Home FEATURED Ka Faa’iideysiga Beeraha Nasiinada Xilliga Samarka

Ka Faa’iideysiga Beeraha Nasiinada Xilliga Samarka

0

Sawirka waxa ka muuqda bidix Sheikh Abdulkadir Jama, Abdullahi Idris Mohamed (dhexda) iyo Hassan Abati oo ku midoobay urur la yiraahdo Walk for Wellness oo laga asaasay Seattle, Washington.

Waxa diyaariyey Mohamud Yussuf, Tifaftiraha Runta News

Waqti kula qaado saaxiibadaada iyo faamilkaaga ama raashin kula wadaag beeraha nasiinada, ama caruurtaada u kaxee garoomada caruurtu ku ciyaaraan, ama ku soo lugee meelaha lagu soo lugo baxsado ee gurigaaga ka ag dhow si aad ugu xirnaato deegaanada dabiiciga ah. Iyadoo ay jiraan boqollaal jardiinooyin, wadiiqooyinka lagu socodo, iyo goobo dabiici ah oo ku baahsan deegaanka ayey waaxda jardiinooyinka ee King County Parks qof kasta u heysaa wax gaar ah. Waxyaabahani waxad ka heli kartaa gurigaaga ama aqalkaaga dhabarkiisa. Fadlan Booqo www.kingcounty.gov/FunFinder si aad u qorsheysato inaad deegaanada dabiiciga ah ku soo raaxeysato.

Sidee Ku Ogaan Kartaa Beerta Nasiinada ee Gurigaaga Dhabarkiisa ah?

Ma ogtahay in degmada King County ay leedahay in ka badan 200 oo jardiinooyin iyo wadiiqooyin lagu socodo oo qeyb ka ah nidaamka Beeraheena nasiinada? Waa markii ugu horreysay weligeed in aad qorsheysan karto inaad ku soo raaxeysato meelaha dabiiciga ah adigoo isticmaalaya maabka aabka (Backyard FunFinder) oo kuu tilmaamaya meelaha lagu nasto ee aqalkaaga dhabarkiisa ku yaalla. Qalabkani cusub wuxuu hal meel isugu keenayaa dhammaan jardiinooyinka ama beeraha lagu nasto ee dagmada King County, wadiiqooyinka lagu luggeeyo, iyo meelaha dhirta leh ee dabiiciga ah ee indhahana u roon. Qalabkani waxad ku baaran kartaa meelaha kuugu dhow, waxyaabaha laga heli karo ama ku diyaarsan, iyo fursadaha ka jira meelaha dabiiciga ah ee lagu soo raaxeysto. Waxa intaa dheer inaad ka fiirin karto halka ugu dhow ee bas loogu aadi karo meelahaasi iyo haddii ay jiraan caqabado ku saabsan dhismooyin ka socda halkaasi ama jidadku xiran yihiin.

Fadlan booqo www.kingcounty.gov/FunFinder si aad wax uga ogaato.

Wadiiqada Tooska ah (Trailhead Direct)

Waxa la joogaa xilliga ay mar kale ay soo laabanayeen adeegyada King County Parks iyo King County Metro ee Trailhead Direct. Ka faa’iideyso xilligan sida fiican dadku ugu raaxeystaan adeegyada muddeysan ee basaska dadweynaha ee ku geynaya wadiiqooyinka lagu soo lugo baxsado iyadoo basasku kaa qaadayaan magaalada. Halkan ka ogow xilliyada iyo maalmaha iyo jidadka ay maraan basaskaasi iyo meelaha dabiiciga ah ee ay dadka u qaadaan ama geeyaan www.TrailheadDirect.org

Baska Bulshada (Community Van)

Ma dooneysaa inaad dibadda la aaddo koox? Baska bulshadu waa adeeg bas oo dadka u saamaxaya iney gaari wadaagi karaan, waxad u dalbi kartaa ilaa dad gaaraya 12 qof oo qarashka lagu raacayo uusan ka badneyn qiimaha basaska King County Metro lagu raaco. Qarashkaa yar ee lagu raacayo wuxuu ku filnaan karaa qiimaha gaaska ama baansiinka, tooliska buundooyinka lagu bixiyo, iyo inshuuransiga ama ceymiska gaariga. Basaskani bulshada waxey sidoo kale qaadi karaan dadka ku socda kuraasta lugaha leh (wheelchairs). Si aad wax badan uga ogaato baska bulshada ee loo yaqaano Community Van, ama aad uga mid noqoto darawallada folenteerka ah, ama aad u qorsheysato socdaal aad ku aadeyso deegaanada dabiiciga ah, fadlan maantaba booqo www.KingCounty.gov/CommunityVan

Bad-qabka Biyaha (Water Safety)

Iyadoo jawigu kulul yahay, waxanu dhammaanteen jecel nahay inaan dhex dabaalanno biyaha. Fadlan naftaada badbaadi kuna raaxeyso meelaha bannaamanka ah adigoo maanka ku heynaya tilmaamaha loogu talo galay amniga iyo bed-qabka biyaha ee ay ku talineyso waaxda beeraha nasiinada ee King County Parks. Warar intaa ka badan kaga bogo www.kingcounty.gov/parks

Dadka la Wadaag Wadiiqooyinka Socodka  

Haddii aad tahay qof baaskiil wata, ama soconaya, ama rucleynaya, waaxda jardiinooyinka King County Parks waxey kuu heysaa wadiiqooyin ama meelo lagu lugeeyo oo dherersan boqollaal meyl si aad ugu raaxeysato. Marka aad meelahaasi waqti ku qaadaneyso, fadlan dadka la wadaag wadiiqooyinkaasi. Dadka baaskiillada ku socda waa in orodkoodu aannu dhaafin 15 meyl saacaddiiba, oo isla markaana dhinac uga beyraan dadka lugeynaya, oo dhinaca bidix ay ka gudbaan. Qeyli ama gambaleelka ka dhawaaji si aad dadka uga digto inaad ku soo dhowdahay.

Si farxad leh ugu raaxeyso baaraha nasiinada iyo wadiiqooyinka lagu lugo baxsado. Deegaanada dabiiciga waxey nafta ugu raaxeeyaan hawo nadiif ah, waxey indhaha siiyaan muuqaallo midabbo kala duwan iney arkaan sida dhirta, ubaxa, harooyin biyuhu fadhiyaan, iyo buuro dhaadheer oo qaarkood baraf ku daboolan yihiin. Fadlan naftaada, qoyskaaga, iyo saaxiibadaada barnaamijyadan uga faa’iidee adinkoo koox koox meelahaasi booqasho ugu aadaya maalmaha fasax ah ama toddobaadka dhamaadkiisa.

Information of Runta News

Heading Title

Our Company

Runta News is a multimedia organization which was first found as print form in Nairobi 1995.

Newsletter

Latest News

@2025— RUNTANEWS All Rights Reserved.

Runta News Logo

@2025 — All Rights Reserved.

Newsletter