
By King County Public Health for Runta News-Seattle, Washington
Ku neefsiga qiiqa ka dhasha gubashada dhirta duurka waxey waxyeeleyn kartaa sambabaha, wadnaha, iyo guud ahaan caafimaadka qof kasta. Sannadkan waxan fileynaa cimilada oo sii kululaata iyo roobka oo yaraada— taasi oo macnaheedu ahaan karto maalmo hawadu qiiq badan uu la socdo.
Afar tallaabo oo fudud ayaa kaa caawini karta adiga iyo dadka kugu dhow si aad uga bad-baaddaan marka qiica dhir-gubashada uu hawada ku jiro.
- Hubi Jadwalka Tayada Hawada, ama loo yaqaano AQI, si aad uu ogaato sida qiic uga jiro hawada bannaanka guriga. Ka hubi xaaladda imika iyo saadaasha hawada gov, ama hoos u raac aabka hawada ama cimilada.
- Ka fogow inaad jimicsi ku sameyso dibadaha oo guriga joog marka hawadu qiic la socdo. Haddii uu khatar kugu yahay qiiqu, guriga gudihiisa gal marka halbeegga AQI uu yahay 100 ama ka badan. Dadkani waxa ka mid ah:
- Da’da 18 iyo ka yar,
- Da’da ka sarreysa 65,
- Dadka la nool xaalado wadno ama sambab sida xiiqda (asma) qaba, ama hargab hayo.
- Uur leh.
Marka halbeegga AQI yahay 150 ama uu ka sarreeyo, qof kasta waa inuu aqalka gudihiisa galaa. Haddii aad u baahan tahay inaad dibadda joogto, inaad sanka ku xirato N95 mask waxey dadka ka caawini kartaa ku neefsiga qiiqa. Maro ama maaskiga caafimaadka oo wejiga lagu xirto kaama difaaci doonaan qiiqa gubashada dhirta.
- Indhaha ku hey calaamadaha waxyeellada qiiqa. Aqalka dhexdiisa gal haddii adiga ama qof uu dareemayo madax xanuun, cuno iyo san cuncun, qufac, indho hur, wareer, ama xiiq. Ha kuu diyaarsanadaan qalablka sanka looga neefsado iyo daawooyinka. Wac ama tekisti u dir 911 haddii qof uu qabo calaamado xooggan oo uusan la neefsan karin ama xabad xanuun.
- Hawada aqalkaaga ku nadiifi filtarka HEPA. Xir dariishadaha iyo daahyada oo daar hawo qaboojiyaha AC ama marwaxadda si aad u qabowdo. Haddii aad ugu kululaaneyso aqalka dhexdiisa maalmaha uu qiiqu jiro, waxaad aaddaa meelaha dadka ka dhaxeeya ee leh qaboojiyeyaasha hawada sida laybareeriyada, xarumaha bulshada, ama moolasha.
Fadlan la wadaag farriimahan saaxiibadaada, faamilladaada, iyo dariskaaga si aad ugu caawinto iney ka badbaadaan hawada qiiqa sidata.
Intee bay la egtahay caafimaad darrada qiica dhirta gubaneysa?

Qiica ka dhasha dhir gubashada waa mid u daran caafimaadka qof kasta, gaar ahaan markaad jimicsi xooggan aad ku soo sameyso waqti dheer aqalka dibaddiisa. Gobolka Washington, baaritaannadu waxey soo ogaadeen in dad badani u baahdaan tagidda qeybta emergensiga ee cisbitaallada arrimo la xiriira wadnaha iyo sambabaha maalmaha qiicu hawada ku jiro.
Caruurta yar-yar iyo dadka da’doodu u dhaxeyso (19 jir ilaa 64 jir) ee ku jimicsida ama ku orda banaanada khatar sare ayey ugu jiraan aaditaanka qeybaha emerjensiga—taasi oo na xusuusineysa in ku ordka ama ku jimicsiga bannaanada maalmaha qiicu jiro ay khatar ku ahaan karto qof kasta.
Dadka bannaanada ka shaqeeya waxey sidoo kale qabaan dhibaatooyin caafimaad maalmaha uu qiicu jiro. Gobolka Washington wuxuu hadda farayaa hey’adaha loo shaqeeyo iney daryeelaan shaqaalaha meelaha dibadda ku shaqeeyaa, taasi oo ay ka mid tahay xirashada maaskiga. Weydii halka aad ka shaqeyso qorshahayaasha iyo waxyaabaha loogu talo galay difaaca caafimaadka qofka ee ku aaddan sharciyada cusub ee gobolka.
Waaxda Caafimaadka Guud (Public Health) waxey halkan kuugu heysaa warar intaa ka badan oo af Somali iyo Ingiriis ah: kingcounty.gov/wildfiresmoke