Su’aalo iyo Jawaabo Ku Saabsan Barnaamijika Washington HAF ee Kaalmada Lacageed Bixiya

0
324

Muxuu yahay barnaamijka HAF? Yaa loogu talo galay?

Caawimaadda lacageed ee Washington State Homeowner Assistance Fund wuxuu siiyaa taageero qof ahaaneed iyo lacago deeq oo federal ah—ilaa 60,000 oo doolar ah qoyskiiba—kuwa u qalma ee guryaha ku leh Washington oo ka dib dhacsan bixinta moogejka sababo la xiriira dhibkii cudurka baahsan ka dhashay.

Sidee baan ku heli karaa caawimaad?

Kaalmo waxay hadda diyaar ku tahay Khadka Hotlie ee Gurig lahaanshaha Washington Homeownership 1-877-894-4663.

Immisa lacag ayaan heli karaa?

Dadka guryaha leh waxey u qalmi karaan lacago deeq gaaraya ilaa 60,000 doolar, waxey ku xiran tahay xaaladdooda. La taliye guryaha ayaa kugu gacan siin doona qiimeynta baahidaada iyo codsashada.

Halkee bay lacagtu ka imaneysaa?

Lacagaha HAF waxey ka timaadaa waaxda maaliyadda ee U.S. Department of the Treasury, taasi oo qeyb ka ah qorshaha American Rescue Plan Act (APRA) oo Kongoresku oggolaaday 2021.

Kaalmo noocee ah barnaamijku bixiyaa?

HAF wuxuu kugu xirayaa la taliye guryaha ah oo ku siin doona taageero qarsoon kuguna caawini kara kala xulasho badan si looga hortago guri lagaa gala noqdo, oo ay ku jirto helitaanka lacago federal haddii loo baahdo.

Wac khadka gaarka ah Hotline 1-877-894-4663 oon wax kharash kaaga baxeynin qiimeynta iyadoo lagu xirayo la taliye guryaha ee aaggaaga.

Waa kuma Wakiilka maaliyadda guryaha gobolka Washington State Housing Finance Commission (WSHFC)?

Waxanu nahay hey’ad gobolka oo iskeed isu taageerta, una go’day iney kordhiso helitaanka guryaha iyo awooditaankooda dadka ku nool Washington laga soo bilaabo 1983. Wakiilku wuxuu maamulaa barnaamijka federaalka HAF ee gobolkeena wuxuuna dusha ka ilaaliyaa urur aan faa’iido doon aheyn oo ka kooban hey’ado ka talo bixiya guryaha.

KHADKA GAARKA AH

Goorma ayuu Khadka gaarka ah furan yahay?

Isniin ilaa Jimce, 8da subax ilaa 5ta galab ee waqtiga Baasifigga. Haddaad wacdo saacadaha shaqada ka dib, farriin uga tag Khadka Hotline, qofka qaabilsan ayaa dib kugu soo celin doona. Ama ka codso dib usoo wicid  www.wshfc.org/HAF

 

Caawimaad diyaar ma ku tahay luuqado kale oon Ingiriis aheyn?

Haa! Caawimaad Khadka Hotline waxey diyaar ku tahay in ka badan 220 luqadood.

Yey yihiin la taliyeyaasha guryaha sidee baana ugu kalsoonaan karaa?

Sanado badan, la taliyeyaasha guryaha waxey muhiim u ahaayeen qeyb ka mida isku xirka hey’adaha aan faa’iido doonka aheyn ee gobolka Washington ee u go’doomay ku taageera milkiilayaasha guryaha kaalmo aan eex iyo lacag midna aheyn.

Shaqadoodu waxey tahay iney kuu doodaan, raadiyaan xal si aad u heysato gurigaaga, iyo iney hubiyaan inaad gaarto dantaada ugu weyn.  

Bahdeena la taliyeyaasha guryaha aan faa’iido doonka aheyn.

