Su’aalo iyo Jawaabo Ku Saabsan Ku Noqodka Iskuullada

    0
    110

    Waxa qoray Dahlia Bazzaz, Elise Takahama and Hannah Furfaro

    Waxa Tarjumay Mohamud Yussuf 

    Maxaad u Baahan tahay inaad wax ka Ogaato si aad ugu Noqoto Fasallada Washington ka Dib markii Sannad Waxbarasho Meel Fog ah

    Horraantii bishan, Guddoomiye Jay Inslee wuxuu faray waaxyada iskuullada Washington iney siiyaan markey ugu yar tahay wax xoogaa waxbarasho qof ahaaneed ardada dugsiyada hoose laga bilaabo horraanta Abriil. Ku dhawaaqiddaasi deg-deg ah waxa la fialyaa iney jid ballaaran u furto iskuullo ku yaalla deegaanka Puget Sound, halkaasi oo ardada badankoodu wax ku baranayeen si fogaan ah muddo sannad sababta cudurka baahsan ee COVID-19 darteed.

    Halkani waxa ah qaar ka mida su’aalaha inta badan la is weydiiyo oo ku saabsan ku noqodka iskuullada:

    Guddoomiye Inslee wuxuu saxiixay go’aan sare oo faraya dhammaan iskuullada Xannaanada ilaa Shanaad (K-5) iney u baahan yihiin iney bixiyaan markey u yar tahay xoogaa fasallo qof ahaaneed laga bilaabo 5ta Abriil. Tani ma waxey la macne tahay in iskuulkeygu ku laabanayo qof ahaan?

    Sida ku cad amarka guddoomiyaha, dhismayaasha iskuullada waxa looga baahan yahay iney dib ugu furaan ardada aadda dugsiyada hoose marka la gaaro 5ta Abriil. Laakinse ugu yaraan hal waax iskuul, Kent, waxey muujiyeen in iskuulladu dib u furmi doonin ilaa goor dambe oo Abriil ah. Faamillada waa iney la socdaan waaxyadooda si ay u ogaadaan goorta aaditaanka qof aheeneed dib usoo noqon doonto iyo warbixinnada ku saabsan jadwalka iskuulka. 

    Laga bilaabo March 8, qiyaas boqolkiiba 55% oo ka mida ardada iskuullada Washington waxey wax ku baranayeen qof ahaan ugu yaraan toddobaadkii mar. 

    Goorma ayey dugsiyada dhexe iyo sare dib ugu furmayaan?

    Dugsiyada dhexe iyo sare waxa looga baahan yahay iney furmaan laga bilaabo Abriil 19. Laga soo bilaabo 8da Maarso, qiyaas boqolkiiba 38% oo ka mida dugsileyda dhexe iyo 34% ardada dugsiyada sare waxey wax ku baranayeen qof ahaan hal jeer marka ay ugu yar tahay toddobaadkiiba.  

    Muxuu Inslee ka yiri muddada waqti ee qof ahaan iskuulku bixin karo?

    Dhismayaasha iskuullada waxa looga baahan yahay iney u furnaadaan dhammaan ardada ugu yaraan labo maalmood oo waxbarasho buuxda ama qeyb ah toddobaadkiiba. Ugu yaraan boqolkii 30% oo ka mida isku cel-celiska saacadaha waxbarista ay bixiyaan waaxaha iskuullada — 9 ilaa 10 saacadood inta ugu badan waaxaha — ee qasabka ku ah qof ahaan   

    Ka warran haddii aanan rabin in cunuggeygu fasalka tago—kala doorasho ma leeyahay?

    Dhamaan ardadu waa iney helaan waxbaris qof ahaaneed sida ku cad amarka guddoomiyaha. Badankood haddiiba aaney dhammaanba waaxyada iskuulladu ee degaanka aheyn waxay ardada u oggolaanayaan iney waxbarashadooda meesha fog usii wataan si taxaddar ah siiba kuwaa laga yaabo iney qabaan xaalado caafimaad. Qaar ka mida waaxaha iskuullada, siiba kuwa Bariga Washington, waxey durba gebi ahaan ku shaqeynayaan si qof ahaaneed.

