Nofeembar 5, 2024 Doorashada Guud iyo Gaarka

0
188

Macluumaadka diiwaan gelinta codbixiyaha iyo doorashada

Shuruudaha

Si aad isku diiwaan geliso oo aad uga codeyso Washington, waa inaad tahay:

  • Muwaadin Mareykan ah
  • Degane sharci ahaan ku nool gobolka Washington
  • Ugu yaraan 18 sanno jir ah marka la gaaro maalinta doorashada

– Haddii aad tahay 16 ama 17 jir, waxaad isku qori kartaa kan Codbixiyaha Mustaqbalka ahaan oo si toos ah ayaa laguu diiwaan gelinayaa marka aad u qalanto

  • Qof aan laga mamnuucin codeynta amar maxkamad awgeed
  • Qof aan lagu haynin xabsi guud oo hoos taga xukunka Waaxda Asluubta ee gobolka Washington xukun dambi-weyn oo ka dhacay Washington awgeed
  • Qof aanan hadda xabsi ugu jirin xukun dambi-weyn oo federaal ah ama mid ka dhacay gobolka Washington dibadiisa

Sida la isku diiwaan geliyo

Oonleen

Waxaad iska diiwaan gelin kartaa ama diiwaan gelintaada ka cusboonaysiin kartaa oonleenka barta VoteWA.gov. Hubi inaad oonleenka iska diiwaan geliso ugu dambeyn Oktoobar 28 wakhtiga kama dambeysta ah ee Doorashada Guud iyo Gaarka ee Nofeembar 5.

Boostada

Ka soo dejiso oo daabac foomka diiwaan gelinta codbixiyaha barta kce.wiki/VoterReg si aad isku diiwaan geliso ama aad u

cusboonaysiiso diiwaan gelintaada oo boostada ugu dir xafiiskeena ugu dambeyn Oktoobar 28 wakhtiga kama dambeysta ah ee Doorashada Guud iyo Gaarka ee Nofeembar 5.

Shakhsi ahaan

Waxaad shakhsi ahaan iskaga diiwaan gelin kartaa barta xarunta codbixinta ilaa iyo Nofeembar 5, Maalinta Doorashada. Si aad u hesho macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan goobaha iyo saacadaha xarumaha codbixinta, booqo kingcounty.gov/elections. Ka dhig diiwaan gelintaada codbixiyaha inay tahay mid hadda shaqeysa.

Cusboonaysii diiwaan gelintaada haddii aad guurtay ama beddeshay magacaaga, ama haddii uu saxiixaagu isbeddelay. Si sahlan macluumaadkaaga uga cusboonaysii oonleenka ama soo gudbi foom diiwaan gelin cusub ugu dambeyn Oktoobar 28 ee Doorashada Guud iyo Gaarka ama shakhsi ahaan nooga soo booqo ilaa iyo Nofeembar 5, Maalinta Doorashada, mid ka mid ah xarumaheena codbixinta ee lagu soo bandhigay webseedkeena Doorashooyinka Degmada King.

Macluumaadka Warqadda Codbixinta

Maalinta Talaadada, Nofeembar 5, 2024 gudaha Degmada King, Washington, waxaa ka dhaci doona Doorashada Guud iyo Gaarka oo gebi ahaanba lagu qabanaayo adeegga boostada.

Warqadda Codbixinta Beddelaad

Soo wac Doorashooyinka Degmada King si aad u hesho warqad codbixin beddelaad ah haddii xirmooyinka warqaddaada codbixinta ee asalka ahayd ay kaa dhunto, xumaato, ama ay burburtay.

Caawinaad Diyaar ah

Caawinaadda diiwaan gelinta iyo qalabka codbixinta ee la heli karo ayaa diyaar ah. La xiriir Doorashooyinka Degmada King si aad u hesho macluumaad dheeraad ah.

Shirarka Guddiga Shahaadeynta Doorashooyinka

Si loo buuxiyo shuruudaha qaanuuniga ah ee ku saabsan shahaadaynta warqadaha codbixinta ee doorashada, shirarka soo socda ee Guddiga Shahaadaynta Doorashooyinka waa:

  • Nofeembar 13, 1:30 p.m.

Shirka Koowaad ee Doorashada-Kadib

Lagu qabanaayo barta Doorashooyinka Degmada King

  • Nofeembar 20, 1:30 p.m.

Shirka Labaad ee Doorashada-Kadib

Lagu qabanaayo barta Doorashooyinka Degmada King

  • Nofeembar 25, 1:30 p.m.

Shirka Saddexaad ee Doorashada-Kadib

Lagu qabanaayo barta Doorashooyinka Degmada King

  • Nofeembar 26, 3:00 p.m.

Shirka Shahaadaynta Lagu qabanaayo muuqaal ahaan barta bogga Facebook-ga ee Doorashooyinka Degmada King

Tijaabooyinka caqli-galnimada iyo saxnaanta ee rasmiga ah ayaa lagu qaban doonaa Waaxda Doorashooyinka Degmada King marka ay taariikhdu tahay Oktoobar 10, 2024. Tijaabinta cutubyada codbixinta la heli karo ayaa la qaban doonaa 9 a.m. Tijaabinta qalabka xisaabinta ayaa la qaban doonaa 1 p.m.

Tijaabooyinka caqli-galnimada iyo saxnaanta qalabka xisaabinta ee kala barka-doorashooyinka dhexdeeda ayaa dhaci doona Nofeembar 4, 2024, 8:00 a.m.

Doorashooyinka Degmada King ayaa ku sugan barta 919 SW Grady Way, Renton, WA 98057. Ciwaanka bogga Facebook-ga ee Doorashooyinka Degmada King waa facebook.com/kcelections. Dadweynaha ayaa lagu casuumayaa inay ka soo qayb galaan shirarka Guddiga Shahaadaynta Doorashooyinka iyo tijaabooyinka caqli-galnimada iyo saxnaanta.

Nala Soo Xiriir

Taleefan: 206-296-VOTE (8683)

1-800-325-6165

TTY Relay: 711

Iimeel: [email protected]

Oonleen: kingcounty.gov/elections

Boosto ama shakhsi ahaan:

919 SW Grady Way

Renton, WA 98057