Waxa Qoray Mohammed Abdulkadir MA, MPH
Hepatitis B Coalition of Washington
Bil kasta oo May ah, waxan xusnaa Bisha ka Taxaddarka Hepatitis — taasi oo ah fursad lama huraan ah oo lagu wacyi geinayo, loogu doodayo, laguna abaabulayo talaabooyin ku gedaaman hepatitis. Dad lagu qiyaasay 296 milyan oo qof oo ku kala baahsan adduun weynaha ayaa aad ula il daran Hepatitis B oo ay ku jiraan 2.4 milyan qof oo ku nool dalka Mareykanka. Inta badan cudurkan Hepatitis B waa mid ka qarsoonaan kara qofka qaba iyo sidoo kale dhaqaatiirta oo aan durba garan in qofku la xanuunsan yahay cudurka. Hepatitis B waa nabar feyras ah oo weerara beerka oona sababi kara in (si kooban ama qatar ah) iyo xanuun daran (waqti-dheer ah) qofka ku keeni kara. Haddana, isagoon cudurkan laheyn calaamado hore oo lagu garto, dad badan ma oga iney cudurka qabaan. Marka calaamadihiisu soo muuqdaan, waxa la dareemaa daal, indho-guduudanaan, caloosha xanuunsata, iyo labbo labbo.
Natiijada ka dhalata Hepatitis B oo lala il-darnaado waxa ka mida: beer xanuun, beerka oo shaqadiisa gaba, iyo kansarka beerka oo dhammaantood suurto gal ah iney soo wada muuqdaan. Waxa laga digayaa, kansarka beerka inuu yahay midka ugu dhaqsiyaha badan ee loogu dhinto Mareykanka, iyo in lala il-darnaado Hepatitis B ay sababi karto arrintaasi. Qaar ka mida dadka ku nool Mareykanka waxa si gaar ah ugu dhanca cudurka Hepatitis B —oo aan lug ku laheyn iney dhaxleen, laakinse ku qaada sababo la xiriira hab nidaamsan iyo qaabeysan. Dadkani waxa ka mida kuwa dhasha waddamada hepatitis B uu caadiga ka yahay, gaar ahaan qeybo badan oo qaaradaha Aasiya and Afrika iyo sidoo kale Jasiiradaha Baasific. Tani waxey la xiriirtaa iyadoo ay aad u hooseyso tallaalka caruurta la siiyo ee looga hortago cudurrada ka jira waddamadaasi. Inta badan dadka Aasiyaanka, Afrikaanka, iyo Jasiiradaha Baasifigga ee qaba cudurka hepatitis B waxey ka qaadaan hooyadood marka ay foolaneysay. Kooxdani waxey yihiin dadka ugu badan ee qaba cudurka. Dalka Mareykanka, dadkani waxey si joogto ah u wajahaan qatar sare iyadoo sababtu tahay tallaal qaadashadooda oo hooseysa, gaar ahaan kuwii dhashay inta aan la soo rogin barnaamijyada lagu baahinayo tallaalada. Caqabado ka mida dhaqanka iyo luqadda, helitaanka daryeel caafimaad oo kooban, iyo iyadoo ay ceeb tahay in qofkii cudurka lagu maqlo waxey sii kordhiyaan dib u dhac in la ogaado iyo in la daaweeyo cudurka.
Haddaadan ka soo gelin mid ka mida waddamadaasi cudurka Hepatitis B uu caadiga ka yahay, waxaad weli halis ugu jirtaa cudurka. Waxa dheer in hooyo iyo cunug isu gudbiyaan cudurka, in feyrasku la isugu gudbin karo siyaabo kale oo ka mid tahay iyadoo qofku la kulmo dhiig cudurka qaba ama dheecaan jirka ka yimaada sida galmo aad la sameyso qofka aad wada nooshihiin oo qaba cudurka HBV, isku duris cirbadda dadka daroogada qaata wadaagaan, ama qalabka daroogada lagu diyaariyo. Waxa war wanaagsan ah in Hepatitis B laga hortagi karo lana maareyn karo. Talaal aamin ah oo waxtar ah waxa uu soo jiray ilaa sannadkii 1982, kaasi oo qofka siinayey difaac jirka ah muddada qofkaasi nool yahay ah. Dadka hadda la nool ama qaba cudurka, iska baaris hore iyo iney helaan daryeel caafimaad waxey si weyn u yareyn kartaa iney qaadaan cudurkan oo qatar ku noqda caafimaadka. Weydii dhaqtarkaagu inuu kaa baaro hepatitis B, iyo inaad hesho tallaalka hepatitis B. Isbaheysiga Washington ee loo yaqaao (The Hepatitis B Coalition of Washington (HBCW), waxa la abuuray sannadkii 1997 waxana isku xire u ah ama isku haya hey’adda International Community Health Services (ICHS), oo door muhiim ah ka ciyaarta la dagaallanka hepatitis B ee gobolkeena. HBCW waxey iskaashi la leedahay hey’daha bulshooyinka u adeega, cisbitaallada, xarumaha daryeelka caafimaadka, iyo qeybaha caafimaadka gobolka si loo kobciyo daryeelka la xiriira cudurka hepatitis B iyadoo loo marayo dadaallo wacyi-gelin ah, baaritaano, iyo hagaajinta adeegyada dadka lagula xiriirinayo daryeelka caafimaadka. Fadlan booqo webseydka https://www.ichs.com/advocacy-hbcw si aad u ogaato macluumaad dheeraad ah. Waxad sidoo kale nagala soo xiriiri kartaa lambarka ah 206-788-3654. Innagoo xuseynaya Bisha May ee ka Taxaddarka Hepatitis, aan maanka ku heyno in Hepatitis B yahay mid laga hortagi karo oo la daaweyn karo. Iyo, innagoo wada jirna, inaan joojin karno!
0