Sida Lagu Garto, Sida Looga Fogaado, iyo Sida Luuqad Kasta Looga Soo Warbixiyo Qalinshubato

0
322

Qalinshubatadu afkaaga hooyo ayey kugula hadli karaan. Sababtaas awgeed FTC ayaa hadda luuqad kasta wax loogu soo gudbin karaa. Si aad warbixin ugu soo gudbiso luuqadaha Maandarin, Tagaloog, Fiyetnaameys, Faransiis, Carabi, Kuuriyaan, Ruush, Boortaqiis, Boolandeys, iyo luuqado kale, soo garaac FTC (877) 382-4357. Taabo lambar 3 si aad u hesho turjubaan. Si aad u soo sheegto xatooyo, soo garaac (877) 438-4338 oo taabo lambarka luuqadda aad rabto. Taleefanka waxaa laga jawaabaa 9ka aroornimo ilaa 5ta galabnimo Wakhtiga Dhanka Bari.

Warbixin ma ku soo gudbineysaa intarnetka? Af Ingiriis, booqo ReportFraud.ftc.gov ama IdentityTheft.gov — ama afka Isbaanishka, ka eego ReportFraude.ftc.gov ama RobodeIdentidad.gov. Waxaad heli doontaa talo ah waxa aad sameyneyso oo degdeg ah.

Laakiin sug, waxyaabo kale oo badan. Hadda waxaad talooyin ku heli kartaa luuqado badan ftc.gov/languages. Halkaas waxaad ka baran kartaa sida looga fogaado qalinshubatada, waxaad sameyneyso haddii ay qalinshubato lacag kaa qaadato,  iyo sida looga fogaado in ay meheraddaada yar soo beegsadaan. Waxaa jira buugyaraha qalinshubatada oo loogu talagalay dadka dhawaan yimid Mareykanka.

Ma dooneysaa in aad hesho macluumaad daabacan? Barta ftc.gov/bulkorder, waa neel laga dalban karo waraaqo ku qoran luuqado badan. Hadda, codso Sida Looga Fogaado Qalinshubatada iyo Qalinshubatada iyo Meheraddaada Yar oo ku qoran luuqadaha Shiineyska Fudud, Kuuriyaan, iyo Fiyetnaameys. Laakiin, qofkii raba, ha booqdo ftc.gov/ordenar si uu uga dalbado afka Isbaanishka.

Mar kasta oo aad hesho macluumaadka FTC oo ku qoran waraaqo ama intarnetka, la wadaag qoyskaaga iyo asxaabta aad xiriirtaan. Markaad dadka u sheegto wixii aad ka ogtahay qalinshubatada oo aad ka soo warbixiso wixii aad aragto, waxa aad gacan ka geysaneyso waa joojinta qalinshubatada bulshada dhibeysa.