U Adeegso Foojarrada Diimoqraadiyadda Doorashooyinka 2021 ee Magaalada Seattle

0
889

SEATTLE – Laga bilaabo Febraayo 9, Magaalada Seattle waxey boosto ugu diri doontaa cod-bixiyeyaasha ku nool Seattle iyo kuwaa ka codsaday barnaamijka boqolkooda 100 doolar ee Foojarrada Diimoqraadiyadda. Sannadkan wuxuu ahaan doonaa markii ugu horreysay ee tartanka Meeyarka u qalmi doono maalgelinta Foojarrada Diimoqraadiyadda.  Waxa intaa dheer, boosaska golaha deegaanka (guud) iyo tartanka qareenka magaalada ay labaduba ka mid ahaan doonaan warqadda codbixinta una qalmaya maalgelinta.

Waxa jira laba waddo oo si habboon oo la hubo aad foojarrada ugu isticmaali karto guriga:

Waxaad dib ugu soo celin kartaa foojarrada adigoo isticmaalaya baqshado hore u tiimbereysnaa oo la socday foojarradaada (tiimbare looma baahna)

Ama raac tilmaamaha ku dhex jira waraaqaha foojarradaada si aad u abuurato akoon onleen ah si aad ugu soo gudbiso foojarradaada habkan iyo doorashooyinka mustaqbalka.

Sidee baan wax uga ogaan karaa musharrixiinta?

Dhammaan musharrixiinta u tartamaya xafiis ka tirsan magaalada Seattle waxa lagu casumaa iney soo gudbiyaan 200 oo kalmadood oo horudhac ama tusmo Musharaxa ku saabsan ah. Wax ka aqriso tusmooyinka musharrixiinta waxna ka ogow musharrixiinta ka qeyb qaadanaya adigoo booqanaya webseytka.

“Soo bandhigidda Foojarrada Diimoqraadiyadda iyo labadii doorasho ee ugu dambeysay oo kaliya, qiyaasta dadka Seattle ee wax ku deeqa waxey korodhay ku dhowaad 8% – taasi oo caddeyn u ah in Seattle tahay magaalo ka mida kuwa ugu sarreeya tiro ahaan dadka wax ugu deeqa ololayaasha degmada,” ayey tiri Wayne Barnett, Agaasimaha Guud ee Guddiga.

Warar intaa ka badan, booqo www.seattle.gov/democracyvoucher ama wac 206-727-8855 (tarjumaanno waa diyaar).