Home FEATURED Diyaar Ma u Tahay Kuleylaha? Halkan Waxa Ah Sida Aad Uga Nabad Geli Karto Jirkaagana Qabow u Ahaan Karo

Diyaar Ma u Tahay Kuleylaha? Halkan Waxa Ah Sida Aad Uga Nabad Geli Karto Jirkaagana Qabow u Ahaan Karo

0

Samarkan ama xagaaga waxa uu ahaan doonaa mid aad kulul galbeedka Washington, sida laga soo xigtay kuwa saadaaliya cimilada ee gobolka. Badanaa kama fakarno in Pacific Northwest ama Wuqooyiga Galbeed ee Mareykanku yahay deegaano kulul, laakinse sababo la xiriira isbeddelka cimilada, heer-kulku waa siyaadayaa. Taasi waxey ahaan kartaa xaalad caafimadaad maxaa yeelay mar kasta oo uu jiro hir kulul, gobolkeenu waxa ku soo kordha tirada dadka la kulma dhibaatooyin la xiriira dhinaca caafimaadka sida wadno xanuun, qalal, iyo kilyaha oo shaqada ka fariista. Iyadoo guryaheena iyo abaartamiintooyinkeenu gobolkan Wuqooyiga Galbeed aaney ku qalabeysneyn qaboojiyeyaalka hawada, taasi macnaheedu waxey tahay iney muhiim tahay inaad ogaato tallaabooyinka aad qaadi karto si aad u ahaato qof qabooban maalmaha kuleylku aad u sareeyo.

Ma Ogtahay Sida Aad Ugu Nugushahay Kuleylka?

Cimilada jilicsan ee ka jirta Wuqooyiga Galbeed waxey naga dhigtaa kuwo u nuglaada kuleylka, gaar ahaan ka dib marka lagu soo noolaado waqti dheer oo qabow ah iyo roobab. Dadka qaar waxey u dareemaan kuleylka si ka badan kuwa kale waana in ay taxaddaraan marka heer kulku kor aado, sida:

  • Dadka da’doodu tahay 65 iyo ka weyn
  • Caruurta yar-yar (gaar ahaan kuwa ku jira gaari baarkin-gareysan)
  • Dadka qaba xaalado daran oo caafimaad iyo cudurro maskaxda ah.
  • Dadka dibad ku nool ah ama hoyga la’
  • Shaqaalaha bannaanka ka shaqeeya
  • Ciyaartoyda ku jimicsada meelaha bannaan.

 

Qaar ka mida dawooyinka la qaato waxey sii adkeeyaan in jirkaagu biyuhu heysto iyo in heer kulkiisu isu dheelli-tirnaado xilliga kuleylaha, daawooyinkaasi oo ay ka mid yihiin kuwa loo qaato alerjiga iyo hargabka, cunaha, niyad jabka, wadnaha/dhiig-karka, iyo culeyska jirka lagu yareeyo. Sokorta iyo xaaladaha kale ee caafimaad waxey sidoo kale kugu keeni karaan xaalad caafimaad oo qatar ah marka jawiga kulul yahay. Dhakhtarkaaga weydii haddii laga yaabo inaad u nugushahay kuleylka.

Haddii aad halis ugu jirto, taxaddarkaaga kordhi si aad jirkaagu qabow u ahaado, biyo badan cab, nasiino badan qaado haddii aad dareemeyso in jirkaagu kuelylka ku saa’idayo.

Sidee baad uga badbaadi kartaa kuleylka

Haddii aadan qabin qaboobijaha hawada, meelaha aad ku nooshahay ka dhig meelo qabow xilliga cimiladu aad u kulushahay adigoo xiraya daahyada ama dariishadaha si aad kulka qorraxda banaanka ugu heyso, isla markaana isticmaal marwaxado si hawada isugu wareegato-baaquli baraf ka buuxo oo la hoos dhigo marwaxadda waxey caawini kartaa in hawada qabowdo. Mararka qaarkiis gudaha guriga way ka kululaan kartaa dibadda. Haddii guriga aad u kululaado, dibadda u bax oo raadso meel har leh. Booqo meelaha dadku isugu yimaadaan ee leh qaboojiyeyaasha hawada sida laybareeriyada, moolasha, iyo xarumaha bulshada. Haddii aad dareemeyso in jirkaagu aad u kulul yahay, shukumaan biyo qabow la geliyey madaxa saaro, biyo qabow ku qubeyso, si tartiib ahna u cab ama u fiiqso cabitaan qabow si jirkaagu biyo u helo ama aanu u oomin.

Booqo kingcounty.gov/BeatTheHeat si aad u hesho farriimo ku saabsan sida aad u ahaato qof qabownaada.

Information of Runta News

Heading Title

Our Company

Runta News is a multimedia organization which was first found as print form in Nairobi 1995.

Newsletter

Subscribe our newsletter for latest world news. Let's stay updated!

Latest News

@2025— RUNTANEWS All Rights Reserved.

Runta News Logo

@2025 — All Rights Reserved.

Newsletter

Subscribe our newsletter for latest world news. Let's stay updated!