Home FEATURED War Saxaafadeed Deg-deg oo Ku Saabsan Kiisaskii u Danbeeyay ee Jadeecada Gobolka Washington

War Saxaafadeed Deg-deg oo Ku Saabsan Kiisaskii u Danbeeyay ee Jadeecada Gobolka Washington

0

Warbixintani waxa soo diyaariyey qeybta warbaahinta Waaxda Isgaarsiinta DOH

OLYMPIA – Kiisaska jadeecadu weli kor ayay usii socdaan Washington dhexdeeda sannadkan, waxana ka mid ah saddex kiis oo dhowaan la helay oo aan la garanayn sidii dadkaasi u qaadeen. Washington State Department of Health (DOH, Waaxda Caafimaadka Gobolka Washington) (ku qoran luuqadda Ingiriisiga) waxa ay ku guubaabinaysaa dadka in ay u dhug yeeshaan astaamaha, joogaan guriga lana xidhiidhaan bixiyayaashooda daryeelka caafimaadka haddii ay dareemaan xannuun, hubiyaana in ay ka warqabaan marwalba tallaaladooda jadeecada, mumps-ka iyo rubella (MMR).

Ilaa taariikhda maanta, gobolka Washington waxa uu xaqiijiyay 40 kiis oo jadeeco ah guud ahaan siddeed degmo (ku qoran luuqadda Ingiriisiga) Afartii billood ee u horreysay 2026. Haddii lays barbardhigo, 12 kiis ayaa laga soo warbixiyey dhamaan sannadkii 2025.

Saddex kiis oo laga helay Washington sannadkan ayaan lahayn wax tixraac muujinaya meesha laga qaaday, waxana ku jira labo laga helay Degmada Kittitas iyo mid Degmadda Spokane ah. Tani waxa ay la macno tahay kadib baadhis qoto dheer, saraakiisha caafimaad ma awoodin in ay oggaadaan sida dadkaasi ku qaadeen. Tani waxa ay la macno tahay in jadeecadu ay ku faafayso bulshooyinkeena inaga oo aan dareemin.

“Waxa aynu gelaynaa heer cusub oo aad u khatar badan oo faafitaanka jadeecada ah Washington guddaheeda, habka keliya ee aynu u ilaalin karno bulshooyinkeenuna waa in reer Washington gacmaha is qabsadaan.” waxa yidhi DR. Tao Sheng Kwan-Gett, Sarkaalka Caafimaadka Gobolka, DOH. “Dhamaan dadka waaweyn iyo carrurtuba waa in ay ka warqabaan tallaalka MMR sida ugu dhakhsiyaha badan, qof kastaana – oo tallaalan ama aan tallaalayn – waxa laga rabaa in uu joogo guriga marka uu arko astaamaha ugu horreeya ee caabuqa, ka hor intaan finan kasoo bixin”

Toddobaadkii u danbeeyay, Kittitas County Public Health Department (KCPHD, Waaxda Caafimaadka Dadweynaha ee Degmadda Kittitas) waxa ay xaqiijiyeen labo kiis oo jadeeco ah (ku qoran luuqadda Ingiriisiga) waxayna ku qeexeen wixii laga qaaday ee suurtagalka ahaa (ku qoran luuqadda Ingiriisiga) Valley View Elementary School intii u dhaxaysay Abriil 8-15.  KCPHD waxa ay hoggaaminaysaa waxkaqabashada maxalliga ah waxayna la shaqaynaysaa Valley View Elementary School si ay u xakamyso faafid dheeraad ah. Labadda kiis ee cusub ee la xidhiidha

kiiska horre looga soo warbixiyey ee Degmadda Kittitas, aaggu hadda waxa ka dillaacay jadeeco, waxa laga soo wariyay kiisas saddex ah ama ka badan oo la xidhiidha.

Fahmitaanka Jadeecada Maxay Tahay Inaad u Fiirsato

Jadeecadu waa faafe daran oo ku faafa hawada marka qof xannuunsanayaa qufaco, hindhiso, neefsado ama hadlo. Fayrasku waxa uu hawada ku jiri karaa ilaa labo saacadood kadib marka qofku ka tago aagga.

Astaamuhu waxay inta badan soo baxaan 7 illaa 21 maalmood kadib marka la qaado waxana ka mid ah.

  • Qandho heer sare ah, qufac, iyo sanka oo dareere iyo diif ka socdaan.
  • Indho guduudan oo ilmo ka socdaan.
  • Finan ka bilaabma wajiga kuna fida jirka oo dhan

Hadii adiga ama qoyskaagu ay isku arkaan wax astaamo jadeeco ah, gaar ahan haddii aadan la socon tallaalka MMR, joog guriga oo wac dhakhtarkaaga ama bixiyahaaga daryeelka caafimaadka. Iyaga ayaa kaala talin kara tallaaboyinka xigga, diyaarin kara booqasho badqab leh haddii loo baahdo kaana caawin kara oggaanshaha hadii baadhis loo baahanyahay. Ha tegin rug caafimaad ama cusbitaal adiga oo aan marka horre wicin si aad ugu sheegto in aad rabto in lagaa baadho jadeeco. Sidoo kale waxa muhiim ah in aad xaddido taabashada dadka kale, gaar ahaan kuwa aan difaaca u lahayn jadeecada.

