Nofeembar 7, 2023 Doorashada Guud iyo Gaarka

0
389

Macluumaadka diiwaan gelinta codbixiyaha iyo doorashada

Shuruudaha

Si aad isku diiwaan geliso oo aad uga codeyso Washington, waa inaad tahay:

  • Muwaadin Mareykan ah.
  • Degane sharci ahaan ku nool gobolka Washington
  • Ugu yaraan 18 sanno jir ah marka la gaaro maalinta doorashada

– Haddii aad tahay 16 ama 17 jir, waxaad isku qori kartaa kan Codbixiyaha Mustaqbalka ahaan oo si toos ah ayaa laguu diiwaan gelinayaa marka aad u qalanto.

  • Qof aan laga mamnuucin codeynta amar maxkamad awgeed
  • Qof aan lagu haynin xabsi guud oo hoos taga xukunka Waaxda Asluubta ee gobolka Washington xukun dambi-weyn oo ka dhacay Washington awgeed
  • Qof aanan hadda xabsi ugu jirin xukun dambi-weyn oo federaal ah ama mid ka dhacay gobolka Washington dibadiisa

Sida la isku diiwaan geliyo

Oonleen: Waxaad iska diiwaan gelin kartaa ama diiwaan gelintaada ka cusboonaysiin kartaa oonleenka halka VoteWA.gov — waxaad u baahnaan doontaa Leesanka Darawalnimada ee Gobolka Washington ama Aqoonsiga. Hubi inaad oonleenka iska diiwaan geliso ugu dambeyn Oktoobar 30 wakhtiga kama dambeysta ah ee Cusboonaysii diiwaan gelintaada haddii aad guurtay ama beddeshay magacaaga, ama haddii uu saxiixaagu isbeddelay. Si sahlan macluumaadkaaga uga cusboonaysii oonleenka ama soo gudbi foom diiwaan gelin cusub ugu dambeyn Oktoobar 30 ee Doorashada Guud iyo Gaarka ama shakhsi ahaan nooga soo booqo ilaa iyo Nofeembar 7, Maalinta Doorashada, mid ka mid ah xarumaheena codbixinta ee lagu soo bandhigay webseedkeena Doorashooyinka Degmada King.

Boostada: Ka soo dejiso oo daabac foomka diiwaan gelinta codbixiyaha halka kce.wiki/VoterReg si aad isku diiwaan geliso ama aad u cusboonaysiiso diiwaan gelintaada oo boostada ugu dir xafiiskeena ugu dambeyn Oktoobar 30 wakhtiga kama dambeysta ah ee Doorashada Guud iyo Gaarka ee Nofeembar 7.

Shakhsi ahaan: Waxaad shakhsi ahaan iskaga diiwaan gelin kartaa halka xarunta codbixinta ilaa iyo Nofeembar 7, Maalinta Doorashada. Si aad u hesho macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan goobaha iyo saacadaha xarumaha codbixinta, booqo kingcounty.gov/elections.

Ka dhig diiwaan gelintaada codbixiyaha inay tahay mid hadda shaqeysa

Cusboonaysii diiwaan gelintaada haddii aad guurtay ama beddeshay magacaaga, ama haddii uu saxiixaagu isbeddelay. Si sahlan macluumaadkaaga uga cusboonaysii oonleenka ama soo gudbi foom diiwaan gelin cusub ugu dambeyn Oktoobar 30 ee Doorashada Guud iyo Gaarka ama shakhsi ahaan nooga soo booqo ilaa iyo Nofeembar 7, Maalinta Doorashada, mid ka mid ah xarumaheena codbixinta ee lagu soo bandhigay webseedkeena Doorashooyinka Degmada King.

Macluumaadka warqadda codbixinta         

Maalinta Talaadada, Nofeembar 7, 2023 gudaha Degmada King, Washington, waxaa ka dhaci doona Doorashada Guud iyo Gaarka oo gebi ahaanba lagu qabanaayo adeegga boostada.

Warqad codbixin beddelaad ah

Soo wac Doorashooyinka Degmada King si aad u hesho warqad codbixin beddelaad ah haddii xirmooyinka warqaddaada codbixinta ee asalka ahayd ay kaa dhunto, xumaato, ama ay burburtay

Caawinaad ayaa diyaar ah

Caawinaadda diiwaan gelinta iyo qalabka codbixinta ee la heli karo ayaa diyaar ah. La xiriir Doorashooyinka Degmada King si aad u hesho macluumaad dheeraad ah.

Shirarka guddiga shahaadaynta doorashooyinka

Si loo buuxiyo shuruudaha qaanuuniga ah ee ku saabsan shahaadaynta warqadaha codbixinta ee doorashada, shirarka soo socda ee Guddiga Shahaadaynta Doorashooyinka waa:

  • Nofeembar 15, 1:30 p.m.

Shirka Koowaad ee Doorashada-Kadib Doorashooyinka Degmada King

  • Nofeembar 27, 1:30 p.m.

Shirka Labaad ee Doorashada-Kadib Doorashooyinka Degmada King

  • Nofeembar 28, 3:00 p.m.

Shirka Shahaadaynta Doorashooyinka Degmada King

Tijaabooyinka caqli-galnimada iyo saxnaanta ee rasmiga ah ayaa lagu qaban doonaa Waaxda Doorashooyinka Degmada King marka ay taariikhdu tahay Oktoobar 12, 2023. Tijaabinta cutubyada codbixinta la heli karo ayaa la qaban doonaa 10 a.m. Tijaabinta qalabka xisaabinta ayaa la qaban doonaa1 p.m.

Tijaabooyinka caqli-galnimada iyo saxnaanta qalabka xisaabinta ee kala barka-doorashooyinka dhexdeeda ayaa dhaci doona Nofeembar 6, 2023, 8 a.m.

Doorashooyinka Degmada King ayaa ku sugan halka 919 SW Grady Way, Renton, WA 98057. Dadweynaha ayaa lagu casuumayaa inay ka soo qayb galaan shirarka Guddiga Shahaadaynta Doorashooyinka iyo tijaabooyinka caqli-galnimada iyo saxnaanta.

 Nala soo xiriir

Taleefan: 206-296-VOTE (8683) ama 1-800-325-6165. TTY Relay: 711

Iimeel: elections@kingcounty.gov or Oonleen: kingcounty.gov/elections 

Boosto ama qof ahaan: 919 SW Grady Way Renton, WA 98057