
(Photo Illustration) by Legend Amin Amir @ Amin Arts for Runta News – Seattle, Washington.
Sida lagu sheegay website-ka hey’adda caafimaadka Mareykanka (CDC) Measles/vaccines, tallaalka loo yaqaano MMR waa mid nabdoon oo aad waxtar u ah. Waxa looga hortagaa cudurada ay ka mid yihiin Jadeecada iyo qaamo-qahiirka. Xarfaha MMR waxay u taagan yihiin (measles, mumps, & rubella), waxana si gaar loogu adeegsadaa caruurta da’doodu u dhaxeyso 12 ilaa15 bilood iyo da’da kale ee u dhaxeysa 4 sano ilaa 6 sanadood. Tallaalkan wuxuu dadka ka difaacaa xanuunada ka dhasha cudurrada la is qaadsiiyo. Labo qeybood oo tallaalkan ah waxey qofka ka difaaci kartaa cudurka jadeecada boqolkiiba 97%.
Mar haddii qofku ama caruurta ay tallaalkani qaataan ama la siiyo, wuxuu jirkooda ka hortag u ahaanayaa muddo dheer. Jadeecadu waa mid si sahlan hawada la isugu gudbiyo gaar ahaan goobaha dadku ku kulmaan sida iskuullada iyo meelaha kale ee dadka isugu yimaadaan sida xafladaha iyo dukaamada.
Faa’iidooyinka tallaalkan oo faah-faahsan iyo cudurrada looga hortago waxaad ka heli kartaa website-ka Hey’adda Caafimaadka Gobolka Washington gaar ahaan qeybteeda ku wajahan faamillada doh.wa.gov/you-and-your-family/immunization/diseases-and-vaccines/measles-mumps-and-rubella-mmr#vaccine.
Fadlan adiga iyo qoyskaaguba ha dhayalsanina tallaalka MMR oo ka hortag xooggan u ah cudurka jadeecada (measles) oo dhawaanahani si aada ugu sii fidaya gobollo badan oo dalkani Mareykanka ah siiba gobolka Washington oo Soomaali badan ku nooshahay. Boggan waxa si joogto ah ugala socon doontaan wacyi gelinno ku wajahan cudurka jadeecada iyo tallaalka MMR oo ka hortag xooggan u ah.