Dib Ula Soo Noqo Caafimaadkaaga: daryeel ka hortag ah iyo booqashooyin daryeelka-cunugga

0
440

Waxa qoray Janine Worthington

Waxa tarjumay Mohamud Yussuf

Neighborcare Health, oo ah rugta caafimaad ee ugu weyn magaalada Seattle ee dadka siisa adeeyada caafimaad iyagoon heysan inshuuras ama Apple Health (Medicaid) inshuuransi, waxey dooneysaa in qof kasta heli karo daryeelka caafimaad ee ay u baahan yihiin una qalmaan. Qeyb weyn oo caafimaadkaaga ah waxa ka mida inaad si joogto ah u booqato kooxda daryeela caafimaadka iyo ilkaha oo ka fakara waxa qof ahaan danta kuu ah, iyo dhaqankaaga, iyo qiimahaaga.

Daryeelka ka hortagga ah (Preventive care)

Booqashooyinka caadiga ah eed ku aadeyso dhaqtarkaaga si baaritaano loogu sameeyo caafimaadkaaga, ilkaha iyo in ka badan waxey dadka da’ kasta ka caawintaa iney ilaashadaan caafimaadkooda si ay guul uga gaaraan nolosha. Booqashooyinka daryeelka noloshaada ku saabsan, waxey kooxda daryeelka wax ka ogaanayaan habka noloshaada waxeyna kaala shaqeynayaan iney xakameeyaan xaaladaha caafimaadkaaga, sida cudurrada sokorta (diabetes) ama dhiig karka (high blood pressure) ka hor inta cudurradaasi aaney noqon kuwo qatar ah oo sababa arrimo badan.  

Laga soo bilaabo 2020, dad badan waxey dib u dhigeen iney helaan daryeel caafimaad oo muhiim ah sababo la xiriira dareenkii ka jiray cudurkii baahsanaa ee COVID-19. Bilihii ugu horreeyey ee cudurka pandemic, 41% dadka qaan gaarka ah waxey dib u dhigeen ama ka fogaadeen iney caafimaadkooda daryeelaan waxana sidoo kale 9.2% boqolkiiba waalidiinta meel iska dhigeen iney caruurtooda dhaqtarka geeyaan. Dareenkaasi waa mid jira waxeyna qeyb muhiim ah ka tahay inaad naftaada iyo midda qoyskaaga ilaaliso badqabkooda. Hadda, waxa muhiim inaad ku dadaasho daryeelka naftaada iyo midda qoyskaaga iyo inaad dib ugu soo celiso waddadii saxda aheyd si caafimaadkooda jir ahaan iyo maskax ahaanba ay u hagaagsanaato.

Booqashooyinka hagaagsanaanta dareenka caruurta (Wellness visits for children)

Si gaar ah ayey muhiim ugu tahay caruurta booqashooyin joogto ah oo lagu ilaalinayo hagaagsanaanta dareenkooda caafimaad iyo iney si xooggan u koraan. Booqashooyinka caafimaad ee caruurta waa kuwo caadi oo joogto ah oo dhaqtarka lagu geynayo cunugga isaga oo jirraneyn, si indhaha loogu hayo korriimadooda kuna qaataan tallaada ay u baahan yihiin. Waxey sidoo kale u tahay qoyska waqti fiican oo ay ku weydiin karaan dhaqaatiirta su’aalaha ay qabaan waxna kaga ogaadaan caafimaadka caruurtooda. Labada sano ee ugu horreysa nolosha, waxey rugta caafimaadka Neighborcare Health ku talineysaa in caruurta dhabta lagu hayo iyo kuwa socodka bilaabay helaan baaritaanno joogto ah sida kuwa da’doodu tahay 2, 4, 6, 9, 12, 15, 18, 24 iyo 30 bilood, ka dibna sannadkii mar ilaa ay ka gaarayaan 18 sano.

Maxey booqashooyinka hagaagsanaanta-cunugga muhiim u yihiin?

1.  Indho ku heynta korriimadooda (Monitoring growth)

Booqashooyinka hagaagsanaanta caafimaadka cunuggaaga waxey kooxda daryeesha caafimaadka qoyskaaga fursad u siiyaan iney hubiyaan sida cunuggaaga korriimadiisu tahay iyo iney indhaha ku hayaan heerka wanaagsan ee caafimaadkiisu marayo. Indho ku heyntaasi waxa ka mida sida farxaddoodu tahay, bulshanimaooda, iyo caafimaadka jirkooda. Si joogto ah inaad cunugaaga u geyso dhaqtarka waxey ka caawineysaa dhaqaatiirta iney wax badan ka ogaadaan caafimaadkiisa si wax uga qabtaan haddii ay jiraan arrimo caafimaad ka hor inta aaney dhibaato weyn noqonin. Waxey sidoo kale fursad u tahay qoyska iney su’aalo ku weydiiyaan ama kaga hadlaan haddii uu jiro walaaca ku saabsan cunuggaaga oo waalidku qabo.

