1? Khadka ku sii jir una sheeg qofka telefoonka kaa qabtay iney kaa aheyd si lama filaan ah oo gacantu kaaga dhacday. Markaa sidaas sameyso, qofka telefoonka qabtay dib kuu soo wici maayo ama inuu boolis u soo diro gurigaaga uma baahan doono si laguu hubiyo.
  • 9-1-1 waxa ay u furan tahay cid kasta. Adeeg turjumaan ayaa ku diyaar ah oo ku baxa in ka badan 170 luqadood, waxana kooxda telefoonka qabata loo carbiyey sida loo isticmaalo TTY iyo sida loogu adeego dadka dhegaha la’, maqalku ku adag yahay, ama dhib ku qaba hadalka.

Ka Hortag Kadis u Wicidda 9-1-1

Maalin kasta degmada King County, in ka badan 5,000 oo jeer ayaa la soo wacaa 9-1-1. Nus kaliya wicitaannadaasi ayaa ah wicitaanno dhab ahaan ku saabsan xaalad emerjensi ah, inta kale ama waa si lama kuwo si filaan faruhu ugu dhaceen ama xaalado aan shuqul ku laheyn emerjensi.

Hal ka mida 5 wicitaan ee degmada King County waa kuwo kam ah oo ka dhasha telefoon ku heynta jeebka, boorsada ama ciyaalka oo loo daayo iney ku ciyaaraan telefoonka.

“Waxa muhiim ah in waalidku indhaha ku hayo caruurtooda marka ay ku ciyaarayaan telefoonnada”, sidaa waxa yiri Lum. “Dadka waaweyn waxa loo baahan yahay iney ka digtoonadaan siyaabaha si aksiden ah ama kam ah loogu wici karo 9-1-1 iyo iney sameeyaan wax kasta oo looga hortagi karo si aaney u dhicin qaladyo noocaasi.”

Dad badan oo deggan degmada King County waa ay isla yaabaan marka ay ogaadaan iney si qalad ah u soo waceen 9-1-1. Haddii ay sidan dhacdo, ayey tiri Lum, waa inaad khadka ku jirtaa una sheegtaa qofka telefoonka kaa qabtay ee 9-1-1 iney aheyd wicitaan aadan ula jeedin oo qalad kaaga dhacay. Sababta waxa ay tahay, ayey leedahay, qolooyinka telefoonka qabta oo aan u baahan doonin iney dib kuu soo wacaan haddii aad “telefoonka demiso”. Haddii ay jawaab waayaan iyaguna aaney xaqiijin karin in wicitaanku ahaa mid kam ama qalad ahaa, waxa ku waajib noqonaya iney u soo diraan booliis halka laga soo wacay si loo hubiyo xaalka qofka soo wacay.

Waqti badan iyo hanti badan ayaa xarumaha 9-1-1 iyo kooxda gurmadka uga lunta wicitaannada si qaldan u dhaca ee haddana la damiyo.

“Waa arrin aad u muhiim ugu ah qof kasta iyo da’ kasta oo qofku jiro inaad taqaano sababaha asaasiga ah ee loo soo waco 9-1-1,” ayey tiri Lum. “Ogaanshaha marka aad u baahan tahay inaad wacdo 9-1-1 iyo marka aadan u baahneyn waa arrin badbaadin karta naf.”

Waxa barnaamijkan idin suurto geliyey Xafiiska Barnaamijka ee King County E-911