Home EDUCATION Nofeembar 3, 2026. Doorashada Guud iyo Gaarka ah Macluumaadka diiwaan gelinta codbixiyaha iyo doorashada

Nofeembar 3, 2026. Doorashada Guud iyo Gaarka ah Macluumaadka diiwaan gelinta codbixiyaha iyo doorashada

0

Macluumaadka diiwaan gelinta codbixiyaha

Shuruudaha

Si aad isku diiwaan geliso oo aad uga codeyso Washington, waa inaad tahay:

  • Muwaadin Mareykan ah
  • Degane sharci ahaan ku nool gobolka Washington
  • Ugu yaraan 18 sanno jir ah marka la gaaro maalinta doorashada- Haddii aad tahay 16 ama 17 jir, waxaad isku qori kartaa kan

Codbixiyaha Mustaqbalka ahaan oo si toos ah ayaa laguu diiwaan gelinayaa marka aad u qalanto

  • Qof aan laga mamnuucin codeynta amar maxkamad awgeed
  • Qof aan lagu haynin xabsi guud oo hoos taga xukunka Waaxda

Asluubta ee gobolka Washington xukun dambi-weyn oo ka dhacay Washington awgeed

  • Qof aanan hadda xabsi ugu jirin xukun dambi-weyn oo federaal ah ama mid ka dhacay gobolka Washington dibadiisa Sida la isku diiwaan geliyo

Oonleen

Waxaad iska diiwaan gelin kartaa ama diiwaan gelintaada ka cusbooneysiin kartaa oonleenka barta VoteWA.gov. Hubi inaad oonleenka iska diiwaan geliso ugu dambeyn Oktoobar 26 wakhtiga kama dambeysta ah ee Doorashada Guud iyo Gaarka ah ee Nofeembar 3.

Boostada

Ka soo degso oo daabac foomka diiwaan gelinta codbixiyaha barta kce.wiki/VoterReg si aad isku diiwaan geliso ama aad u cusbooneysiiso diiwaan gelintaada oo boostada ugu dir xafiiskeena ugu dambeyn Oktoobar 26 wakhtiga kama dambeysta ah ee Doorashada Guud iyo Gaarka ah ee Nofeembar 3.

Shakhsi ahaan

Waxaad shakhsi ahaan iskaga diiwaan gelin kartaa barta xarunta codbixinta ilaa iyo Nofeembar 3, Maalinta Doorashada. Si aad u hesho macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan goobaha iyo saacadaha xarumaha codbixinta, booqo kce.wiki/VoteCenters.

Ka dhig diiwaan gelintaada codbixiyaha inay tahay mid hadda shaqeysa Cusbooneysii diiwaan gelintaada haddii aad guurtay ama beddeshay magacaaga, ama haddii uu saxiixaagu isbeddelay. Si sahlan macluumaadkaaga uga cusbooneysii oonleenka ama soo gudbi foom diiwaan gelin cusub ugu dambeyn Oktoobar 26 wakhtiga kama dambeysta ah ee ku aaddan Doorashada Guud iyo Gaarka ah ama shakhsi ahaan noogu soo booqo mid ka mid ah xarumaheena codbixinta ilaa iyo Nofeembar 3, Maalinta Doorashada, kuwaas oo lagu soo bandhigay webseedkeena Doorashooyinka Degmada King.

Macluumaadka warqadda codbixinta

Maalinta Talaadada, Nofeembar 3, 2026 gudaha Degmada King, Washington, waxaa ka dhaci doonta Doorasho Guud iyo Gaar ah oo gebi ahaanba lagu qabanaayo adeegga boostada. Soo wac Doorashooyinka Degmada King si aad u hesho warqad codbixin beddelaad ah haddii xirmooyinka warqaddaada codbixinta ee asalka ahayd ay kaa dhunto, xumaato, ama ay burburtay.

Caawinaad ayaa diyaar ah

Caawinnaadda diiwaan gelinta iyo qalabka codbixinta ee la heli karo ayaa diyaar ah. La xiriir Doorashooyinka Degmada King si aad u hesho macluumaad dheeraad ah.

Shirarka guddiga shahaadaynta doorashooyinka

Si loo buuxiyo shuruudaha qaanuuniga ah ee ku saabsan shahaadaynta warqadaha codbixinta ee doorashada, shirarka soo socda ee Guddiga Shahaadaynta Doorashooyinka waa:

  • Nofeembar 12, 1:30 p.m.

Shirka Koowaad ee Doorashada-Kadib oo Lagu qabanayo Xarunta Doorashooyinka Degmada King

  • Nofeembar 18, 1:30 p.m.

Shirka Labaad ee Doorashada-Kadib oo Lagu qabanayo Xarunta Doorashooyinka Degmada King

  • Nofeembar 23, 1:30 p.m.

Shirka Saddexaad ee Doorashada-Kadib oo Lagu qabanayo Xarunta Doorashooyinka Degmada King

  • Nofeembar 24, 3:00 p.m.

Shirka Shahaadaynta oo Muuqaal ahaan loogu qabanayo bogga Facebook-ga ee Doorashooyinka Degmada King

Tijaabooyinka caqli-galnimada iyo saxnaanta ee rasmiga ah ayaa lagu qaban doonaa Waaxda Doorashooyinka Degmada King marka ay taariikhdu tahay Oktoobar 8, 2026. Tijaabinta cutubyada codbixinta la heli karo ayaa la qaban doonaa 9 a.m. Tijaabinta qalabka xisaabinta ayaa la qaban doonaa 1 p.m.

Tijaabooyinka caqli-galnimada iyo saxnaanta qalabka xisaabinta ee kala barka-doorashooyinka dhexdeeda ayaa dhaci doona Nofeembar 2, 2026, 8:00 a.m.

Doorashooyinka Degmada King ayaa ku sugan barta 919 SW Grady Way, Renton, WA 98057. Ciwaanka bogga Facebook-ga ee Doorashooyinka Degmada King waa www.facebook.com/kcelections. Dadweynaha ayaa lagu casuumayaa inay ka soo qayb galaan shirarka Guddiga Shahaadaynta Doorashooyinka iyo tijaabooyinka caqli-galnimada iyo saxnaanta.

Nala soo xiriir

Taleefan:

206-296-VOTE (8683)

1-800-325-6165

TTY Relay: 711

Iimeel:  elections@kingcounty.gov

Onleen:  www.kingcounty.gov/elections

Boosto ama shakhsi ahaan: 

919 SW Grady Way

Renton, WA  9805

Information of Runta News

Heading Title

Our Company

Runta News is a multimedia organization which was first found as print form in Nairobi 1995.

Newsletter

Latest News

@2025— RUNTANEWS All Rights Reserved.

Runta News Logo

@2025 — All Rights Reserved.

Newsletter