Sidee Aradadu ula Halgamayaan Waxbarashada Online-ka?

0
1161

Sidee bay Ardada Deegaamada Agagaarka Seattle ula Qabsan Doonaan Soo Laabashada Waxbarashada Online Iyadoo Iskuulladu COVID Ka Hor Nolol u Ahaayeen Ardada?

Waxa qoray Hannah Furfaro, Seattle Times

Waxa tarjumay Mohamud Yussuf, Runta News

Education Lab waa mashruuc Seattle Times oo diiradda saara ballanqaadyo wanaagsan oo wax looga qaban karo caqabadaha joogtada ah ee ka jira waxbarashada dadweynaha. Waxa soo saaristiisa wadajir loola kaashadaa Solutions Journalism Network waxana maal-geliya deeq ka timaada hey’adda Bill & Melinda Gates Foundation, Amazon iyo City University of Seattle. Wax badan ka ogow Ed Lab.

Markii ugu horreysay bilo gudahood, Angela Tam cunuggeeda fasalka koowaad ma heysan Isniin dhalaalisa. Sida Tam wax u aragto, cunuggeeda wuxuu dib u milicsadaa sida noloshu aheyd cudurkan baahsan ka hor — farxad uu ku tago jardiinka, filim habeenkii ah, waqti reerku wada qaato — ee maalmaha Sabtiyada iyo Axadaha. “Maynan heysan dibad aadis badan oon ku raaxeysanno. Haddaba raaxadu waxey iman jirtay dhammaadka toddobaadka.”

Haddana, howlihii caadiga ahaa ee Isniinta. “Waxan ku tilmaami karaa wax laga caroodo,” ayey ka tiri Tam la qabsigooda.

Waalidiinta sida Tam waxey safka hore u taagan yihiin waxbarashada caruurtooda iyo daryeelkooda xilligan deyrta, waxeyna sidoo kale u diyaarsan yihiin kaalin kale oo muhiim ah: u gurmadka xaaladaha caafimaadka maskaxda. Iskuullada, oo muddo dheer ahaa albaab loo maro daryeelka caafimaadka maskaxda, way fahamsan yihiin culeyska faamilladu dareemayaan, iyo iney isku dayayaan bixinta gurmad u dhigma. Saraakiisha ka howl gala waaxyada deegaannada gudaha, oo ay ku jiraan Seattle, Bellevue iyo Lake Washington, waxey sheegayaan iney diiradda ku saarayaan billowga iskuullada sanadka cusub daryeelka ardada.  

Isla markaana, cilmi baarayaasha waxey si deg-deg ah ugu howlan yihiin iney gartaan raadka cudurka baahsan ku lahaan karo caafimaadka maskaxda cunugga, oo dhaafsiisan waxa imika la og yahay: Caruurtu waxey wajahayaan go’doon sanaan iyo mugdi ku saabsan musqtaqbalkooda. Qaar, guryo noloshoodu adag tahay ama wareer kale hayo, ma heli karaan nafis yar iyo meel ay u baxsadaan.  

Caruurta iskuullada ee gobolka oo kor u dhaaftay 1.1 milyan waxay muddo sannad barkii ah ka maqnaayeen fasalladoodii, ardadaa badankoodna xilligan kuma bilaaban doonaan waxbarashooda dhismayaasha iskuullada. Musiibada coronavirus imika waxey usii dhiig baxeysaa deyrta, oo ah waqti calaamadaha caafimaadka maskaxda lala xiriirinayo in cudurka baahsan uu halkii ugu sarreysay gaari doono. Saraakiisha caafimaadka gobolka waxey saadaaliyeen in qiyaas 30%-60% boqolkiiba oo ka tirsan dadweynaha gobolka, ama 2.25 ilaa 4.5 milyan oo qof, laga yaabo iney dareemaan murugo.

Caruur badan way ka sii liitaan sidii ay ahaayeen bilo yar ka hor. Waxey ku sugnaayeen xaalad go’doon aad u dheeraady. Waalidiintu shaqadoodii ayey waayeen. Kuwii sida caadiga ula kulmi jiray la taliyeyaasha (counselors) ama hagaajiyeyaasha (therapists) waxey seegeen kulan wejiyeed (face time) iyo daryeelayaal qaan gaar ah.