  • Parkview Services
  • OIC of Washington
  • American Financial Solutions (AFS)
  • Urban League of Metropolitan Seattle
  • Rural Resources Community Action (RRCA) • SNAP (Spokane Neighborhood Action Partners)
  • El Centro de la Raza
  • Northwest Justice Project

Waxan dhowaan gurigeyga ku waayey kala noqosho mana la socon barnaamijkan. Aad miyaan uga soo daahay? Weli lacagahaasi ma ka daba tegi karaa?

MAALGELIN IYO U QALMID

Yaa codsan kara lacagahaasi? Sidee baan ku ogaan karaa inaan u qalmo?

Qof kasta oo guri ku leh Washington waxa uu taageero ku heli karaa khadka Hotline. U qalmitaanka taageerada lacageed ee HAF waxey ku saleysan tahay arrimo dhowr ah, oo ay ku jirto dhibka uu keenay cudurka baahsan. Markaad wacdo khadka Hotline-ka 1-877-894-4663, la taliye guryaha ah ayaa kugu caawin doona in go’aan ka gaarto nooca kaalmada ugu habboon.

Maxey yahay dhibka “pandemic hardship?”

Barnaamijka HAF waxa uu talada ku darsan doona waayo aragnimo kala duwan oo lagu qiimeyn doono kiis walba si gooni ah. Wac hotline-ka 1-877-894-4663 si aan kugu caawino howsha kuguna helno natiijada ugu suurta galsan. 

Ma inaan muwaadin Mareykan ahaado ayaa waajib ah? Ka warran haddii xubnaha qoyskeeda yihiin soo galeetiyo aan sharci laheyn?

Maya, ma u baahnid inaad ahaato muwaadin Mareykan si aad ugu qalanto. Raad raacis kuma sameyno dhalashada ama xaaladda dal ku soo galkaaga ama xubin ka mida qoyskaaga.

Ma qasab baa inaan ku noolaado guriga aan leeyahay si aan kaalmada u helo? Ka warran haddii aan leeyahay guri ii kiireysan ama guri labaad?

Haa, waa inaad ku nooshahay guriga, waana inuu ka badneyn afar (4) qeybood. Laakinse sidaa ay tahay waa inaad weli soo wacdaa hotline-ka 1-877-894-4663 si aad u ogaato inaad heli karto caawimaad kale.

Haddii aan qabo deyn COVID-19 la habeeyey, weli ma u qalmi karaa?

Deyn la habeeyey kaama dhigeyso qof aan u qalmin caawimaadda. Soo wac Hotline-ka 1-877-894-4663 la taliye ayaa kugu caawini doona inaad u qalanto.

Barnaamijka ma daboolayaa deymaha guriga mustaqbalka?

Maya. Barnaamjka HAF ee Washington waxa uu bixin karaa biilasha qoyska la xiriira ee hadda taagan wuxuuna isku dayi karaa in wada xaajood ka galo bixinta qarashyada aad awoodi karto hadda iyo wixii ka dambeeya, laakinse ma bixiyo lacago aad mustaqblka deymaha guriga ku bixiso.  

Waxan dhowaan gurigeyga ku waayey kala noqosho mana la socon barnaamijkan. Aad miyaan uga soo daahay? Weli lacagahaasi ma ka daba tegi karaa?

Nasiib darro, milkiilayaasha guryaha oo durba ka dambeeyey guri kala noqoshada uma qalmaan barnaamijka HAF. Waxan weli kugu dhiirri-gelineynaa inaad wacdo Hotline-ka 1-877-894-4663 si aad u dhisato waddadii aad mustaqbalka guri ugu yeelan laheyd.

HOWLAHA CADSASHADA

Sidee baan ku codsan karaa? Ma jiraa qof igu caawin kara codsiga?

Wac hadda Hotline-ka Washington Homeownership 1-877-894-4663. La taliye ayaa kaa caawini doona tallaabo kasta oo ku hortaalla, oo ay ku jirto buuxinta codsiga HAF. 

Lacag miyaa ku baxeysa buuxinta codsiga?

Maya. Barnaamijka iyo buuxsashada dhammaan waa lacag la’aan.