Booqashooyinkaasi si gaar ah ayey muhiim u yihiin 1,000-ka maalmood ee ugu horreysa laga bilaabo marka cunuggu dhasho, sababtoo ah maskaxdooda, jirkooda iyo hab-dhaqankooda si dhaqsi ah ayey isu beddelaaan. Isbeddelladaasi waxey la mid yihiin sida bulukeetiyada ama dhagxaanta dhismaha oo si dhow isula shaqeeya si ay cunugga ugu diyaariyaan inuu socodka barto, hadlo, akhriyo, caqli adeegsado, iyo fakaro. Waxey si wanaagsan saameyn ugu yeelan karaan mustaqbalka caafimaadka cunuggaaga, kartida uu u yeelan karo inuu xiriir la sameysto dadka kale iyo inuu iskuulka ku wanaagsanaado.  

2.  Tallaalka

Caruur badan waxey sidoo kale helaan tallaalada xilliga caruurnimadooda markaasi oo ay si caadiga ah dhaqtarka booqasho loogu geeyo. Tallaalada waxey muhiim u yihiin caafimaadka iyo dareenka wanaagsan ee caruurta sababtoo ah waxey ka difaacaan cudurro qatar ah oo laga hortagi karo, sida jadeecada (measles), qaamo-shiir (mumps), jir cun- cunka (rubella) and xiig-dheer (whooping cough).

 Qaar ka mida faa’iidooyinka tallaalka waxa ka mida:

  • Badbaadinta nolosha caruurtaada ama ka hortagga iney aad u jirradaan.
  • Difaacidda kuwooda aan heli karin tallaalka
  • Yareynta qiimaha iyo waqtiga ku luma marka iskuulka iyo shaqada laga maqan yahay.
  • Difaacidda jiilasha mustaqbalka

Neighborcare Health waxey tallaalada ku bixisaa rugaha caafimaad ee xaafadaha iyo xarumaha caafimaad ee iskuullada ee ka jira dhammaan Seattle iyo Vashon, kuwaasi oo ay ku jiraan:

  • Tallaalka Hargabka
  • Cagaarshowga (Hepatitis A)
  • Busbuska (Chicken pox)
  • Oof wareen (Pneumonia)
  • Kor ka soo baxyada (Shingles)
  • Teetanda Dalqo iyo Xiiqdheer (Tdap or DtaP)
  • Tallaalka COVID-19 (da’da 6 bilood iyo ka weyn)

3.      Aqoon Caafimaad

Booqashooyinka joogtada ee caruurta waxey fursad u siisaa kooxaha daryeelka iney kula wadaagaan sida aad ugu caawini karaan cunuggaaga inuu barto hab dhaqan caafimaadkooda waxtar u leh. Barashada hab-dhaqanka wanaagsan xilliga caruurnimada waxey u horseeddaa caruurta iney hab-dhaqanno caafimaad oo wanaagsan ku weynaadaan, waxana ka mida:

  • Cuntada: helitaanka nafaqada ugu saxsan waa muhiim marka caruurtu korayaan.
  • Jimicsiga: dhaqdhaaqa jirka iyo jimicsiga ee maalin kasta waxey u fiican tahay caafimaad caruurta.
  • Hurdada: nasiinada wanaagsan waxey qeyb muhiim ah ka tahay korriimada caruurta iyo korriimadooda.

 

Booqashooyinka caadiga ee daryeelka caruurta iyo talooyin aad ka hesho koox caafimaad oo aad ku kalsoon tahay waxey gacan ka geysataa in cunuggaaga gaaro guulo iyo in laga hortago xaalado caafimaad iyo inaad u horseeddo cunugga nolol caafimaad wanaagsan leh. Waxa dhammaan dadka oo da’ kasta lagu dhiirri-gelinayaa iney ballan ka sameystaan kooxda daryeelka si aad caafimaadkaaga ugu soo celiso dib ugu celiso.

Ku saabsan Rugta Caafimaad ee Neighborcare Health

Neighborcare Health waa tan ugu weyn ee bixisa adeegyada asaasiga caafimaadka, ilkaha, iyo daryeelka ku saabsan hab-dhaqanka qofka kuwaasi oo ay siiso dadka danta yarta ah iyo faamillada aan heysan inshuuransi iyo dadka keli u nool, dadka da’da weyn ee dhaqaalahoodu kooban yahay, dadka soo galeetiga ah, iyo dadka guryo la’aantu heysato. Hadafka hey’addu waa iney faamillada iyo dadka kali ahaanta u nool siiyaan daryeel caafimaad buuxa kuwaasi oo dhib ku qabay iney helaan daryeel caafimaad; iney si taxaddar leh uga jawaabaan baahida bukaannada kala dhaqanka duwan; iyo iney u doodaan lana shaqeeyaan kuwa kale si loo hagaajiyo xaaladda caafimaadka guud ee bulshada ay u adeegaan.