
Waxa qoray Mohammed Abdulkadir, MA, MPH
Isbaheysiga Cagaarshowga Hepatitis B ee Washington
Bil kasta oo Maajo ama May ah, laguna gudo jiro Bisha Wacyi-gelinta Cagaarshowga, waxan is xusuusinnaa in laga hadlo qeybo ka mida cudurrada halista weyn ku ah caafimaadka guud. Cagaarshowga ama Hepatitis B waa mid ka mida kuwaasi—Hepatitis D, oo isna sidoo kale loo yaqaano Hepatitis Delta, waa mid aan sidaa loo aqoon laakinse qatartiisa feyras ay aad u weyn tahay kuna tiirsan cagaarshowga hepatitis B, wuxuu ahaan karaa mid aan sidaa looga taxaddarin marka la barbar dhigo dhammaan cudurrada kale.
Guud ahaan dunida, dad gaaraya ilaa 300 oo milyan ayaa la nool xaalad culus oo Hepatitis B ah, oo ay ku jiraan qiyaas 2.4 milyan oo ku nool dalkan Mareykanka. In kastoo tirooyinka dadkaasi aadka u badan, haddana Hepatitis B lama ogaado qofka uu hayo sannado badan maxaa yeelay dadka qaba badankoodu lagama dareemo goor hore calaamadaha cudurka lagu garto. Marka qofku dareemo daal, indho casaan, calool xanuun, ama labbo-labbo, beerka waxa laga yaabaa in durba dhaawac weyn soo gaaray. Cudurka Cagaarshowga B ee aadka u daran waa midka horseedka u ah beer xanuun iyo kansarka beerka, kuwaasi oo ah xaalado laga hortagi karo haddii hore loo sii ogaan lahaa laguna lamaanin lahaa daryeel caafimaad. Run ahaantii, kansarka beerka waa mid ka mida cudurrada aadka u kordhaya sababna u noqda geerida la xiriirta kansarka ee dalka Mareykanka, Hepatitis B-na waa qeyb weyn oo ka mida kororka geeridaasi.
Tani ma aha wax si caadi isaga dhaca!
Waddanka Mareykanka, cudurka Cagaarshowga (Hepatitis B) waxa uu si aan caadi ahayn u saameeyaa dadka ku dhashay qeybo ka mida Aasiya, Afrika, iyo Jasiiradaha Baasifik (Pacific Islands), mana aha sabab la xiriirta dhinaca qaab-dhismeedka jirkooda (biology) ama hab-dhaqankooda (behavior), laakinse waa sabab la xiriirta sinnaan la’aanta muddada dheer ee ka jirtay helitaanka tallaal dadka dunida oo dhan wada gaara. Dad badan oo ka tirsan bulshooyinkaasi wuxuu cudurka cagaarshowga ku dhacay xilligii ay dhasheen oo ka horreysay inta aan tallaalku noqon mid helitaankiisu sahlan yahay. Usoo socdaalkii dadkaasi dalka Mareykanka ma aha mid baabi’ineysa qatartaasi—gaar ahaan marka ay jirto caqabado dhinaca luqadda ah, helitaan xaddidan oo daryeel caafimaad ah, iyo ka carar in ceeb loo arko cudurka taasi oo darbi ku noqota in qofka baaris iyo daaweyn lagu sameeyo.
Hepatitis B ma aha mid dadka kala sooca. Waxa la isugu gudbin karaa sida qalabka diyaarinta caafimaadka, isu galmoodka, cirbadaha la isku duro oo la wadaago isticmaalkooda, ama in dheecaankaagu ama dhiiggaagu qof kale oo cudurka qaba ku milmaan. Qof kasta oon la tallaalin wuu u nugul yahay cudurka.
Waxa dad badani—iyo dhaqaatiirtu—aaney weli ogeyn waa in Hepatitis B uu albaabada u furi karo wax aad usii halis badan: Hepatitis D.
Hepatitis D waa mid aad uga duwan. Ma jiri karo Hepatitis B la’aantiisa. Feyraska Hepatitis D wuxuu af-duubaa feyraska Hepatitis B si u noolaado una bato. Taasi macnaheedu waxey tahay in dadka la nool ama qaba Hepatitis B oo kaliya ay qaadi karaan ama uu ku dhici karo Hepatitis D—laakinse marka ay qaadaan, waxa ka dhalan kara aad bay u halis badan tahay.
Waxa jira labo siyaabood uu qofka ku qaadi karo Hepatitis D: mid waa marka uu qaado Hepatitis B, ama waa goor dambe oo cudurku ku faafay jirka qof uu Hepatitis B dilooday “superinfection”. Qeybtaasi dambe gaar ahaan waa halis aad u weyn. Hepatitis D waxa si ballaaran loogu aqoonsan yahay inuu yahay kan ugu halista badan bahda cagaaroshowga (hepatitis), kaasi oo dar-dar geliya in beerku dhaawacmo iyo in si deg-deg ah beerku sahqada uga fariisto ama kansar ku dhaco.
