Akadeemiyada BBC oo Bilowday Macluumaad Loogu Tala Galay Warbaahinta oo Af-Soomaaliga ah!

0
905

Akadeemiyada BBC  waxay billowday macluumaad bilaash ah oo loogu tala galay saxaafadda iyo adeegsiga luuqadda Soomaaliga.  Barta internetka ee bogga  Soomaaliga ee Akadeemiyada BBC (qeybtii ugu horreysay), waxaa diiradda lagu saarayaa ku shaqaynta saxaafadda ubucda u ah BBC, waxaana ku jira qiyamka xagga tafatirka, isticmaalka af-Soomaaliga, xirfadaha saxaafadda, waxayna aragti gun dheer siinaysaa saxafiyiinta ku hadla af-Soomaaliga ee BBC iyo dunida oo dhan.

 Najiba Kasraee, tafatiraha akadeemiyada ee baraha caalamiga ah ayaa tiri “Luuqadda iyo saxaafadda waa kuwo aan kala hari karin.  Waxaa muhiim ah in la siiyo saxafiyiinta, kaliya maaha xirfado tababar, balse inay ogaadaan muhiimadda ah in la dhowro heerka ugu sarreeya ee adeegsiga luuqadda saxafiyiinta BBC, taasoo ku salaysan habraacyadeenna ah dhexdhexaadnimo, sugnaansho iyo tabin xaq ah.”

 Barta internetka ee BBC Somali oo ku yaboohaysa macluumaad seddex heer oo waaweyn u kala baxa – luuqad, xirfado iyo habka lagu shaqeeyo – ayaa bixinaysa hagidda heerka tafarirka ee BBC iyo qiyamka udub dhexaadka u ah.  Suxufiyiintu waxay heli doonaan agabyada luuqadda ee xaqiijinaya heerka dhexdhexaadnimo iyo sugnaansho, xitaa marka la tarjumo kaddib, iyo marka la abuurayo ama la gudbinayo macluumaad asal ah.  Waxay kaloo la wadaagaysaa hanaanka turjumaadda loo maro ee muujinaya khibradda suxufiyiinta BBC Somali.

 Tafatiraha BBC Somali, Caroline Karobia, waxay leedahay:  “Hawlwadeennada BBC Somali waxay ku dadaalayaan inay dhiiregeliyaan sare u qaadidda mustawaha luuqadda Soomaaliga ee saxaafadda loo adeegsado maanta iyo berri.  Barta BBC Academy oo qof kasta si bilaash ah uu ku gali doono ayaa ah qaab wanaagsan oo laga baran karo in si xirfadi ku dheehantahay loo guto saxaafadda iyadoo la adeegsanayo luuqadda Soomaaliga.”