Warbixinta Voice of America ee Buugga Baro Af-Soomaali ee Laga soo Saaray Seattle

    0
    1234

    Maanta waxaa ay caalamka ugu asteysantahay maalinta afka hooyo ee aduunka. Dal iyo dad walbaana waxaa ay xusaan, qiimeeyaan, iskana wareystaan xaalka afkoodu ku suganyahay. Sanadahan danbena Soomaalida qurbejoogta ah waxaa ku soo badanayey dadka daneynayo soo nooleynta afka hooyo.

    Soomaalida ku dhaqan Mareykanka ayaa ka mid ah qurbejoogta uu ku abuurmey dareenkaasi. Gees ka geesna magaalooyinka ay Soomaalidu ku nooshahay waxaa ka socdo, mid hore iyo kuwo cusubba dugsiyo afka Soomaaliga lagu baro ilmaha qurbaha ku korey ama ku dhashey, halka ay soo badanayaan buugta iyo muuqaaladda Youtube-ka ee casharida Af Soomaaliga laga barto.

    Jaamac Buulle Jaamac (Jaamac Faras) ayaa warbixintan ku eegaya dadaalka Mareykanka ka jira ee Afka Soomaaliga la halmaala.

    Sawrikan waa qeyb ka mida qoyskii buugga Baro Af-Soomaali curiyey. Buugga waxa iska kaashaday Seattle Public Library, Bill and Melinda Gates Foundation, iyo Seattle Public Schools. Warbixinta VOA waxa waxad ka dhageysan kartaa halkan adigoo riixaya bartan https://www.voasomali.com/a/4263613.html