Qiimeyn Qorshaha King County ee Bulsho Adkeysi u Leh Fatahaadaha

0
365

(Masawirka) Dad ka shaqeynaya qiimeynta qasaaraha soo gaaray waddada SR 202 oo ka dhashay fatahaaddii Webiga Snoqualmie sanadkii 2009.

Musiibooyinka dabiiciga waxey dadka u saameeyaan siyaabo kala duwan, iyadoo dadka qaar ay waqti dheer ku qaadan karto iney soo kabtaan iyadoo kuwo kalena ay dhici karto inesban kaba soo kaban.

Fatahaaduhu waa musiibada dabiiciga ugu weyn ee ku soo noqnoqota degmada King County, waxeyna ka dhici kartaa meel kasta oo uu roob ka da’o. dhisidda bulsho adkeysi u leh fatahaadaha waxey la macne tahay in aynu kor u qaadeyno kartida bulshadu u lahaan karaan iney si deg-deg ah oo dhameystiran uga soo kabtaan raadka ama saameynta daadadka soo gaarsiiyaan guryaheena hortooda. Fatahaaduhu marna kama maqnaan doonaan degmada King County, laakinse in loo diyaar garoobo waxey hoos u dhigi kartaa halista ay ku keeni karto bulshada, qoysaska, iyo qof kasta.  

Tirada dadku aad bay u korodhay, waxanu ku soo biirinnay deegaanka guryo badan iyo meherado ganacsi. Webiyadu iyo xeebaha waa meelo howlo badan ka socdaan—is beddel ayaa ku yimaada muddo ka dib. Hadda, waa inaannu ka fakarnaa sidii aan u horumari laheyn deegaanka, u maareyn laheyn qashinka, wax uga qaban laheyn saxmadda gawaarida, u beeri laheyn cunto, iyo sida arrimahaasi saameyn ugu yeelan karaan webiyada iyo deegaanada xeebaha ah.

Halisaha fatahaadaha waxa laga maamulaa qeybta Qorshaha Maareynta Fatahaadaha ee degmada King County. Iyadoo si joogto loola socdo wixii ku soo kordha mustaqbalka qorshaha aynu si wadajirka ah u diyaarineyno. Degmada King County waxey imika si joogta ah ula socotaa qorshahaasi waxeyna dooneysaa iney ra’yigaaga maqasho.   

Sidee bay yareynta halista fatahaadaha saameyn ugu yeelan kartaa duur joogta iyo beeraha? Loo hubin karaa in waddooyinku iyo kaabayaasha bedqab ahaadaan? Sidee baannu uga hadli karnaa suurta galka iney fatahaado waaweyn dhici karaan? Maxey yihiin waxyaabaha mudnaanta kuu leh ama fikradaha gaarka ah een si wadajir ah ugu maareyn karno halista daadadku u leeyihiin degmada King County?

Fadlan ku soo biir wadahadalka. Buuxi Sahankan adigoo nala wadaagaya fikrado gaar ah oo ku saabsan sida mustaqbalka loogu diyaar garoobi karo fatahaadaha, inta laga gaarayo Oktober 1st.  Waxad kala socon kartaa sahanka halkan iyadoo Somali ah, ama English oo ay la socdaan baro kale oo luqado kala duwan ah. Warbixinnada bartan waxa loo habeeyey shan qeybood oo kala ah:

  • Fatahaadda iyo Dhisidda in Karti Loo Yeesho Daadadka – macluumaad ku saabsan fatahaadaha iyo sidoo kale waxyaabaha aad sameyn karto si aad u yareyso halista si gaar ay kugu lahaan karaan adiga iyo sida wanaagsan aad ugu diyaar garoobi laheyd.
  • Qorsheynta U Adkeysiga Fatahaadaha – horudhac qorshaha ku saabsan, wixii ku soo kordha howlaha, iyo sababta qorshu u yahay muhiim.
  • – Su’aalo sahanka ku saabsan si loogu wargeliyo dhumucda iyo tallaabooyinka la qaadi karo ee lagu caddeeyey qorshaha, hadda diiradda saaraya tabo istraatiijiyad ah.
  • – wadiiqooyin qof ahaan lagula hadli karo shaqaalaha degmada King County oo ku saabsan fatahaadaha lagulana wadaago waxa dadku qabaan.
  • Waxyaabihii aannu kaa maqalnay – talooyin aad u badan ayaanu idinka guddoonnay ilaa imika.

Degmada King County waxey sidoo kale idinla wadaageysaa warbixin lacag la’aan ah ama qiime jaban oo ku saabsan tallaabooyinka lagu difaaci karo faamilkaaga iyo saaxiibadaada. Barta KingCounty.gov/prepareforflooding , waxad kaga bogan kartaa halista daadadka, isku qori kartaa inaad hesho digniinaha fatahaadaha ama aad kala soo degi kartaa flood alert App, ama halka aad ka heli karto jawaanada ciidda lagu guro oo lacag la’aan ah iyo tusaaleyaal kale oo ku caawini kara.

Fikraha bulshadeena ee ku jeeda Barnaamijyada Qorshaha Maareynta Fatahaadaha ee King County waxey qaabeyn doonaan barnaamijyada, siyaasadaha iyo kaabayaasha sanooyinka badan ee soo socda. Bulshadeena deegaanka iyo Aqoontooda waa mid qiime leh. Booqo Qorshaha King County 2024 ee Maareynta Fatahaadaha oo ku qoran English si aad maantaba noola wadaagto ra’yigaaga iyo fikradahaaga.