Qorshaha King County 2024 ee Bulsho Adkeysi u leh Fatahaadda ama Daadadka

0
379

Runta News-Seattle, Washington 

Musiibooyinka dabiiciga waxey dadka u saameeyaan siyaabo kale duwan, iyadoo dadka qaar ay ku adkaato iney ka soo kabtaan, ama lagaba yaabo ineysanba ka soo kaban. Daadadka, oo ka mid ah musiibooyinkaa dabiiciga, waxey ka dhacaan meel kasta oo uu roob ka da’o. Iyadoo la dhisayo adkeysi loo yeesho daadadka waxey la macno tahay inaan kordhineyno kartida dadkeenu iyo bulshadeenu u yeelan karaan iney qof ahaan uga soo kaban karaan saameyn kasta oo daadadku ku keenaan hantidooda iyo guryahooda. Daadadku ma ahaan doonaan kuwo marna ka maqnaada deegaanka King County, laakise in loo diyaar garoobo waxey yareyn kartaa halista ay ku yeelan karto bulshooyinka, qoysaska, iyo qof ahaan dadka.

Tirada dadku aad bay u kordheen, waxana ku soo saa’iday deegaanka guryo iyo rugo ganacsi cusub. Qulqulka webiyada waa kuwo nool oo xayi ah—way is beddelaan waqti walba. Imika, waa inaannu ka fakarnaa sidii aannu ku horumarin laheyn deegaanka, u maareyn laheyn qashinka, xal ugu heli laheyn tirada baabuurta, u kordhin laheyn raashinka, dibna ugu fakari laheyn saameynta webiyadeenu iyo xeebaheenu nagu yeelan karaan.

Sidee buu qorshahani uga duwan yahay kuwii hore?

Si loo abuuro adkeysi mustaqbalka loo yeesho, qorshuhu waa inuu matali karaa ra’yiga bulshooyinka kala duwan. Iyadoo ay jiraan xaalado kala duwan, oo ay ka mid yihiin arrimo caaddaalad soo jireen ah, qaar ka mida bulshooyinka waxey halis u yihiin daadadka. Dadka qaar si wanaagsan uguma diyaarsana ama kama soo kaban karaan musiibooyinka daadadka. Fahamka waxa bulshooyinku u baahan yihiin iyo talooyinka ay soo jeediyaan, ayey degmadu mudnaanta siineysaa.

Muddada laba sano ee soo socota, degmada King County waxey sare u qaadi doontaa Qorshaheeda Maareynta Daadadka. Qorshaha daadaka waxa uu inagu hagayaa sidii aannu u maareyn laheyn webiyadeena, dur-durradeena, iyo xeebaheena. Sidee bay yareynta halista daadadku saameyn ugu yeelan karaan duur joogta iyo beeraha? Loo heli karaa waddooyin bad-qaba iyo kaabayaal lagu kalsoonaan karo? Sidee baan wax uga qaban karnaa suurto gelnimada fatahaado waaweyn inagoo ku tashaneyna waxa imika aynu heysanno? Maxaad adiga aad kugu muhimsan?

Waxan kugu casumeynaa Kulamo Qorshaha Daadadka. Nagala soo qeyb gal si aad wax uga ogaato halista daadadku deegaanka ku lahaan karaan iyadoo lagu bixin doono xogo si lacag la’aan ah iyo qiimo jaban oo ku aaddan u diyaar-garowga daadadka. Waxad kalood fursad u heli doontaa inaad in ra’yigaaga ku aaddan sida degmada u meereyn karto halista daadadka aad dhiibato. Kulamadaasi waxa ku diyaar ah tarjubaanno lagu bixinayo Spanish iyo Somali. Adeegga tarjumaanimadu wuxuu diyaar ku yahay lacag la’aan.  

Isdiiwaangeli si aad uga qeyb gasho kulanka bulshada Bishan King County ee Qorshaha Maareynta Fatahaadda

Qorshaha Maareynta Fataahadda King County wuxuu marti gelinayaa labo kulan aqoon isweydaarsi oo xubnaha bulshadu kaga qeyb qaataan wada hadal ku saabsan fatahaadaha iyo in la qaabeeyo sida degmada King County u maareyneyso mustaqblka halista fatahaadaha. Is diiwaan geli maanta kana soo qeyb gal Talaado, Juun 27 laga bilaabo 6:30 ilaa 8da fiidnimo kulan onleen ah.

Kulankan isla fal galka ah, waxad fursad u heli doontaa inaad wax ka ogaato halisaha daadadku ku hayaan deegaanadeena iyo ilo lacago jaban ama bilaash ah oo loogu talo galay diyaar-garowga faamillada iyo bulshada. Waxad sidoo kale kula wadaagi kartaa fikradahaaga sida demgmadu u maareyn doonto halisaha fatahaaduhu u leeyihiin dadka, guryaha, iyo goobaha ganacsiga ee meelaha aan degmooyinka rasmiga ah ka tirsaneyn. Maamulka degmada King County wuxuu sidoo kale warbixintii ugu damebeysay ka dhiibi doonaa horumarka laga sameeyey sidii loo diyaarin lahaa Qorshaha Maareynta Fatahaadaha degmada King County. 

Kulamada waxa ku diyaar ah tarjumaanno luqadaha Spanish iyo Somali. Adeegga tarjumista wuxuu diyaar kugu yahay lacag la’aan. Si aad u dalbato tarjumis luqadeed ama adeegyo kale ee dadka naafada ah, codso markaad is diiwaan gelineyso ama ka wac Chrys Bertolotto lambarka 206-263-2677, (TTY) Relay: 711, ugu yaraan 5 cisho ka hor kulanka aad dooneyso inaad ka soo qeyb gasho.  

Siyaabo kale oo loo qaabeyn karo qorshaha xiga ee fatahaadda.  

Ma awoodid miyaa inaad ka soo qeyb gasho kulamada bisha Juun?  Degmadu waxey weli daneyneysaa iney ra’yigaaga maqasho. Fadlan nala wadaag dareenka bulshadaadu ka qabto fatahaadaha iyo firadahaaga ee noocyada adeeg ee bulshadaada ka caawini kara iney noqdaan bulsho adkeysi u leh fatahaadaha adigoo booqanaya onleenkeena Sahanka, ama nagala soo qeyb gal kulamada bulsho ee ka dhici doona goobaha kuu dhow.   

Haddii aad qabto su’aalo ku saabsan qorshaha daadadka ama sida aad uga qeyb qaadan karto, la soo xiriir Chrys Bertolotto, Isu-duwaha Howlaha Maareynta Fatahaadaha cbertolotto@kingcounty.gov ama wac 206-263-2677. Ama booqo 2024 King County Flood Management Plan