Home FEATURED Diyaar Ma u Tahay Kuleylaha? Halkan ka Fiiri Sida aad uga Nabad Geli Karto, Jirkaagana Qabow u ahaan Karo

Diyaar Ma u Tahay Kuleylaha? Halkan ka Fiiri Sida aad uga Nabad Geli Karto, Jirkaagana Qabow u ahaan Karo

0

 

 

Waxa soo diyaariyey Waaxda Caafimaadka Guud ee (King County Public Health)

Samarkan ama xagaaga waxa uu ahaan doonaa mid aad kulul galbeedka Washington, sida laga soo xigtay kuwa saadaaliya cimilada ee gobolka. Badanaa kama fakarno in Pacific Northwest ama Wuqooyiga Galbeed ee Mareykanku yahay deegaano kulul, laakinse sababo la xiriira isbeddelka cimilada, heer-kulku wuu siyaadayaa. Taasi waxey ahaan kartaa xaalad caafimaad maxaa yeelay mar kasta oo uu jiro hir ama mowjad kulul, gobolkeenu waxa ku soo kordha tirada dadka la kulma dhibaatooyin la xiriira dhinaca caafimaadka sida wadno xanuun, qalal, iyo kelyaha oo shaqada ka fariista. Iyadoo guryaheena iyo aqalladeena gobolkan Wuqooyiga Galbeed aaney ku qalabeysneyn qaboojiyeyaalka hawada (air conditions), taasi macnaheedu waxey tahay iney muhiim tahay inaad ogaato tallaabooyinka aad qaadi karto si aad u ahaato qof qabooban maalmaha kuleylku aadka u sareeyo.

Ma Ogtahay Sida Aad Ugu Nugushahay Kuleylka?

Cimilada jilicsan ee ka jirta Wuqooyiga Galbeed waxey naga dhigtaa kuwo u nuglaada kuleylka, gaar ahaan ka dib marka lagu soo noolaado waqti dheer oo qabow ah iyo roobab. Dadka qaar waxey u dareemaan kuleylka si ka badan kuwa kale waana in ay taxaddaraan marka heer kulku kor aado, sida:

  • Dadka da’doodu tahay 65 iyo ka weyn
  • Caruurta yar-yar (gaar ahaan kuwa ku jira gaari baarkin-gareysan)
  • Dadka qaba xaalado daran oo caafimaad iyo cudurro maskaxda ah.
  • Dadka dibad ku noolka ah ama hoyga la’
  • Shaqaalaha bannaanka ka shaqeeya
  • Ciyaartoyda ku jimicsata meelaha bannaan.

Qaar ka mida dawooyinka la qaato waxey sii adkeeyaan in jirkaagu biyuhu keydsado iyo in heer kulkiisu isu dheelli-tirnaado xilliga kuleylaha, daawooyinkaasi oo ay ka mid yihiin kuwa loo qaato alerjiga iyo hargabka, cunaha, niyad jabka, wadnaha/dhiig-karka, iyo cayilka lagu yareeyo. Sonkorta iyo xaaladaha kale ee caafimaad waxey sidoo kale kugu keeni karaan xaalad caafimaad oo qatar ah marka jawiga kulul yahay. Dhakhtarkaaga weydii haddii laga yaabo inaad u nugushahay kuleylka.

Haddii aad halis ugu jirto, taxaddarkaaga kordhi si uu jirkaagu qabow u ahaado, biyo badan cab, nasiino badan qaado haddii aad dareemeyso in jirkaagu kuelylka ku saa’idayo.

Sidee baad uga badbaadi kartaa kuleylka

Haddii aadan qabin qaboobijaha hawada (air condition), halka aad ku nooshahay ka dhig meelo qabow xilliga cimiladu aadka u kulushahay adigoo xiraya daahyada ama dariishadaha si aad kulka qorraxda banaanka ugu heyso, isla markaana isticmaal marwaxado si hawada isugu wareegato-baaquli baraf ka buuxo oo la hoos dhigo marwaxadda waxey caawini kartaa in hawada guriga qabowdo. Mararka qaarkiis gudaha guriga way ka kululaan kartaa dibadda. Haddii guriga aad u kululaado, dibadda u bax oo raadso meel har leh. Booqo meelaha dadku isugu yimaadaan ee leh qaboojiyeyaasha hawada sida laybareeriyada, moolasha, iyo xarumaha bulshada. Haddii aad dareemeyso in jirkaagu aad u kulul yahay, shukumaan biyo qabow lagu qoyey madaxa saaro, biyo qabow ku qubeyso, si tartiib ahna u cab ama u fiiqso cabitaan qabow si jirkaagu biyo u helo ama aanu u oomin.

Booqo kingcounty.gov/BeatTheHeat si aad u hesho farriimo ku saabsan sida aad u ahaato qof jirkiisu qaboobanaado.

Information of Runta News

Heading Title

Our Company

Runta News is a multimedia organization which was first found as print form in Nairobi 1995.

Newsletter

Latest News

@2025— RUNTANEWS All Rights Reserved.

Runta News Logo

@2025 — All Rights Reserved.

Newsletter