“waxa jira dareen ku saabsan dadkeena da’ yarta ah iyo inaaney jirin ilaalo badan oo caruurta indhaha ku heysa,” ayey tiri Jennifer Stuber, agaasimaha xarunta ee hormuudka u ah ka hortagga is-dilka (Forefront Suicide Prevention). “Waxey si aada ula mid tahay sida iney jirto isbeddel in badan diiradda lagu saarayo daryeelayaasha iyo waalidiinta iyo diyaarintooda,” si ay u caawiyaan caruurtooda.

Laakinse qaar shaqadooda u gaar yeelay wanaagga caruurta, sida la taliyeyaasha iskuullada iyo macallimiinta, waxey sheegayaan iney durba helayaan taageero dhab ah. Waa soo dhoweyn lama filaan ah.

“Waxay nagu qaadatay cudur adduunka ku baahay in dadka xaqiiqsadaan in waxbarashada dareenka bulshada ku dhisan ay muhiim tahay,” ayey tiri Randi Peterson, oo soo saarta manhajka wabarasho ee bulsho-dareemis ee Waaxda Iskuullada Bellevue. Peterson waxey tiri waaxdu waxey qorsheyneysaa iney eegis ku sameyso ardadeeda, sidii horeba ay u sameysay, laakinse waxey sidoo kale isticmaali doontaa saadaasha dhaqanka iyo la midoobidda waalidiinta si ay go’aan uga gaarto sida xaalka caruurtu yahay.

Dadaallada noocaasi ah waxey ahaayeen kuwo la iibin karo ka hor cudurkan saf-marka, ayey tiri Kelcey Schmitz, oo ah horjeege caafimaadka madaxa ee iskuul ka tirsan qeybta baaritaannada, qiimeynta, iyo tababarrada ee University of Washington’s School Mental Health School. Imika, ayey tiri, “way badan yihiin, ‘Sidee baan waxani u sameynaa?’ Waaxyadu hore ayey uga hadlayeen arrintani, tani waxey dedejisay tallaabada.”

Iskuulladu waxay wajahayaan caqabado aad u weyn si ay ula qabsadaan. Xittaa ka hor cudurka saf-marka ah, kuwo badan waxey la halgamayeen sidey u dabooli lahaayeen baahida xannaano ee aradadooda. Qaar iskuullada hoose waxey leeyihiiin hal la taliye oo waqti barkii shaqeeya, in badan waxey la’ yihiin shaqaale bulsho iyadoo wax xoogaa iskuullo ah awoodaan iney shaqaaleeyaan la taliye tababaran oo qaabilsan caafimaadka maskaxda. Xarumaha iskuullada ku saleysan caafimaadka ee degmada King County waxey bilaabayaan iney albaabadooda dib u furaan, laakinse booqashooyinka caafimaadka maskaxda waxey badankoodu ahaan doonaan fogaan arag. 

Ku sheekeysiga marinnada iskuulka, wada sheekeysiga caadiga ah ee fasallada ka dib — waqtiyo ka caawini kara macallimiinta ama shaqaalaha iney ku gartaan calaamado muujinaya in ardaygu u baahan yahay caawimaad — kuma dhici karaan jawi online ah. La talinta ku saleysan fogaanta waxey ahaan kartaa mid lala helo ama lala waayo: Iney asturnaato lama ballan qaadi karo, caruurtuna waxey dhib ku qabaan iney si furan u hadlaan, sida dadka qaar ay yiraahdeen.

“Waxa sidoo kale cabsi leh macallimiinta oo jaceyl badan iyo daryeel siiya ardada marka ay iskuulka joogaan una dhego nugul baahida ardada,” ayuu yiri Daniel Gagnon, oo sannadkii la soo dhaafay la taliye waqti barkii shaqeeya ka ahaa Iskuulka Rainier View Elementary, sannadkanna wuxuu waqti buuxa ka shaqeyn doonaa iskuulka Graham Hill Elementary ee magaalada Seattle. “Immika iskuulka ma joogaan, yaa sheegi halka caruurtu ku sugan yihiin?”

Indho iyo dhego

Tam waxey raadineysaa habab ay ku caawini karto cunuggeeda. Waxey shaqada u taqaanaa si waxtar leh maxaa yeelay waa la taliye oggolaansho (license) ku heysta caafimaadka maskaxda ee dadka qaan gaarka ah.

