Ku neefsiga qiiqa ka yimaada gubashada dhirta duurka waxey waxyeeleysaa sambabaha, wadnaha, iyo guud ahaan caafimaadka qof kasta. Sannadkan waxanu filaneynaa jawi kulul iyo roob yari— taasi oo macnaheedu tahay maalmo badan oo qiiq wata.
Afar tallaabo oo sahlan ayaa adiga iyo dadka kugu dhow kaa caawini kara inaad nabad gashaan marka qiiqa dhirta gubaneysa uu hawada la socdo.
- Isha ku hay Ifafaalaha Tayada Hawada, ama AQI, si aad u aragto in hawada guriga dibaddiisa qiiq leedahay. Kala soco xaaladaha iyo saadaasha hawada AirNow.gov, ama hoos u raac aabkaaga cimilada ee (weather app).
- Ka fogow inaad ku dhaq-dhaqaado banaanka iyo inaad guriga gasho marka hawadu qiiq wadato. Haddii aad halis u tahay ku neefsiga qiiqa, gudaha gal haddii qiyaasta AQI 100 ka sarreyso. Dadkani waxa ka mida:
- Da’da 18 iyo wixii ka yar,
- Da’da 65 iyo wixii ka weyn,
- Dadka xaalad wadnaha iyo sambabaha qaba sida asmada ama hargab.
Dumarka uurka leh.
Marka cabbirka AQI yahay ama sarreeyo 150, qof kasta waa inuu gudaha galaa. Haddii aad u baahan tahay inaad dibadda joogto, maaskiga N95 mask ayaa dadka badankii ka caawini kara qiiqa. Calal ama maaskiga dhaqaariirtu xirtaan kaama celin karaan qiiqa ka dhasha dabka duurka.
- Indhaha ku hay calaamadaha qiiqu sababo.Qofka gudaha ku xaree haddii uu dareemayo madax xanuun, cuno xanuun, sanka, qufac, indho cun-cun, wareer, ama xiiq. Agtaada ha yaaleen qalabka lagu neefsado iyo daawooyinka. Wac ama tekesti u dir 911 haddii qof halis ah ugu jiro ku neefsiga qiiqa, sida dhib ka heysta neefsiga ama xabad xanuun.
- Qolalka aqalkaaga ku nadiifi filterka meshiinka hawada ee HEPA. Dariishadaha, daahyada, iyo daboollada xir oo isla markaana qaboojiyaha hawada ama marwaxaduhu ha kuu shidnaadeen. Haddii aad ku kululaaneyso gudaha aqalka, aad meelaha dadka u dhaxeeya ee hawada qobow leh, sida maktabadaha, xarumaha bulshada, ama moolashada laga dukaameysto.
Fadlan la wadaag farriimahani saaxiibbadaa, qoyskaaga, iyo dariskaaga si aad ugu caawinto iney ka nabad galaan qiiqa hawada la socda.
Sidee buu Caafimaad darro u yahay qiiqa dabka duurka?
Qiiqa dabka duurka wuxuu u daran yahay caafimaadka qof kasta, gaar ahaan marka qofka orod iyo jimcsi ka yimaado ama waqti dheer ku soo qaato guriga dibaddiisa. Marka Gobolka Washington gudihiisa la joogo, baarayaashu waxey ogaadeen in dad badan u baahdaan iney booqdaan cisbitaallada qeybta xaaladaha deg-degga sababo la xiriira wadnaha iyo sambabaha maalmaha qiicu jiro.
Caruurta iyo da’ yarta u dhaxeysa (19 ilaa 64) ee ku ciyaara guriga dibaddiisa waxey aad halis ugu jiraan iney qeybta cisbitaalka imerjensiga booqdaan —taasi oo na xusuusineysa in ku ciyaarista dibadaha maalmaha qiiqu jiro ay halis ku keeni karto qof kasta.
Shaqaalaha dibadaha ka shaqeeya waxey sidoo kale qabi karaan xaalado caafimaad darro maalmaha qiicu jiro. Gobolka Washington waxa uu imika farayaa in la difaaco shaqaalaha ka shaqeeya banaanka, iyo iney xirtaan maaski ama afka iyo sanka dabooshaan. Weydii halka aad ka shaqeyso qorshayaasha iyo adeegyada si ay fuliyaan sharciyada cusub ee gobolku soo saaray.
Hey’adda Public Health wararkeeda oo Somali iyo English ah kala socon kartaa halkan: kingcounty.gov/wildfiresmoke