Maarso 12, 2024 Doorashada Hordhaca Madaxweynaha

0
193

Macluumaadka diiwaan gelinta codbixiyaha iyo doorashada

Macluumaadka diiwaan gelinta codbixiyaha              

Shuruudaha

Si aad isku diiwaan geliso oo aad uga codeyso Washington, waa inaad tahay:

  • Muwaadin Mareykan ah
  • Degane sharci ahaan ku nool gobolka Washington
  • Ugu yaraan 18 sanno jir ah marka la gaaro maalinta doorashada

– Haddii aad tahay 16 ama 17 jir, waxaad isku saxiixi kartaa kan

Codbixiyaha Mustaqbalka ahaan oo si toos ah ayaa laguu diiwaan

gelinayaa marka aad u qalanto

  • Qof aan laga mamnuucin codeynta amar maxkamad awgeed
  • Qof aan lagu haynin xabsi guud oo hoos taga xukunka Waaxda Asluubta ee gobolka Washington xukun dambi-weyn oo ka dhacay Washington awgeed
  • Qof aanan hadda xabsi ugu jirin xukun dambi-weyn oo federaal ah ama mid ka dhacay gobolka Washington dibadiisa

Sida la isku diiwaan geliyo

Oonleen

Waxaad iska diiwaan gelin kartaa ama diiwaan gelintaada ka cusboonaysiin kartaa oonleenka halka VoteWA.gov — waxaad u baahnaan doontaa Leesanka Darawalnimada ee Gobolka

Washington ama Aqoonsiga. Hubi inaad oonleenka iska diiwaan geliso ugu dambeyn Maarso 4 wakhtiga kama dambeysta ah ee Doorashada Hordhaca Madaxweynaha ee Maarso 12.

Boostada

Ka soo dejiso oo daabac foomka diiwaan gelinta codbixiyaha halka kce.wiki/VoterReg si aad isku diiwaan geliso ama aad u

cusboonaysiiso diiwaan gelintaada oo boostada ugu dir xafiiskeena ugu dambeyn Maarso 4 wakhtiga kama dambeysta ah ee Doorashada Hordhaca Madaxweynaha ee Maarso 12.

Shakhsi ahaan

Waxaad shakhsi ahaan ilaa iyo Maarso 12, Doorashada Hordhaca Madaxweynaha, iska diiwaan gelin kartaa halka xarunta codbixinta. Si aad u hesho macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan goobaha iyo saacadaha xarumaha codbixinta, booqo kingcounty.gov/elections.

Ka dhig diiwaan gelintaada codbixiyaha inay tahay mid hadda shaqeysa

Cusboonaysii diiwaan gelintaada haddii aad guurtay ama beddeshay magacaaga, ama haddii uu saxiixaagu isbeddelay. Si sahlan macluumaadkaaga uga cusboonaysii oonleenka ama soo gudbi foom diiwaan gelin cusub ugu dambeyn Maarso 4 ee Doorashada Hordhaca Madaxweynaha ama shakhsi ahaan nooga soo booqo ilaa iyo Maarso 12, Maalinta Doorashada, mid ka mid ah xarumaheena codbixinta ee lagu soo bandhigay webseedkeena Doorashooyinka Degmada King.

Macluumaadka warqadda codbixinta         

Maalinta Talaadada, Maarso 12, 2024 gudaha Degmada King, Washington, waxaa ka dhaci doona Doorashada Hordhaca Madaxweynaha oo gebi ahaanba lagu qabanaayo adeegga boostada.

Warqad codbixin beddelaad ah

Soo wac Doorashooyinka Degmada King si aad u codsato warqad codbixin beddelaad ah haddii xirmooyinka warqaddaada codbixinta ee asalka ahayd ay kaa dhunto, xumaato, ama ay burburto.

Caawinaad ayaa diyaar ah

Caawinaadda diiwaan gelinta iyo qalabka codbixibta ee la heli karo ayaa diyaar ah. La xiriir Doorashooyinka Degmada King si aad u hesho macluumaad dheeraad ah.

Shirarka guddiga shahaadaynta doorashooyinka   

Si loo buuxiyo shuruudaha qaanuuniga ah ee ku saabsan shahaadaynta warqadaha codbixinta ee doorashada, shirarkan soo socda ee Guddiga Shahaadaynta Doorashooyinka waa:

Maarso 21, 2:00 p.m.

Shirka ugu horeeya/dambeeya ee Doorashada-Kadib Doorashooyinka Degmada King

Maarso 22, 1:00 p.m.

Shirka Shahaadaynta Doorashooyinka Degmada King

Tijaabooyinka caqli-galnimada iyo saxnaanta ee rasmiga ah ayaa lagu qaban doonaa Waaxda Doorashooyinka Degmada King marka ay taariikhdu tahay Febraayo 15, 2024. Tijaabinta cutubyada codbixinta la heli karo ayaa la qaban doonaa 10 a.m. Tijaabinta qalabka xisaabinta ayaa la qaban doonaa 1 p.m.

Tijaabooyinka caqli-galnimada iyo saxnaanta qalabka xisaabinta ee kala barka-doorashooyinka dhexdeeda ayaa dhaci doona Maarso 11, 2024, 8:00 a.m.Doorashooyinka Degmada King waxay ku sugan tahay halka 919 SW Grady Way, Renton, WA 98057. Dadweynaha ayaa lagu casuumayaa inay ka soo qayb galaan shirarka Guddiga Shahaadaynta Doorashooyinka iyo tijaabooyinka caqli-galnimada iyo saxnaanta.

Nala soo xiriir

Taleefan:

206-296-VOTE (8683)

1-800-325-6165

TTY Relay: 711

Iimeel:

elections@kingcounty.gov

Oonleen:

kingcounty.gov/elections

Boosto ama shakhsi ahaan:

919 SW Grady Way Renton, WA 98057