Waxyaabaha loo baahan yahay maxey yihiin marka la buuxsanayo codsiga?

Waxad u baahan doontaa waraaqo kala duwan oo la xiriira deynta iyo maal-gelinta gurigaaga. La taliye guryaha ayaa kaa caawini doonaa inaad go’aan ka gaarto waxa aad u baahan tahay taasi oo ku xiran xaaladdaada. 

SIRTA IYO XAFIDAADDA

Sidee baad ku hubin kartaa wararka qofka u gaarka ah iney sii ahaadaan kuwo xafidan oo qarsoon? Magaceygu ma ka muuqan doonaa mid ka mida liiska dowladda? Ma waxa la igu qori doonaa barnaamijyo kale oo dowladda ah? Ma la wadaagi doontaa ama ka iibin doontaa warkeyga qof kale?

Lama wadaagno mana ka iibino wararka kuu gaarka ah ee lagugu aqoonsan karo dowlad, dadweyne, ama hey’ad gaar ah, aan ka aheyn kuwa kuu doodaya ama lacagta qeybiya.

QEYBINTA LACAGTA

Lacagaha imika diyaar ma yihiin?

Lacagaha imika waa diyaar. Si kasta uu xaalkaagu yahay, waxa habboon inaad hadda wacdo Holine-ka 1-877-894-4663 si aad howlaha u bilowdo.

Maxaan u isticmaali karaa lacagaha?

Lacagaha HAF waxey dabooli karaan waxyaabaha sida dib-u-soo celinta lahaanshihii guriga, yareynta lacagtii aad ku bixin jirtay guriga, hoos u dhig heerka dulsaarka, ceymiska la xiriira guriga, qarashka la xiriira guri lahaanshaha, la daahiddii canshuurta guriga, iyo waxyaabo kale.

Sidee baan ku helayaa haddii aan ku guuleysto?

Ma heli doontid lacag toos laguu siinayo. Haddii aad u qalanto caawimaad maaliyeed, barnaamijka wuxuu u diri doonaa lacagta qolyaha lacagaha kugu leh, sida bangiyada, shirkadaha inshuuransiga, kuwa canshuurta ururiya, ururrada milkiilayaasha guryaha, iwm.

Tani ma deyn baa? Lacagta ma inaan dib usoo celiyaa?

Maya, kaalmada HAF ma aha deyn. Lacagta waxa loo shubi doonaa kuwa deynta kugu leh si loo fududeeyo culeyska dhaqaale ee ku saaran.

Muddo intee ah ayey qaadaneysaa in lacag la helo ka dib marka aan codsiga buuxsado?

Waxey ku xiran tahay arrimo badan. Sida ugu dhaqsiyaha badan aad wacdo 1-877-894-4663, ayaad durba caawimaad u heleysaa.

Waxan ahay qof durba gurigii lagala noqday. Lacagtu waqtigeedi ma ku iman kartaa si bangiga looga joojiyo inuu guriga iga qaato?

Waxa dhici karta in laga gaari karo. Sida ugu dhaqsiyaha badan aad u wacdo 1-877-894-4663, ayaa laga yaabaa inaan kugu caawini karno inaan gurigaaga kugu badbaadino.

WARARKA BAAHI

Waxan jeclaan lahaa inaan dadka la wadaago barnaamijkan. Ma heysaan waxyaabo aan isticmaali karo?

Fadlan ha ka leexleexan inaad dadka ku soo xirto Hotline-ka 1-877-894-4663. Waraaqo daabacan iyo muuqaallo dadka lagula wadaagi karo waxey diyaar kugu yihiin inaad ka soo degsato: www.wshfc.org/HAF   

Sidoo kale halkan waxad ka daawan kartaa faah’faafhin wareysi ah oo Bedria Abdullahi la yeelatay madaxda ee kala ah Emily Northrup a Grants Administrator iyo Kathleen Komin, Marketing Program Manager of Washington Assistance Fund

https://www.youtube.com/watch?v=ygj05Jn1gv0&t=85s