    Adeeg bas ma la bixin doonaa?

    Waxey ku xiran tahay halka aad ku nooshahay, iyo sida adag uu waaxdaadu ay u saameysay hoos u dhaca darawarraliinta guud ahaan dalka oo uu sii adkeeyey cudurka baahsan. Qaar ka mida waaxyada iyo shirkadaha basaka iskuullada sida First Student waxey fasaxeen ama hakad geliyeen darawaliinta basaska si loo yareeyo qarashka xilligii badanaa waaxyadu wax ku barayeen muuqaalka fog. Iskuullada Dadweynaha Seattle, oo kontoraadda siisa First Student, saraakiisha waaxyada waxey sheegeen iney u xaqiijinayaan gaadiid kaliya ardada sharci ahaan xaqqa u leh, oo ay ku jiraan ardada ku diiwaan gashan bilowga hore (Head Start), ardada ku sugan hoy la’aanta ama daryeel korin ah (foster care) ku jira iyo kuwaa helaya adeegyada waxbarashada gaarka ah qabana baahiyo gaadiid u gaar ah.

    Arbacadii, Guddiga Iskuullada Seattle wuxuu ansixiyey sharci lagu beddelayo waqtiga dugsiyada hoose bilaabanayaan si loogu oggolaado darawaliinta basaska iney qaatan jidad ka badan hal subaxii iyo galabtii. Iskuullada sare, waaxdu waxey sheegtay iney siineyso kaarka Orca ee baska ardada dhigata fasallada 6 ilaa 12 marka dhismayaasha iskuulladu dib ugu furmaan fasallada sar-sare. Qeybta Highline, si ka duwan, saraakiisha iskuulka waxey leeyihiin gaadiidka taga ama looga yimaada iskuulka wuxuu u diyaar ahaan doonaa arday kasta oo sida caadiga ah ugu qalma. Bellevue, oo ah meel durba ardada si qof ahaan wax lagu baro, waxey awoodday iney ardada gaadiid ku qaaddo; saraakiisha waaxda waxey sheegayaan iney ka shaqeynayanaan u xaqiijinta ardada marinnada. 

    Iskuullada Dadweynaha Seattle waxey sheegayaan heshiis lagu fidinayo baahiyada loo qabo waxbarista qof ahaaneed oo ay oggolaadeen guddiga iskuulka iyo ururka macallimiinta. Goormay taasi dhaceysaa? Ka warran haddii aaney oggolaanin?

    Arbacadii, Guddiga Iskuulaadka Seattle waxey oggolaadeen heshiis tijaabo ah oo ardada dugsiyada hoose dib loogu soo celinayo, iyo Jimcaha, oo xubnaha xiriirka Seattle Education Association u codeeyeen iney ansixiyaan. Waaxda iyo ururka waxey weli ka wada hadlayaan soo laabashada ardada dugsiyada dhexe iyo sare.  

    Haddii Seattle ama macallimiinta kale ururradooda ay oggolaan waayaan ku soo laabashada iskuulka, muddadii uu qabtay guddoomiyaha weli way jireysaa. Waaxdu waxey ku qasbi kartaa shaqaalaheeda iney ku soo laabtaan dhismayaasha iskuullada sababtoo ah amarka Inslee iyadoo maamulka iyo shaqaaluhu dib u bilaabayaan gorgortanka.  

    Maxey ururrada awood badan ugu leeyihiin go’aanka dib u furista iskuullada?

    Xubnaha ururka macallimiinta Washington waxey xaq u leeyihiin iney la sameeyaan waaxdooda heshiis gorgortan loo dhan yahay, oo sida caadiga ah ku dara qaab-dhismeedka xaalado shaqo oo ammaan ah. Magaalada Seattle, heshiiskii ugu dambeeyey ee lala yeeshay ururka macallimiinta wuxuu farayaa waaxda iney kala xaajooto soo celinta waxbaris qof ahaaneed.

