Mushaharka Ugu Yar Deegaanada Qaar ee King County oo Dhowaan la Kordhin Doono

0
133

Runta News-Seattle, November 8, 2024

Bishii May ee sanadkan, Golaha Deegaanka ee Demgada King County, wuxuu oggolaaday qorshe, marka la hirgaliyo, kor u qaadi doona lacagta ugu yar ee looga shaqeeyo dagmooyinka aan meelna raacsaneyn ee hoos yimaada King County taasi oo gaari doonta $20 doolar saacaddii. Iyadoo sharcigan uu soo diyaariyey qaar ka mida Xubnaha Golaha Deegaanka sida Rod Dembowski, Teresa Mosqueda, iyo Jorge L. Barón, ayaa sharciga waxa uu diiradda saari doonaa in kor loogu qaado mushaharrada deegaannada aan degmooyinka raacsaneyn oo mushaharkoodu ka hooseeyo magaalooyinka u dhow-dhow ama la dariska ah kuwaasi mushaarkoodu ama saacadda lagu shaqeeyo aad uga badan yihiin mushaharka caadiga ka ah degmooyinkaasi kale.
1da Bisha Janaayo, 2025, lacagta ugu yar ee saacaddii looga shaqeyn doono deegaanada aan degmooyinka raacsaneyn ee King County wuxuu ahaan doonaa $20.29 doolar saacaddii. Waxaase jiri doona seddex xaaladood oo si gaar ah uga reebanaan doonta iyadoo lagu saleynayo, cabbirka ganacsiga iyo dakhliga guud ee usoo xarooda.
“Iyadoo qiimaha nolosha cirka isku shareereyso deegaanada King County, waxa muhiim ah in shaqaalaha gobolkeenu ay heli karaan hab ay ku noolaadaan. Hal shaqo waa iney ku filnaan kartaa baahideena joogtada sida in kirada guriga la iska bixin karo iyo ka soo adeegashada suuqa. Maanta, Golaha Deegaanka King County wuxuu qaaday tallaabo muhiim ah oo lagu gaarayo ujeedadaasi laguna dhaqan gelinayo xeerka lacagta ugu yar ee lagu shaqeyn karo,” ayuu yiri Xubinta Golaha Deegaanka ee King County mudane Girmay Zahilay, oo oggolaaday sharcigan.
Maxey tani ula macne tahay kuwa loo shaqeeyo?
Laga bilaabo 1da Janaayo, 2025, lacagta ugu yar ee saacaddii lagu shaqeyn karo ee deegaanada aan meelna raacsaneyn ee degmada King County waxey ahaaneysaa $20.29 doolar, iyadoo si ku meel gaar ah looga reebayo ganacsiyada yar-yar ee dakhligoodu hooseeyo una shaqeeyaan shaqaale tiro kooban. Mushaharka ugu yar waxa dib u eegis lagu sameyn doonaa 1da bisha Janaayo ee sanad kasta.
Maxey tani ula macne tahay shaqaalaha?
Laga bilaabo 1da Janaayo, 2025, mushaharka ugu yar ee saacaddii ee deegaanka aan meelna raacsaneyn ee degmada King County waxa uu ahaanayaa $20.29 doolar, iyadoo si ku meel gaar ah looga reebayo ganacsiyada yar-year oo dakhligoodu yar yahay shaqaalahooduna kooban yihiin. Mushaharka ugu yar waxa dib u eegis lagu sameyn doonaa 1da bisha Janaayo ee sanad kasta.
Degmada King County waxey ka howlan tahay faah-faahinta la xiriirta fulinta sharcigan cusub. Bilaha soo socda, waxanu idinla socodsiin doonnaa aaraa’da dadku ka qabaan fulinta sharcigan la soo bandhigay. Taladaadu ama ra’yigaagu waxey naga caawini doontaa sida loo fulinayo iyo sida dadka loola xiriirayo.
Faah-faahin intaa dheer, fadlan booqo Unincorporated King County/Minimum-wage