Sida laga soo xigtay hey’adda caafimaadka adduunka (WHO) feyraska Hepatitis D wuxuu saameeyaa ku dhowaad 5%— oo qiyaas 12 million—dadka dunida ku nool ah oo aad ula il daran feyraska hepatitis B. Dalka Mareykanka, daraasad dhawaan la sameeyey waxey sheegeysaa in qiyaas 3-5% boqolkiiba dadka qaba Hepatitis B ay sidoo kale xambaarsan yihiin Hepatitis D—laakinse tirada dhabta ah waxa suurto gal ah iney aad uga badan tahay maxaa yeelay baaritaannada lagu ogaado weli caadi looma helo.
Kala duwanaashaha waa wax jira. Dad badan oo qaba Hepatitis D waxey dareemayaan iney fiyow yihiin ilaa cudurku ku xoogeysto. Haddii aan baaris lagu sameynin, dhaqaatiirtu waxey u maleyn karaan kororka xanuunka beerka iney tahay mid ku kooban Hepatitis B oo kaliya, iyagoo baal maraya iney si hoose isha ugu hayaan, una gudbin dhakhtar takhasus u leh, ama iney qofka daaweyn u diraan.
Tani waa arrinta ugu muhiimsan: Hepatitis D waa mid gebi ahaanba laga hortagi karo!
Hepatitis D waxa kaliya uu ku dhici karaa qof qaba Hepatitis B, sidoo kale tallaalka Hepatitis B wuxuu ka hortagi karaa Hepatitis D. Ilaa iyo sanadkii 1982, tallaalkani wuxuu si nabad ah u difaacay nolosha dad malaayiin ah. Haddana dad fara badan oo qaan gaar ah—gaar ahaan kuwii dhashay ka hor tallaalka guud ee caruurta —waa kuwo aan tallaalneyn ama aan ogeyn xaaladdooda tallaal.
Waxa kale oo jirta rajo ay qabi karaan kuwa la nool xanuunada feyriskaasi. Iyadoo helitaanka daawooyinka Hepatitis D ay tobaneeyo sano ahaayeen kuwo kooban, laakin daaweyn cusub aya dhowaanahan la isku raacay qeybo ka mida dunida, iyadoo sidoo kale daaweyn dheeraad ah oo horumarsan tijaabooyin lagu hayo sheybaaro ku yaalla dalka Mareykanka. Wacyi-gelin, tijaabooyin, iyo u diris daryeel caafimaad waa kuwo aad muhiim u ah xilligan la joogo.
Halkani waa meesha tallaabada gudaha gobolkeena ah wax muuqda tari karto!
Isbaheysiga Cagaarshowga Hepatitis B ee gobolka Washington, oo ay horjooge u tahay hey’adda caafimaadka International Community Health Services (ICHS), aya ka shaqeyneysay muddo soddon sano iney wacyi geliso bulshada, dhiirri-geliso is-baarista iyo tallaalka, iyo horumarinta in la helo daryeel caafimaad. Iyadoo la kaashanayo wada shaqeynta rugaha caafimaad, xarumaha bulshada, iyo hey’adda caafimaadka guud, waxaanu la lagdameynaa Hepatitis B—iyo in si deg-deg ah sare loogu qaado wacyi-gelinta aadka loogu baahan yahay ee ku saabsan Hepatitis D—ee guud ahaan gobolka Washington.
Sida bisha iska wacyi-gelinta Hepatitis ay na xusuusineyso, aamusnaantu waa mid ka mida qatarta ugu weyn ee caafimaadka guud. Is-baaristu waxey badbaadisaa nolosha. Tallaalku wuxuu ka hortagaa cudurka. Aqoontuna waxey awood u yeeshaa bulshooyinka. Haddii aadan ogeyn xaaladdaada Hepatitis B, ka codso dhaqkhtar inuu ku baaro. Haddii aan lagu tallaalin, weydiiso tallaal. Haddiise aad la nooshahay Hepatitis B, weydiiso iney habboon tahay in lagaa baaro Hepatitis D. Tallaabooyinkaasi fudud waxey la macno ahaan karaan inaad labo daran mid doorato: nolol caafimaad leh ama cudur beerka ku dhaca oon wax laga qaban karin.
Hepatitis B waa cudur laga hortagi karo. Hepatitis D isna waa la joojin karaa. Inagoo wada jirna, kuna dareyna is wacyi-gelin iyo tallaabo qaadis, labaduba waannu joojin karnaa!