Waxey ugu dambeyn bilaabayaan iney arkaan faa’iidadii ay keentay shaqooyinkii toddobbaayadii hore la soo qabtay. Waxey heystaan jadwal, oo ay ku calaamadin karaan waxyaabaha yar yar ee horyaalla. Waxeyna ka hadli karaan in badan. In badan oo ku saabsan wixii ka lumay. Maalmihii ay la ciyaareen saaxiibada, ama ay hab siiyeen ayeeyo.  

Waxanu “si joogto ah uga hadalnaa ugana murogoonaa waxeynaan heli karin maxaa yeelay dunidan waa mid isku buuqsan,” ayey tiri Tam, oo ah Shiinees Ameerikan, wada hadalkaasi jilicsanna sida kani wuxuu ka hor imaanayaa dhaqanka qoyska Tam lagu soo koriyey. “Taasi waxey ku caawineysaa iney firaaqo u hesho dareemo ereyo ay ku cabirto aaney heli karin.”

Laakin markii ay timaado in cunugga Tam ka heli doono iskuulka taageero la mida teeda, Tam ma hubto, laakinse way ku rajo weyn tahay. Taageero caafimaadka maskaxda ee iskuullada “waa faakiheysi,” ayey tiri, helitaankooduna ma ahaan doonaan kuwo loo wada siman yahay. Raashin, hoy, internet; qoysas badan oo ka mida bulshada iskuulkeeda — Kimball Elementary ee Koonfurta Seatlle — weli way ka maqan yihiin waxyaabahaasi asaasiga ah, ayey tiri.  

Baahiyada muhiimka ah

Dareemada caafimaadka maskaxda waxey si dhow ugu xiran yihiin baahiyadaasi muhiimka ah, siiba bad-qabka dhaqaale. Markii mid hal dhibic ku kordhaaan shaqo la’aanta, sida laga hayo macluumaadka qaranka ee dib u dhicii dhaqaale ee weynaa (Great Recession), waxey muujineysaa iney jirto koror is-dil ah boqolkii 1.6%.

Dib u dhaca dhaqaale ee ka dhashay cudurka saf-marka ah waxa uu si ba’an u saameeyey qoysaska sida aan sharciga aheyn ugu nool dalka. Waalidiintani uma qalmaan lacagaha shaqo la’aanta lagu qaato, kuwaasi oo xittaa xilliga wanaagsan dhib ku qabay helitaanka shaqooyin sugan.  

Sidaa ayuu ahaa xaalka qoys gabadhoodu ka dhigato fasalka afaraad iskuulka Rainier View Elementary. Waxey weydiisteen in magacyadoodu qarsoonaadaan sabab la xiriirta sharciga soo gelitaanka dalka.

Wel-welka ka dhashay cudurka saf-marka aad buu isu dul-saarmay. Gabadha aabbaheed wuxuu qabtaa shaqo maalinle ah, laakinse wuxuu la halgamaa inuu helo shaqo joogto ah. Kirada iyo biilasha korontada iwm sugid ma yaqaaniin. Qoysku wuxuu leeyahay kombiyuutar la  soo saaray sannadkii 2000 oo haddana aan internet laheyn. Markii gabadha iskuulkeedii soo diray qalab iyo barta kulul ee Wi-Fi, qoyskii waxey kari waayeen sidii ay isu qabad siin lahaayeen.

Haddana, waxa ooga dhintay karoono fayras qof qaraabo ah. Cabsida ay ka qabaan iney xanuunsadaan sare ayey usii kaceysaa.  

“Maalin xaalku waa wanaagsan yahay, maalinta xigtana waa mid adag,” ayey gabadha hooyadeed ku tiri af Spanish, iyadoo Gagnon ka tarjumayey. “gabadheydu waa qof murugeysan oo wareersan.”

Ilaa hadda, waxey talo saarataa Ilaah — waxey diiradda ku heysaa waxbarashada gabadheeda. “Waa qof adag oo arrintani ka gudbi karta,” ayey tiri hooyada.

Qoysas badan waxey bilaabayaan iney dareemaan saameynta bilo badan oo laga maqan yahay iskuulka, ayey tiri Shino Harada, oo ah agaasimaha guud ee New Traditions, xarun ay ku soo kabtaan dumarka dhibku ka soo gaaro isticmaalka mukhaadaraadka. Qaar ka mida macaamiisha waxey sheegayaan in caruurtooda ay ka luntay adeegyo caafimaadka maskaxda oo muhiim ah. Fasal ku saabsan waalidnimada oo Harada ay macallin ka tahay, wuxuu casharradii u rogay qaab ay hooyooyinku ku maareyn karaan wer-werka caruurtooda heysta.  