“Jadeecadu si dhibyar bay u faaftaa, dadkuna waxa ay gudbin karaan ka hor inta aanay oggaan in ay xannuunsanayaan,” waxa yidhi Michele Roberts, Kaaliyaha Xoghayaha Ka Hortagga iyo Caafimaadka Bulshada, DOH. “Dhamaanteen nolosheenu waa mashquul, laakiin haddii aad isku aragto astaamo, qaado wakhti hakis ah – joog guriga oo la xidhiidh daryeel bixiyahaaga caafimaadka. Tallaabadaas fudud ayaa ka hortaggi karta faafista jadeecada ee dadka kale.”

Jadeecadu waxa ay keeni kartaa dhibaatooyin caafimaad oo daran, oo ay ka mid yihiin burunkiito iyo barar ku yimaada maskaxda. Dhallaanka, ciyaalka yaryar iyo dadka difaaca jidhkoodu hooseeyo ayaa khatarta ugu badan ugu jira.

Ka Hortagga: Tallaalka MMR

Tallaalka MMR waa mid ammaan ah aadna waxtar u leh. Hal qaadasho waxay waxtar leedahay 93%, laba qaadashona waxay waxtar leeyihiin 97%. Qaadashada tallaalka MMR way ka badbaado badan tahay marka la barbardhigo qaadista xannuunka jadeecada, waxayna gacan ka geysataa ilaalinta qoyskaaga iyo bulshadaada.

Ciyaalku waxa ay helaan qaadashadooda ugu horreysa ee MMR 1 sanno markay gaadhaan, qaadashada labbaadna marka ay 4 jir noqdaan. DOH waxay fidinaysaa tilmaamis gaar ah oo loogu talogalay dadka ku nool ama u socdaala aaggaga uu ka dillaacay, waxana ku jira dhallaanka ka yar 1 sanno. Dadka waaweyn ee aan weligood la tallaalin ama aan weligood caabuqa jadeecadu ku dhicin waa in aay soo qaataan tallaalka MMR. Haddii aadan awoodin in aad xaqiijiso taariikhdaada qaadashada tallaalka MMR oo aad dhalatay wixii ka danbeeyay 1957, waxa lagugula talinayaa in aad qaadato mid sida ugu dhakhsaha badan si aad isu ilaaliso. Kala tasho bixiyaha daryeelkaaga caafimaadka si aad u hubiso haddii aad u baahantahay wax ka badan mar qaadasho. Inta badan dadka qaada xannuunka jadeecadu ma aha kuwo la tallaalay.

Si aad u hubiso taariikhdaada qaadashada tallaalka, booqo myirmobile.com (ku qoran luuqadda Ingiriisiga) ama la hadal daryeelahaaga. Haddii aad ka qaadatay tallaalka MMR xafiis dhakhtar ama farmashi, waxa aad sidoo kale waydiisan kartaa diwaannadaada.

Aggabyadda Tallaalka

Tallaalo bilaash ah ama qiime-yar waxa ay diyaar ku yihiin:

  • Barnaamijka Tallaalka Carruurnimada, kaas oo si bilaash ah u siiya tallaalo carruurta ka yar 19 jir, iyadoo aan loo eegayn xaaladda caymiska.
  • Barnaamijka Tallaalka Dadka Waaweyn, oo bixiya tallaallo loogu talagalay dadka waaweyn ee da’doodu tahay 19 sano iyo kuwa ka sii weyn ee aan lahayn caymis ama leh caymis xaddidan.
  • Washington Apple Health (Medicaid), oo daboola tallaallada lagu taliyay iyada oo aan wax kharash ah laga qaadin dadka deggan Waashinton ee u qalma.

Wixii la xidhiidha tirada kiisaska hadda jira, meelaha uu ka dillaacay, iyo macluumaadka ka hortagga, booqo mareegta howlaha jadeecada ee DOH (ku qoran luuqadda Ingiriisiga).

Annaga mareegteena (ku qoran luuqadda Ingiriisiga) waa ishaada wixii la xidhiidha macluumaadka qaadashada caafimaadka leh. Hel xogaha u danbeeya adigoo naga soo raacaya baraha bulshada (ku qoran luuqadda Ingiriisiga).

Information of Runta News

Heading Title

Our Company

Runta News is a multimedia organization which was first found as print form in Nairobi 1995.

Newsletter

Latest News

@2025— RUNTANEWS All Rights Reserved.

Runta News Logo

@2025 — All Rights Reserved.

Newsletter