Siyaasi Reer Seattle oo ah Musharrax Xildhibaan 2016

0
959

Cabdirashid Maxamed Saciid oo warbaahinta bulshada ku kulanto  kula hadlay dadweynaha Soomaaliyeed ayaa sheegay in uu yahay musharax u taagan qaabashada xilka xildhibaanimo ee Soomaaliya 2016.

Abdirashid M Said oo ka mid ah waxgaradka Soomaaliyeed ahna qubo joogta magaalada Seattle ee dalka Mareykanka oo bulshadana kala shaqeyn jiray baahidooda ayaa taageeray heshiishkii ay wada gaareen  Cumar Cabdirashid Cali, Raiisul Wasaaraha Soomaaliya, iyo Dr Cabdiweli Muxammed Cali, Madaxweynaha  Puntland, ku aadanaa in Puntland ay aqbashay nidaamka 4.5 ee 04/04/2016 Garoowe.

Waxa uu Cabdirashid hadalkiisa ku soo khatimay sidan, “Haddaba ummadda Soomaaliyeed waxaan u sheegayaa inaan ahay musharax u tagaan qabashada xilka Xildhibaanimo ee Soomaaliya sanadkan, 2016 in shaa Allah. Waxaan si daacad ah Allah ka cabsina ku dheehan tahay  uga shaqayn doonaa dib-u-heshiisiin dhab ah waxaana u hiilinayaa xaqqa iyo in la helo wadajir lagu kulansan yahay xariga Allah SWT, nabad iyo baraare in la gaaro. Waxaan ka baryayaa Mowlahenna inuu i waafajiyo xaqqa iyo wanaaga, bulshada Islaamka ah ee Soomaaliyeed waxaan ka codsanayaa inay duco, hiil iyo hooba ila garab galaan Walalkiin wanaagga la raba Ummadda Soomaaliyees ee islaamka ah.

Wassalaamu calaykum

Walaalkiin

Abdirashid  M Said( SayidKhadum)

(602) 710 5494

sayidkhadum@gmail.com”