“Hore, waxanu diiradda ku saari jirnay la sheekeysiga caruurta,” ayey tiri. Dhowaan, waxey tiri “waxan diiradda saarayney sidii loo heli lahaa xasilooni maskaxeed.”

Qaar kale waxey sheegeen iney ka faa’iideysanayaan xirfado ay leeyihiin si ay ula tacaalaan.

“Haddii aan xanaaqo, mararka qaar jirkeygu wuxuu dareemaa tabar darri,” ayey tiri gabar 14 jir ah oo ku nool View Ridge taasi oo qabta gad-gaddoon dabeecadeed oo la xakameeyey. “Haddaba marka aan dareemo taasi, oo calaamad u ah inaan maskax ahaan, nafsad ahaan, iyo jir ahaan daalan nahay waxana dareemaa iney habboon tahay inaan wax ka qabto”

“Maxaannu u garan la’ nahay?”

Iskuullada iyo baarayaasha waxey u kala tartamayaan fahmidda sida ay u baaxad weyn tahay xaaladda sida caafimaadka maskaxda caruurta ay noqon karto — iyo sidii ay uga hortagi lahaayeen dhibaatooyin.

Marka laga soo tago warbixinnada maalinlaha ah ee kiisaska karoono feyras laga diyaariyo, ma jiraan qoraallo kale oo ku jeeda xaaladaha caafimaadka maskaxda, sida is-dil.  

Tani waxey Stuber ku abuurtaa caro siyaado ah, isagoo bah-wadaag la ah Xafiiska Maamulaha sare ee Waxbarista Dadweynaha (Office of Superintendent of Public Instruction) si loo diro tilmaamo macquul ah ee caafimaadka maskaxda iyo waxbixinno kale oo loo dirayo iskuullada. Iyada iyo saaxiibadeed waxey sidoo kale tababarayaan macallimiin iyo shaqaale ka kala socda 48 dugsiyada sare ee gobolka Washington kuwaasi oo ku saabsan ka hortagga is-dilka iyo tabaha loo xakameeyo. Stuber wuxuu ka wel-welsan yahay in qaar ardada ah aaney dhibkooda sheegan, ama aan laga dareemin iskuulka. Waxey caadiyan ku qaadataa gobolka sanad ama ka badan inuu soo bandhigo warbixintaa, ayey tiri Stuber.

“Tani waa midda habeenkii isa soo jeedisa,” ayey tiri. “Maxeynu u garan waynay?”

Koox baarayaal ah oo ka tirsan jaamacadda UW waxey bixin karaan qoraallo deg-deg ah oo kooban oo ku saabsan saameynta cudurka baahsan ku yeelan karo xaaladda dareenka caruurta — in kastoo aaney soo ururinaynin macluumaad u gaar ah is-dilka.

Soojin Oh Park iyo Holly Schindler waxey diyaarinayaan diraasad qoto dheer oo baaritaan ku sameyneysa xiriirka ka dhaxeeya xaaladda dhaqaale ee ba’an ee qoysaska, guulaha waxbarasho caruurta iyo caafimaadka maskaxda. Waxey rajeynayaan iney deyrtan diiwaan geliyaan 600 oo qoys.

“Waxanu rabnay ineynu awoodno iaan baaris iyo macluumaad soo ururinno kuwaasi oo ku habboon waxa faamillada dareemayaan imika iyadoo la rajeynayo in la awoodi doono in si dhaqsi ah macluumaadkan loo dheehdo.  

Waxa baaritaanka loola jeedaa in lagu lafo-guro ilaha wer-werka faamillada ka yimaadaan, gaar ahaan midka ka dhex jira bulshooyinka la wiiqay, ayey tiri Park, oo ah kaaliyaha barfasoor waxbarasho. “Waxan rajeynayaa inaan sheekooyinka oo faah-faahsan awoodi doono inaan si ballaaran u sheegno … waxanu awoodi doonnaa inaannu baahida deg-degta ah sawir cad ku muujin  doonno.”

Ilaha caafimaadka maskaxda ee dadka dhallinyarada ah

1-800-273-8255 (English)

1-888-628-9454 (Español)

1-800-799-4889 (Qofkii dhagool ah ama maqalku ku adag yahay)

  • Ilaha sida gaarka goonida ugu ah dhallinyarada, la soco bartan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here