Home FEATURED Nofeembar 4, 2025 Doorashada Guud iyo Gaarka ah Macluumaadka diiwaan gelinta codbixiyaha iyo doorashada

Nofeembar 4, 2025 Doorashada Guud iyo Gaarka ah Macluumaadka diiwaan gelinta codbixiyaha iyo doorashada

0

 

Macluumaadka diiwaan gelinta codbixiyaha

Shuruudaha

Si aad isku diiwaan geliso oo aad uga codeyso Washington, waa inaad tahay:

  • Muwaadin Mareykan ah
  • Degane sharci ahaan ku nool gobolka Washington
  • Ugu yaraan 18 sanno jir ah marka la gaaro maalinta doorashada

– Haddii aad tahay 16 ama 17 jir, waxaad isku qori kartaa kan Codbixiyaha Mustaqbalka ahaan oo si toos ah ayaa laguu diiwaan gelinayaa marka aad u qalanto

  • Qof aan laga mamnuucin codeynta amar maxkamad awgeed
  • Qof aan lagu haynin xabsi guud oo hoos taga xukunka Waaxda Asluubta ee gobolka Washington xukun dambi-weyn oo ka dhacay Washington awgeed
  • Qof aanan hadda xabsi ugu jirin xukun dambi-weyn oo federaal ah ama mid ka dhacay gobolka Washington dibadiisa

Sida la isku diiwaan geliyo

Oonleen

Waxaad iska diiwaan gelin kartaa ama diiwaan gelintaada ka cusboonaysiin kartaa oonleenka barta VoteWA.gov. Hubi inaad oonleenka iska diiwaan geliso ugu dambeyn Oktoobar 27 wakhtiga kama dambeysta ah ee Doorashada Guud iyo Gaarka ah ee Nofeembar 4.

Boostada

Ka soo degso oo daabac foomka diiwaan gelinta codbixiyaha barta kce.wiki/VoterReg si aad isku diiwaan geliso ama aad u cusboonaysiiso diiwaan gelintaada oo boostada ugu dir xafiiskeena ugu dambeyn Oktoobar 27 wakhtiga kama dambeysta ah ee Doorashada Guud iyo Gaarka ah ee Nofeembar 4.

Shakhsi ahaan

Waxaad shakhsi ahaan iskaga diiwaan gelin kartaa barta xarunta codbixinta ilaa iyo Nofeembar 4, Maalinta Doorashada. Si aad u hesho macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan goobaha iyo saacadaha xarumaha codbixinta, booqo kingcounty.gov/elections.

Ka dhig diiwaan gelintaada codbixiyaha inay tahay mid hadda shaqeysa

Cusboonaysii diiwaan gelintaada haddii aad guurtay ama beddeshay magacaaga, ama haddii uu saxiixaagu isbeddelay. Si sahlan macluumaadkaaga uga cusboonaysii oonleenka ama soo gudbi foom diiwaan gelin cusub ugu dambeyn Oktoober 27 ee Doorashada Hordhaca iyo Gaarka ah ama shakhsi ahaan nooga soo booqo ilaa iyo  Nofeembar 4, Maalinta Doorashada, mid ka mid ah xarumaheena codbixinta ee lagu soo bandhigay webseedkeena Doorashooyinka Degmada King.

Macluumaadka warqadda codbixinta  

Maalinta Talaadada, Nofeembar 4, 2025 gudaha Degmada King, Washington, waxaa ka dhaci doonta Doorasho Gaar ah oo gebi ahaanba lagu qabanaayo adeegga boostada.

Warqad codbixin beddelaad ah

Soo wac Doorashooyinka Degmada King si aad u hesho warqad codbixin beddelaad ah haddii xirmooyinka warqaddaada codbixinta ee asalka ahayd ay kaa dhunto, xumaato, ama ay burburtay.

Caawinaad diyaar ah

Caawinaadda diiwaan gelinta iyo qalabka codbixinta ee la heli karo ayaa diyaar ah. La xiriir Doorashooyinka Degmada King si aad u hesho macluumaad dheeraad ah.

Shirarka guddiga shaahadeynta doorashooyinka

Si loo buuxiyo shuruudaha qaanuuniga ah ee ku saabsan shahaadaynta warqadaha codbixinta ee doorashada, shirarka soo socda ee Guddiga Shahaadaynta Doorashooyinka waa:

Nofeembar 12, 1:30 p.m.

Shirka Koowaad ee Doorashada-Kadib oo Lagu qabanayo Xarunta Doorashooyinka Degmada King

Nofeembar 19, 1:30 p.m.

Shirka Labaad ee Doorashada-Kadib oo Lagu qabanayo Xarunta Doorashooyinka Degmada King

Nofeembar 24, 1:30 p.m.

Shirka Saddexaad ee Doorashada-Kadib oo Lagu qabanayo Xarunta Doorashooyinka Degmada King

Nofeembar 25, 3:00 p.m.

Shirka Shahaadaynta oo Muuqaal ahaan loogu qabanayo bogga Facebook-ga ee Doorashooyinka Degmada King.

Tijaabooyinka caqli-galnimada iyo saxnaanta ee rasmiga ah ayaa lagu qaban doonaa Waaxda Doorashooyinka Degmada King marka ay taariikhdu tahay Oktoobar 9, 2025. Tijaabinta cutubyada codbixinta la heli karo ayaa la qaban doonaa 9 a.m. Tijaabinta qalabka xisaabinta ayaa la qaban doonaa 1 p.m.

Tijaabooyinka caqli-galnimada iyo saxnaanta qalabka xisaabinta ee kala barka-doorashooyinka dhexdeeda ayaa dhaci doona Nofeembar 3, 2025, 8:00 a.m.

Doorashooyinka Degmada King ayaa ku sugan barta 919 SW Grady Way, Renton, WA 98057. Ciwaanka bogga Facebook-ga ee Doorashooyinka Degmada King waa facebook.com/kcelections. Dadweynaha ayaa lagu casuumayaa inay ka soo qayb galaan shirarka Guddiga Shahaadaynta Doorashooyinka iyo tijaabooyinka caqli-galnimada iyo saxnaanta.

Nala soo xiriir

Taleefan: 206-296-VOTE (8683)

1-800-325-6165. TTY Relay: 711

Iimeel: elections@kingcounty.gov

Oonleen: kingcounty.gov/elections

Boosto ama shakhsi ahaan:

919 SW Grady Way Renton, WA 98057

Information of Runta News

Heading Title

Our Company

Runta News is a multimedia organization which was first found as print form in Nairobi 1995.

Newsletter

Subscribe our newsletter for latest world news. Let's stay updated!

Latest News

@2025— RUNTANEWS All Rights Reserved.

Runta News Logo

@2025 — All Rights Reserved.

Newsletter

Subscribe our newsletter for latest world news. Let's stay updated!