    Qaar ka mida waaxyada ee gobolka waxey ula yimaadeen heshiisyo caafimaad iyo badqabka ururradooda maxalliga ah waxeyna si dhaqsi ah u diyaariyeen dhismayaasha, ayuu yiri qofka u hadla Xiriirka Waxbarashada Washington (Washington Education Association). Kuwo kale, si kastaba, waxey ahaayeen kuwo “aan u diyaarsaneyn iney la yimaadaan ama isku raacaan difaaca loo baahan yahay,” taasi oo gaabis ka dhigtay shaqada dib u furista, ayuu yiri afhayeenku.  

    Taasi macnaheedu waxey tahay in ka qalin jabinta dugsiyada sare ay qof ahaan u dhici doonto? 

    Ilaa iyo dhamaadkii Maarso, iskuullo badan oo magaalada ah waxey diyaariyeen taariikhaha galin jebinta laakinse weli ma aaney ku dhawaaqin qorsheyaal dabaal-degyo qof ahaan oo muuqaal ah. Sannadkii dugsiyeedkii la soo dhaafay, xafladaha dabaal-degga waxey badankoodu ahaayeen kuwo lagu qabto online, in kastoo dhowr dugsiyo sare ay heleen  siyaabo fakar ku dhisan oo ay u dabaal-degaan sidak socod gawaari ah oo meel bannaan ah lagu qabto. Waaxda caafimaadka gobolka waxey baahisay tusaalooyin dhamaadkii Maarso taasi  oo sheegeysa iney iskuulka u taallo iney go’aansadaan sida ay u dabaal-degayaan, laakinse iskuulladu waa iney raacaan tilmaamaha xadidaya inta ama tirada ee gudaha iyo xafladaha bannaanada.

    Sidee bay badbaado u yihiin fasalladu marka ay timaado faafitaanka COVID-19?

    Waxey ku xiran tahay sida hagaagsan iskuulladu ugu dhagganaadaan habraaca dheer oo baratakoolka badbaadada ah. Laakinse guud ahaan, iskuullada waxa loo arkaa iney ka nabdoon yihiin meelaha kale ee nolosha dadka sababtoo ah in iyadoo si sahlan loo xakameyn karo. Tiro baaritaanno ah oo isa soo taraya waxey ku talinayaan in isu gudbinta COVID-19 ee gudaha dhismayaasha iskuullada ay aad u yar tahay marka qof kasta oo gudaha ku jira uu xiran yahay maask, gacmahooda ay dhaqayaan iyo jir ahaan qofba qofka kale uu ka fog yahay. Baarayaashu waxey ogaadeen iney ardada muhiim u tahay iney cuntada ku cunaan banaanka iyo in iskuulladu ay xiriir daba-gal ah sameeyaan marka kiisasku kor u kacaan iyo iney diyaariyaan jadwal nadiifin joogto ah lagu sameynayo fasallada iyo meelaha la wadaago.

    Hey’adda Xarunta Mareykanka ee Dhowrista iyo Ka Hortagga Cudurka (U.S Centers for Disease Control and Prevention) waxey sidoo kale imika xoogga saareysaa muhiimadda hagaajinta socodka hawada ee gudaha iskuullada iyadoo la furayo dariishadaha, iyadoo u isticmaaleysa marwaxado tuubooyin ah ee jikooyinka iskuulka iyo nadiifinta hawada iyadoo isticmaaleysa filtarada wax daahiriya.

    Hey’adda CDC waxey dhowaan beddeshay tilmaamaheedii kala fogaanshaha bulshada ee gudaha iskuulka iyadoo soo koobeysa inta kala fogaansho loogu talo galay iney u dhaxeyso ardada dugsiga hoose ka soo bilaabata 6 cagood ilaa 3 cagood. Toddobaadkan, gobolka Washington wuxuu beddelay tilmaamihii si loo muujiyo waxa ay hadda CDC ku talineyso.

    Maxey yihiin taxaddarrada badbaado ee looga baahan yahay iskuulaadka Washington iney hirgeliyaan?

