Dhinac U Gudub. Socodka Gaabi

0
516

By Mohamud Yussuf

Guddiga Badbaadada Waddooyinka Gobolka Washington ayaa dhowaan waxa ay soo saareen muuqaal fiidiyo ah https://vimeo.com/rosethrow/review/797534170/b01d13e04b oo ay dadka ku wacyi gelinayaan sharciga Washington State law ee faraya in dadku taxaddaraan marka ay arkaan shaqaalaha dayarctirka waddooyinka oo ku howlan shaqo dib u dhis ama hagaajin ah.

Muuqaalka fiidiyowga oo luqadaha lagu baahiyey uu Soomaaligu ka mid yahay, ayaa waxa uu ku guubaabinayaa dadweynaha iyo darawallada iney dhug gaar ah u yeeshaan hareerahooda mar kasta oo ay gaari wadaan. Wuxuu si gaar ah fiidiyowga oo wata muuqaallo kala duwan tilmaamayaa in dhug loo yeesho gawaarida adeegga ee nalalkooda biligleynayaan. Waxa darawallada lagula talinayaa iney dhinac u beyraan marka kasta oo 200 fiit hortooda uga soo muuqdaan gawaarida adeegga bulshada iyo dhismaha.

Waxa uu fiidiyowga sidoo kale si gaar ah darawallada ugu guubaabinayaa iney fiiro gaar u yeeshaan gawaarida gurmadka deg-degga ah sida ambalaasta. Gawaarida noocaasi ah marka aad aragto waa inaad socodka gaabisaa dhinacna aad uga beyrtaa sida adigoo u gubaya dhinaca kale ee waddada si gawaaridaasi firaaqo u helaan.  

Digniintan ama wacyi gelintan oo guddiga badbaadada waddooyinka gobolka Washington la wadaagayo bulshada waxa looga gol leeyahay in la ilaaliyo nabadda guud iyo gaar ahaan nabadda shaqaalaha jidadka inoo dayactira. Waxey shaqaalahaasi naga mudan yihiin ixtiraam iyo qaddarin maadaama ay inoo hayaan howlo bulshada dan u ah. Haddaan giddigeen is kaashanno, waxa inoo suurto gal noqoneysa in qof kasta fiidkii aqalkiisa u hoydo isagoo nabad ah.

Haddaba fadlan ku dadaal inaad gacan ku siiso guddiga badbaadada waddooyinka gobolka Washington in farriintani sharciga ah si dhab ah loo qaato maxaa yeelay danteena ayaa ku jirta inaan helno waddooyin bad-qaba, innagoo isla markaana ilaalineyna ammaanka shaqaalaha inooga shaqeeya hagaajintooda iyo dayactirkooda.