    Iskuullada Washington waxa qasab ah iney raacaan tiro baratakool badbaado ah oo ka timaada labo hey’adood oo gobolka ah, Waaxda Caafimaadka iyo Waaxda Shaqada iyo Warshadaha. Hey’ad kasta waxey curisay liis hab-raacyo u gaar ah, kuwaasi oo si joogto dib u eegis loogu sameeyo lagana heli karo online. Guud ahaan, ardada iyo shaqaalaha waxa qasab ah iney xirtaan maaskis, si joogto ah u dhaqaan gacmaha, midba midka kale ay xooga isu jirsadaan iyo iney guriga joogaan marka ay jirran yihiin. Iskuulladu looma baahna iney ardada iyo shaqaalaha ka qaadaan tijaabada karoona fayras, inkastoo dhowr waaxyo iskuuleed ay imika sameynayaan.

    Waaxda Iskuulka Kent waxey bilaabi doontaa siinta ardada waxbarasho qof ahaaneed toddobaad ka dib. Ma jiraa ganaax ku aaddan inaan la raacin amarka madaxdu ku baaqday?

    Inkastoo baaqa guddoomiyuhu uu sharci yahay iyo in la raaci waayo “suurto gal tahay iney ka dhalan karto arrimo sharci ah,” gobolku wuxuu xoogga saarayaa wacyi gelinta faafidda cudurka iyo “in la helo waddooyin lagu caawinayo waaxyadu iney la kulmaan waqtiga loo qabtay haddii ay dhibaatooyin qabaan,” sida uu sheegay af-hayeenka xafiiska Inslee. Kent, tusaale ahaan, fasaxii diraacda (spring) ee waaxda iskuulka wuxuu ku aadayaa toddobaadka Abriil 5, haddaba gobolku wuxuu u oggolaanayaa iney waaxda hore u sii waddo nidaamka waxbaristeeda isku dhafka ah toddobaadka ku xiga.

    Saraakiisha Gobolka waxey ka sii hadli doonaan xoojinta baaqqa haddii ay bilaabato iney soo gaaraan cabashooyin ku saabsan inaan si isxilqaan ah loo raacin amarka, ayuu yiri af-hayeenka.

    Haddii uu ka jiro kiis COVID-19 fasalka cunuggeyga ama iskuulka, maxaa dhici doona? 

    Sida ku hoos ku qoran Waaxda Caafimaadka waxyaabaha looga baahan yahay iskuullada, arday ama xubin shaqaale oo leh kiis la og yahay oo COVID-19 ah waxa loo dirayaa guriga waxana la weydiisan doonaa inuu is karantiino 10 beri laga bilaabo marka calaamadaha ugu horreeyey ku bilowdeen, iyo ugu yaraan 24 saacadood ka dib marka qandhadu hoos u dhacdo kana soo kabto calaamooyinka. Dhammaan ardada and shaqaalaha ee ka ag dhowaa cunugga ama qofka weyn ee la xaqiijiyey in kiis laga helay waxa la weydiin doonaa inuu iska eego calaamooyin iyo inuu is karantiino. Xiriirada dhow waa dadka la joogay 6 cagood gudahood, in ka badan 15 dadqiiqo wax ka badan 24 saac gudahood, qof cudurka laga helay, oo ay ku jiraan caruurta fasalkooda iyo kuwa la dhashay ee iskuulka jooga.  

    Haddii ay jiraan kiisas labo ama ka badan oo la xaqiijiyey ee fasalka gudahiisa waqti ka badan labo toddobaad, dhammaan kooxda waa in laga fasaxaa si ay karantiin u galaan haddii mar horeba aaney u sameynin. Waxey ku xiran tahay tirada fasallada ee iskuulku leeyahay, inta fasal ee muuqata in loo joojiyey — ama shaqaalaha u maqan karantiin darteed — waxey keeni kartaa in dhammaan iskuulka albaabada loo xiro. 

    Iskuullada ma codsan doonaan macallimiinta iyo shaqaalaha iney isu tallaalaan sida cisbitaallada? 

    Shaqaalaha loogama baahna iney is tallaalaan si ay ugu soo noqdaan dhismayaasha iskuullada, laakin dadka ka shaqeeya xannaanada ilaa fasalka 12aad (K-12) hadda way u qalmaan tallaalka. Ardada badankoodu weli uma qalmaan iney helaan tallaalka COVID-19, mana looga baahan in la talaalo si ay dib ugu noqdaan iskuulka.